- Hadii aad salaad dukanaysid , Ka taxaddir Qalbigaaga. ( ka dhig qalbigaaga qalbi Alle (SW) u qushuucsan )
- Hadii aad wax cunayso , Ka taxaddir waxa aad Dhuunta marinayso. ( iska ilaali in aad wax xaaraan ah cunto )
- Hadii lagu marti qaado , Ka taxaddir Indhahaaga. (Waa in aad xakamaysaa naftaada oo aad xushmaysaa cida ku marti galisay).
- Hadii aad dad ku dhex jirtana , Ka taxaddir Carabkaaga. ( Ku hadal hadalka kiisa wanaagsan kana tag kiisa foosha xun )
” Sidoo kale waa in aad Xasuusataa Labba Arimood ”
1-Waa in aad xasuusataa Allah ( SW ) oo aad ka mahadcelisaa nimcooyinka tirada badan ee uu kuugu deeqay .
2- Waa in aad xasuusataa Geeri iyo in ay dunidu tahay meel ku meel gaar ah oo aad mar un ka tagaysid .
” Sidoo kale waa in aad iska ilowdaa labba arimood ”
1- Waa in aad Iska ilow wax waliba oo wanaag ah oo aad cid kale u gashay ( u samaysay).
2- Iyo wax waliba oo xumaan ah oo ay cid kale kuu gaysatay.
Waayo abaal marinta dhabta ah waxa ay jirtaa aakhiro sidaa awgeed camal kaaga wanaagsan dib u dhigo.
Via: Dhalinta Maanta