Xumadda Dengi (Dengue Fever): Xanuunnada Lagu Qaldo Iyo Daweyntiisa

xumadda dengi, xumada,

Xumadda Dengi (dengue Fever) oo sida oo kale loo yaqaanno xumadda ‘Lafa jebinta’ waxa cudur uu dhaliyo fayraska Dengi (Dengue) oo ka dillaaca dhulka kulaalaha ah ama kulaalaha xiga, waxaana gudbisa kaneecada.

Fayraska Dengi marka uu qofka ku dhaco afar illaa 10 maalmood gudahood ayaa uu ku soo ridaa, laakiin malaha calaamado cad oo lagu garto, sidaas awgeed marar badan waxaa lagu qaldaa xanuunno kale oo uu hargabku ugu badan yahay.

Si kastaba ha ahaato ee calaamadihiisa waxaa ka mid ah xummad daran oo illaa 40 Digrii gaadha, madax xanuun, kaar iyo xanuun ku dhaca muruqyada, Lafaha iyo xaglaha, yalaalugo, matag, indhaha oo dhabarka dambe ee gudaha ka xanuuna, qanjaha oo barara, iyo maqaarka oo gubta (Madoobaado).

Dadka badankoodu xanuunkan toddobaad gudihii ayaa ay kaga bogsadaan, laakiin xaaladaha qaar ayaa uu xumaadaa khatarna ku yahay nolosha Bukaanka. Waxaa ka mid ah marka ay xumaddiisa oo aad u sarraysaa ay burburiso ama dillaaciso xididdada dhiigga, kaddibna dhiigfuran gudaha ahi qofka ku dhaco, waana sababta keenta in unugyada jidhka qaar hawlgabaan iyo dhimashada.

Khatarta ugu weyn ee xanuunkani waa in uu si degdeg ah oo aan la sii saadaalin karin u xumaan karo, illaa heer uu gaadho in uu nolosha qofka galaafto, inta badanna waxa ay tani dhacda maalinta koowaad ama labada maalmood ee ku xiga marka ay xumaddu qofka ka go’do. Haddaba markan oo kale calaamadaha uu qofku isku arko ee khatartaas lagu garan karo waxaa ka mid ah; Calool xanuun daran, matag joogto ah, cirridka ama sanka oo dhiiga, dhiig soo raaca kaadida, saxarada ama matagga, iyo dhiig furan maqaarka hoostiisa ka dhaca oo inta badan lagu garto boogo jidhka qofka lagu arko, neefsiga oo qofka ku adkaada ama neefta oo uu boobsiiyo (Neeftuur), daal iyo burbur jidhka oo dhan ah, iyo xasilooni darro nafsiya iyo cadho degdeg ah.

Goorma ayey tahay in dhakhtar loo tago?

Xanuunka xumadda Dengi waxa uu leeyahay xaalado uu nolosha khatar ku yahay, sidaas awgeed dhakhtar booqo haddii aad dhowaan booqatay dal uu ka jiro, haddii deegaanka aad joogto looga shakisanyahay iyo haddii aad isku aragto wax uun ka mid ah calaaadihiisa, gaar ahaan calool xanuun daran, matag, neefsiga oo cidhiidhi noqda, iyo dhiig lagu arko sanka, cirrika ama saxarada.

Xanuunkani waxa uu sannad kasta ku dhacaa malaayiin qof oo dunida ku kala nool, in kasta oo uu waqtiyadii hore caan ku ahaan jiray dalalka Koonfurta Bari ee Aasiya, Jasiiradaha galbeedka Badweynta Hindiya, Laatiin Ameerika iyo qaaradeenna Afrika. Sannadihii u dambeeyey waxa uu ka dilaacay goballo iyo dalal cusub oon hore looga aqoon. Sidaa awgeed qof kasta oo ku nool qaaradaha iyo goballada aynu xusnay, ama booqday ama jooga dhul uu xanuunkani ka dillaacay waxa uu khatar u yahay in uu ku dhaco iyo in uu faafiyo kadidb marka ay kaneecadu qaniinto.

