Xikmado Dhaxalgal Ah

Sida uu sheegay nabi muxamed (N.N.K.H) xikmaddu waa baadi ka maqan qofka muslimka ah.

Haddaba halkaan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa qaar ka mid ah xikmadihii laga dhaxlay waaya araggii dunida soo maray.

Konfooshiyoos waa faylasuufki ugu horreeyay dalka china,  sidoo kale waxa uu ahaa nin aad u xikmad  badan.

Haddaba halkaan kaga bogo xikmadaha dhaxal galka ah ee laga dhaxlay konfooshiyoos:

  1. Qofki arka waxa saxda ah misana aan qaadannin waa doqon.
  2. Farxaddu waxa ay leedahay laba waddo oo asal ah waxa ayna kala yihiin: *furfurnaan.   *wanaag.

3. Qofku in uu khalad galo way dhacdaa, laakin marka uu ogaado khaladka in uusan ka laaban ayaa khalad wayn ah.

4. Qofku inti uu mugdiga canaanan lahaa, waxaa u wanaagsan in uu shumac am anal iska shito.

5. Qofka aan si dagan oo dabacsan aan u hadlin, waxaa adkaanayso in hadalkiisa la dhagaysto.

6. Shaqa marka aad qabanaysid qasab ma ahan in aad boobsiisid, laakin muhiimaddu waa in aadan joojin shaqada.

7. Qofki aan nolosha waxba ka garanayn, muxuu ka garan karayaa geerida?

8. Qofka madaxda ah waa in uu u dhaqmaa madax ahaa, qofka loo taliyo waa inuu u dhaqmo sida qof loo taliyo, aabuhu waa inuu u dhaqmo aabe ahaan, cunugguna waa in uu u dhaqmo cunug ahaa. Micnaha qof waliba waa in miizaankiisa la saaraa.

9. Qofka waxaa ku habboon in uu ku dhaqmo waxa dadku ay faraan, halka qof waliba ay la gudboontahay waxa uu dadka u sheegayo inuu isagu naftiisa ku dabbaqo.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *