In kasta oo aadamuhu ka dheregsan yahay in haddii geeriyi deyso uu gabow lama huraan yahay, haddana waa waxa ugu badan ee ay ka warwaraan. Waxa se’ laga yaabaa in aanay fahmin ama rumaysan daraasado badan oo cilmiya o odaahfuray in da’da dhalinyaronimadu aanay ahayn ta keliya ee ku fiican gudashada dhammaan xirfadaha iyo hawlaha kala duwan. Daraasadahaas ayaa muujinaya in ay jiraan xaalado badan oo qofku isaga oo da’dii dhalinyaronimada ka gudbay haddana hawlo badan oo muhiim ah iyo xirfado kala duwan u qaban karo si ka fiican dhalinyarada.
Haddii da’yartu caan ku tahay firfircooni iyo adkaysi badni, waxa aad ogaataa in dadka waaweynina inta badan nafsiyan ay aad uga xasiloon yihiin dhalinyarada, waana sababta aynu dhammaanteen u aaminsannahay xaqiiqada ah in, aadamuhu mar kasta oo da’diisu sii korodho ay waayo-aragnimadiisuna badato.
Qormadan xiisaha badan oo aynu ay kasoo xiganay shabakadda Internet ka ee Business Insider waxa ay ku soo ururisay natiijooyinka cilmibaadhiso iyo sahamin kala duwan, si loo xaddido da’da ay kartida qofku halka ugu sarraysa gaadho iyo weliba da’aha kala duwan iyo xirfadaha uu qofku ku kala habboon yahay qabashadooda.
Da’ahaas iyo sida ay daraasaduhu u muujiyeen mihnadaha ku kala habboon ayaa sidan soo socota u dhigan:
1. Barashada luuqad labaad:
Marka uu ilmuhu toddoba ama Siddeed sano jiro ayaa ah waqtiga ay bani’aadamka ugu fududahay in uu barto af labaad oo aan ahayn afkiisa hooyo.
Xeeldheerayaasha cilmiga afafka iyo culimada cilminafsigu waxa ay ku kala aragti duwan yihiin da’da ugu habboon eek u fiican in qofku uu barto af labaad, laakiin si guud waxa ay isugu waafaqsan yihiin in barashada afka labaad ay inta badan fududahay marka uu qofku da’ yar yahay, ugu yaraan inta aanu qaan-gaadhin.
2. Shaqada maskaxda:
Shaqada iyo firfircoonaanta maskaxeed ee aadamuhu waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaa marka ay qofka da’diisu gaadho 18 sano jir.
3. Xusuusta magacyada:
Awoodda ay maskaxda aadamuhu u leedahay xusuusashada magacyada aanay la qabsan ama ku cusub, waxa ay ugu fiican tahay marka ay da’da qofku tahay 22 sano.
4. Haasaawaha:
Dumarku waxa ay damaca iyo xiisaha ninka ugu soo jiidan og yihiin marka ay da’doodu tahay 23 sano jir, halka ninku marka uu dumarka qalbigooda ugu soo jeedin og yahay ay tahay marka uu waxoogaa da’da dhalinyaronimada ka gudbo.
Baadhitaanno guud iyo sahamin aan rasmi ahayn oo la sameeyeyna waxa ay caddaysay in Raggu ay jecel yihiin gabadhu inta ay weli ku jirto bilowga Labaatanaadka, xitaa marka uu ninku yahay nin da’ weyn gabadha da’daas ah ayaa uu jecel yahay. Laakiin dumarka da’aha Labaatanaadka ku jiraa waxa ay jecel yihiin ragga da’ ahaan ka weyn sannad ama laba sano, halka dumarka Soddonaadka ku jiraa ay jecel yihin ragga ka da’da yar, dhowr sano.
5. Ka raalli ahaanshiyaha nolosha:
Ka raalli ahaanshiyaha nolosha iyo duruufaha ku xeerani waxa ay halka ugu fiican ee ugu sarraysa gaadhaan marka ay da’da qofku marayso 23 sano jir.
Cilmibaadhis Jarmal ah oo tijaabadeeda laga qaaday 23 kun oo qof ayaa lagu ogaaday in dadka ay da’doodu ku jirto 23 jirku in ay yihiin kuwo ka raalli ah noloshooda, iyada oo weliba laga eegayo dhinac kasta oo nolosha ka mid ah.
6. Dhismaha jidhka:
Quwadda jidheed iyo xoogga qofku waxa uu halka ugu sarreeya gaadhaa marka ay da’diisu tahay 25 sano. Waxa aanay muruqyada iyo quwadda qofku sidaas sii ahaadaan 10 illaa 15 sano oo ka sii dambeeya da’dan.
7. Xasiloonida:
Da’da ugu habboon ee xasiloonida qoyska iyo kalgacalkuba halka ugu sarraysa gaadhaan waa marka ay da’da ninka ama lammaanuhu gaadho 26 sano.
Daraasado arrintaas la xidhiidha oo dhowaan la sameeyeyna waxa ay daahfureen in burburka iyo furniinka qoysku ugu yar yahay qoysaska ay lammaanayaashu yihiin inta u dhexeysa 28 sano illaa 32 sano.
Orodka:
Da’da ugu habboon ee qofku uu adkaysiga u leeyahay orodka iyo socodka badaniba waa 28 jirka. Baadhitaan muddo 50 sano ah socday ayaa lagu ogaaday in orodka dadka ay da’doodu tahay 28 jirku ay yihiin kuwa ugu kartida badan dhamaystirka orodka 42 kiiloomitir ah oo ay weliba laba saac gudahood ku dhammeeyaan.
9. Caafimaadka lafaha:
Xoogga iyo dhismaha lafaha aadamuhu waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaa marka ay da’da qofku gaadho 30 sano, waa da’da ay lafuhu ugu cufan yihiin.
Haddaba waxaa mar kale muhiim ah in qofku uu joogteeyo isticmaalka Kaalshiyaamta iyo Faytamiin D, si uu u ilaaliyo caafimaadka iyo adkaysiga lafihiisa, waayo waxaa hubaal ah in da’dan waxa ka dambeeya ay lafaha aadamuhu hoos u dhac bilaabaan, si taas looga hortagana waa in lagu dadaalo kalshiyaamta oo waxyaabaha ugu fiican ee laga helo ay caanuhu ka mid yihiin.
10. xirfadda Shaxda:
ciyaarta shaxda oo u baahan maskax furnaan, karti go’aan qaadasho oo degdeg ah iyo miisaan, waxa aanay daraasaddani daahfurtay in da’da ay maskaxda aadamuhu ugu fiican tahay ciyaarta iyo xeeladda badinta shaxda ay tahay marka uu qofku 31 sano yahay.
Saynisyahanno ayaa doonay in ay gartaan bal in xirfadda jidheed iyo fikir ay is beddesho mar kasta oo da’da qofku korto, wax yaabaha ay ogaadeenna waxaa ka mid ahaa in boqolkiiba 96 dadka xarfaanta ku ah ciyaarta Shaxda (Chess), ee horyaalka ka noqday tartannada ciyaartan in ay yihiin da’da dhexe, iyo in da’da ay maskaxdu ugu bisishay ciyaartani ay tahay marka ay da’du tahay, 31 jirka.
11. Xusuusta Wejiga dadka:
Marka uu qofku 32 sano jir gaadho waa marka ay maskaxdiisu marayso halka ugu sarraysa ee u bisaylka xusuusta wejiyada dadka ay meelaha kala duwan kula kulanto ama barato.
Cilmibaadhis la sameeyey ayaa daahfurtay in awoodda ay dadku u leeyihiin aqoonsashada wejiga qofka ee dhaqsaha ah iyo xusuusashada wejiga qofka ay mar keliya hore isu arkeen ay maskaxdu ugu fiican tahay marka uu qofku 32 sano jirka yahay. Laakiin sagaal sano kadib, da’dan ayaa ay bilaabataa in ay xusuustu dib u gurato, lagana yaabo in ay qofka ku adkaato xusuusashada wejiyada dadka ay mar keliya uun hore isu arkeen, taas oo inta badan lagu arko in qof ay hore u barteen, mar labaad ay codsadaan in dib loo baro ama loo xasuusiyo.
12. Wax-soo-saarka waxbarashada:
Daraasad lagu sameeyey da’da uu wax soo-saarka aqooneed ee qofku ugu tayada badan yahay ayaa lagu ogaaday in 40 jirku uu yahay dadka ay celcelis ahaan ugu badan yihiin dadka sameeyey cilmibaadhisaha cilmiga ah ee ku guulaysta shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize.
Daraasad uu sameeyey Maxamdka cilmibaadhista dhaqaalaha ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in da’da ay celcelis ahaan saynisyahannadu sameeyaan cilmibaadhistooda ugu tayada badan, aalaana soo dhoweynta iyo abaalmarinta caalamiga ah la kulantaa ay tahay 40 jirka.
13. Mushaharku waxa uu la kordhaa da’da:
Mushaharka dumarku ku qaataan shaqooyinka xirfadda iyo aqoonta loo qaddariyaa waxa ay halka ugu sarraysa gaadhaan marka ay gabadha da’deedu 39 sano jir tahay, halka raggu ay ugu mushahar badan yihiin marka ay 48 sano jir gaadhaan.
Sahamin ay samaysay hay’adda PayScale ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Maraykanka ay gabadhu ugu dakhli badan tahay marka ay da’deedu gaadho 39 sano jir, iyada oo aalaaba korodhka mushaharka gabadhu bilowdo marka ay 30 jirka gaadho. Dhinaca kalana ninka ayaa mushaharkiisu halka ugu sarraysa gaadhaa 48 ama 49 jirka.
14. fahamka iyo akhrisashada Shucuurta dadka:
Fahamka shucuurta dadka waxa ay maskaxda qofku ugu fiican tahay marka ay da’diisu marayso Afartanaadka iyo Kontonaadka.
Tijaabo lagu sameeyey dad tiradoodu 10 kun oo ruux gaadhayso, ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in dadka da’ahan ku jiraa ay yihiin kuwa ugu qiimayn og uguna fahamka badan shucuurta dhabta ah ee qofka, gaar ahaan marka daymada indhaha uun ay noqoto in shucuurta qofka laga akhristo.
15. Xirfadda xisaabta:
Waxa ay maskaxdu xisaabta ugu fiican awooddaa marka ay da’diisugaadho 50 jirka.
Waa run in yaraan qofku ku barto jadwalka isku-dhufashada iyo guud ahaan aasaaska xisaabta, laakiin haddana waxaa cilmi ahaan run noqotay in dadka da’doodu ay ku jirto Kontonaadku ay yihiin kuwa ugu fiican uguna dhaqsaha badan ka jawaabidda su’aalaha xisaabta ee sida kediska ah.
16. Nolosha oo mar kale raalli laga noqdo
Bani’aadamku marka uu gaadho da’da 68 jirka, waxaa mar kale u soo noqota ka raalli ahaanshiyaha nolosha.
Ma xasuusataa cilmibaadhistii lagu sameeyey dalka Jarmalka ee aynu hore taxanahan ugu soo xusnay. Waa tii sheegtay in dadku marka ay gaadhaan da’da 23 jirku ay tahay marka ay shucuurtoodu joogto halka ugu sarraysa ee ka raalli ahaanshiyaha nolosha. Sida aynu isla qaybihii hore ku soo sheegnay waxa uu raalli ahaanshiyahaasi hoos u dhacaa marka uu qofku gaadho da’da dhexe, oo ay ku bilawdaan warwar iyo fikir badani. Haddaba waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in shucuurtaas fiican ee qofka dareensiinaysa ka raalli ahaanshiyaha noloshu ay dib u soo noqdaan marka uu gaadho da’da 69 jirka.
17. Cod kar
Waxa ay khubaradu ogaadeen in marka uu qofku gaadho dabayaaqada lixdanaadka cimrigiisa in carrabku u furmo, oo uu noqdo ruux awoodi kara in uu adeegsado ereyada cuddoon ee ku habboon hadba halka uu u doorto.
Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa caddaynaya in qofku marka uu da’dan gaadho uu ka maarmo isku mashquulinta qaamuuska ee inta badan lagu arko qofka dhalinyarada ahi marka uu doonayo in uu luuqad si fiican u isticmaalo, isaga oo qaamuuskaas ka raadsanaya ereyada ku habboon. Waxa aanu awood u yeeshaa xasuusashada kelmada ku habboon ama ku sii quruxda badan hadba waxa uu doonayo in uu sheego.
18. Dhismaha jidhka
Ragga iyo dumarku waxa ay ka siman yihiin in marka ay da’doodu gaadho 70 jirka ay ku abuuranto shucuur ah in ay ka raalli yihiin qaab-dhismeedka jidhkooda.
Rayi-ururin ay samaysay hay’adda Globe ayaa saddex meelood laba dadkii wax la weydiiyey oo da’doodu ka weynayd 65 sano waxaa lagu ogaaday in ay si buuxda u jecel qaabka uu hadda muuqaalkoodu yahay. Waxa ay cilmibaadhisuhu muujinayaan in raggu marka ay gaadhaan da’da Siddeetanaadka ay tahay marka ay ugu jecel yihiin qaab dhismeedka iyo muuqaalka jidhkooda isuguna qanacsanaan badan yihiin. Sida ay qireen boqolkiiba 75 dadkii rayi-ururintani gaadhay. Laakiin dumarka ayaa tiro ahaan ka yara hooseeya ragga oo iyaga tirada da’dan marka ay gaadho iska raallida ah ama isku qanacsani waa boqolkiiba 70 marka lagu saleeyo rayi-ururintan, waxa aanay shucuurtan isku qanacsanaantu la bilaabantaa marka ay gaadhaan cimriga 74 sano jirka.
19. Xikmadda
Sida caadi ahaanba bulshooyinka kala duwan ee dunida badankoodu aaminsan yihiin, xikmadda qofku waxa ay la kortaa mar kasta oo ay da’diisu sii korto. Koox culimada cilminafsiga ka mid ah ayaa baadhis ay sameeyeen ku ogaaday in dadka da’doodu u dhexeyso 60 jirka illaa 90 jirku ay yihiin dadka ugu xikmadda badan, uguna fikirka togan marka ay noqoto in arrin la xalliyo ama laga fikiro sida ugu habboon ee hawl loo qaban karo.
20. Raaxo iyo nafis
Marka uu aadamuhu gaadho da’da 82 waa marka ay naftiisu qabto shucuurta ugu sarraysa ee dhinaca xasiloonida maskaxeed iyo faraxsanaanta. Ama shucuurta aynu ku tilmaamno in ay nafisanaan tahay.
Cilmibaadhis lagu faafiyey joornaal ay soo saarto akademiyadda Sayniska ee dalka Maraykanka ayaa baadhis ay ku samaysay lagu ogaaday in dadka da’doodu u dhexeyso 82 illaa 85 ay ku jiraan waqtiga ay ugu sarrayso shucuurtooda raaxada iyo xasiloonida nafsiga ah.
21. Go’aamada waaweyn
Cilmibaadhis nafsi ah ayaa daahfurtay in da’da uu qofku ugu qaadan og yahay go’aamada muhiimka ahi ay tahay marka tirada da’diisu ay kisi tahay, oo tusaale ahaan uu yahay 9 jir, 29 jir, 39, jir 49 jir, 59 jir iwm.
Diyaariye: Kamaal Marjaan