Marxaladaha xanuunkan

Xanuunkani waxa uu u qaybsamaa afar nooc ama xaaladood oo kala khatar badan, afar fayras oo kala duwan, laakiin Dengi (Dengue) wada ahina ay keenaan. Si kastaba ha ahaato ee xaaladaha ka dhasha waxa aynu si guud ugu soo koobi karnaa laba:

1. Saf mar:

Marka uu safmarka yahay (Fududyahay) waxa uu leeyahay xumad daran, iyo in qofku uu isku arko calaamado u eeg kuwa hargabka, sida Qandho, xummad, burbur iyo xaaladda guud ee qofka oo uu juuc-juuc dareemo, madax xanuun, dhidid, garaac jidhka oo dhan ah, diiqad iyo neefta oo cidhiidhi uu ka dareemo iwm.

2. Dilaa

Dengue Fever marka uu khatarta (Dilaaga) yahay waxaa uu leeyahay; Dhiigbax aan sabab la arki karo lahayn oo ku dhaca cirridka, cunto mareennada (Dhuumaha cuntada) ee uur ku jirta ama xitaa maqaarka. Hoos u dhac kedis ah oo ku yimaadda wareegga dhiigga, kaas oo keena dhimasho. Hoos u dhac iyo fashilaad ku timaadda guud ahaanba wareegga dhigga.

Shoogga qulqulka dhiigga oo ah dhiigga oo joogsada; Waa xaalad khatar ah oo dhacda marka uu jidhku waayo qulqulka dhiigga oo ku filan.

Waxaana ka dhasha in unugyada iyo xubnuhu ay waayaan Ogsajiin iyo nafaqo ku filan si ay si habsami ah ugu shaqeeyaan, taas oo dhaawac gaadhsiisa xubno badan, sidaas awgeed shanti qof ee ay xaaladdani ku dhacdaba ugu yaraan mid ayaa u dhinta.

Qofku haddii uu xaaladdan galo waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah si looga hortago in xaalku sii xumaado.

Faafitaanka xanuunka

Warka fiicani waa in dadku aanay is qaadsiinin xanuunkan, laakiin warka aan fiicnayni waa in kaneecadu ay gudbiso, sidaas awgeed uu si fudud u faafo maadaaa oo ay tahay xasharaad la dagaalankiisu uu adagyahay, meel kastana jooga, gaar ahaan Nooca xanuunkan faafisa oo ah jaad aadamaha aan ka fogaan oo inta badan guryaha iyo deegaanka uu ku noolyahay joogta.

Fayraska Dengi waxa uu raacaa dhiigga, sidaas awgeed kaneecada marka ay qaniinto qofka xumaddan qaba, waxa ay qaadaysaa Fayraska oo ay ku reebayso qofka kale ee ka caafimaadka qabay ee ay qaniinto.

Si ksataba ha ahaato ee hooyada uurka leh ee uu fayraskani ku dhacaa waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay siddo. Arrintaas oo ilmaha ku keenta khatar badan oo ay ka mid tahay in hooyadu ay dhiciso ama in sidkiisa ka hor uu ku dhasho, in uu ku dhasho miisaan aad uga hooseeya miisaanka dabiiciga ah, ama in xilliga foosha ay ku yaraato ogsajiintu.

Habka ugu fiican ee fiditaankiisa loo xameeyaa waa in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecada, iyo in laga shaqeeyo sidii loo yarayn lahaa kaneecada guud ahaan deegaanka iyo gaar ahaan guryaha.

Xanuunada lagu qaldi karo

Xanuunkani waxa uu u eegyahay oo marar badan dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaad iyo bukaankuba ay ku qaldi karaan xanuunno ay ka mid yihiin Hargabka, Kaneecada, iyo xumadda Tayfoodhka. Sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan, in feejignaan dheeraad ah loo yeesho qofka lagu arko calaamadaha xanuunnadaas.

Daweynta iyo tallaalka xumadda dengi

Sida ay caddaysay xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cudurrada ee dawladda Maraykanku ma jirto dawo rasmi ah oo uu xanuunkani leeyahay, laakiin dawooyin ay kaar jebintu ka mid tahay ayaa loo isticmaalaa dejinta iyo la tacaalista xaaladaha ka dhasha xanuunkan.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira tallaal loo isticmaalo ka hortag xanuunkan oo lagu magacaabo ‘Dengvaxia’ (CYD-TDV). Markii ugu horreysay ee la sameeyey waxa ay ahayd sannadkii 1920 kii, marar badan oo dambana waxaa lagu sameeyey dib u cusbaysiin iyo tayeyn, si uu u daboolo baahida difaaca jidhka, una xoojiyo awoodda uu iskaga caabbin karo dhammaan afarta nooc ee xanuunkan.

Tallaalkan waxaa la qaataa 3 jeer, muddo 12 bilood gudahood ah, waxaana la siiyaa keliya dadka uu hore ugu dhacay nooc ka mid ah afarta nooc ee xanuunkani, si looga hortago noocyadiisa kalana in ay ku dhacaan iyo dadka ku nool meelaha uu ka dillaacay. Sababtuna waa tallaalka oo ay dhici karto in uu isagu khatarta xanuunkan sii kordhiyo.

Waxaa xusid mudan in dawladda Maraykan aanay kalsooni siinin tallaalkan oo ay muddo dheer u diidanayd dadkeeda, laakiin sannadkii 2019 kii ayaa ay ogolaatay in la siiyo dadka da’doodu u dhexeyso 9 illaa 16 jir ee hore uu xanuunku ugu dhacay, kuna nool goballada iyo deegaannada uu xanuunku ka jiro.

Dawooyinka kaar-jebinta ee la isticnmaali karo iyo kuwa ay tahay in la iska jiro

Maadaama oo xanuunka ‘Xummada Dengi’ uu leeyahay garaac badan, waxa uu bukaanku isticmaali karaa dawooyinka kaarjebinta ee aan qoraalka dhakhtarka u baahnayn, laakiin ah noocyada ay ka mid yihiin:

1. Paracetamol (Maraykanka waxaa looga yaqaannaa Acetaminophen) waxa kale oo la mid ah, Panadol, Tylenol ama Mapap.

Bukaanka xumadda Dengi qaba waxaa looga digayaa in uu isticmaalo dawooyinka kaarjebinta ee hoos ku xusan oo sii badin kara khatarta xanuunka ka dhalata ee dhiigbaxu ka mid yahay.

  • Aspirin,
  • Ibuprofen (Magacyadeeda kale ay ka mid yihiin Motrin IB iyo Advil)
  • Naproxen Sodium oo magacyadeeda kale uu ka mid yahay (Aleve)

DIGNIIN:

Dawooyinkani magacyo kale ayaa ay yeelan karaan sidaas awgeed waa in la iska hubiyo waxa ay ka kooban tahay dawo kasta oo garaac oo uu cunayo qofka Bukaanka ahi.

TALO:

  • Haddii xanuunkani kugu dhaco ku dadaal in aad hesho caawimo dhakhtar iyo la socosho xaaladeed oo joogto ah.
  • Ku dadaal in jidhka Bukaanka xanuunkani uu helo dareere badan iyo macdanaha iyo cusbooyinka loo yaqaanno electrolyte oo laga siiyo xidiidka halbawlaha ah ee ‘Aroorka’ (Vein) oo ah ka Wadnaha dhiigga u qaada.
  • In lala socdo kicitaanka iyo hoos u dhaca dhiigga.
  • In dhaqso dhiig loogu shubo haddii dhiig bax gudaha ahi dhaco.
  • In nasasho badan la qaato

Bogsashada kaddib

Marka uu bukaanku ka bogsado xanuunkan waxa uu jidhku yeeshaa awood difaac oo muddo dheer uu iskaga ilaalin karo fayraska Dengi ee ku dhacay. Laakiin nasiibdarro waa nooc ku dhacay oo keliya, maadaama oo ay jiraan afar Fayras oo kala duwan oo keena afarta nooc ee xanuunkan. Taas macnaheedu waa in qofka ka bogsaday xanuunkan uu mar kale ku dhici karo xanuunkan oo ah noocyadii kale ee aan kugu dhicin marka hore.

FG:

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku soo badanayey xummad daran oo dad kala duwan ku dhacday. Laakiin xogta halkan ku qoran ujeedadeedu ma’aha in ay xumaddaas ku sheegayso ‘Xumadda Dengi’ ama ay diidayso.

Mayo Clinic / CDC / iyo Wakaalado kala duwan.

Uruurin iyo Turjumid: Kamaal Marjaan

Check Also

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *