In aad ku fikirtid wax wanaagsan ayaa u fiican jiritaankaaga. Noloshaaduna waxa ay noqonaysaa mid kuu fudud.
Hadaba halkan ka akhirso xikmada maanta!
- Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid.
- Ha rumaysan wax kasta oo aad maqashid! Ha wada isticmaalin waxa aad haysato ee bar kaydso. Hana seexan hurdo badan oo ku seejisa dantaada.
- Marka aad qof ku dhahaysid waan ku jeclahay, dheh adiga oo ay dhab kaa tahay.
- Aamin in jacaylku ku dhalan karo qofka arigtada ugu horeysa!
- Jeclow qof jacayl dhab ah xiiso badan leh. Waxa dhici karta in qofka aad jeceshahay kaa tago. Taasna waxa aad ku dareemi kartaa nolosha dhabta ah.
- Dadka meel hakaga dhicin oo ha caayin.
- Si degan u hadal, laakiin si dhaqso ah u fikir.
- Hadii uu qof ku waydiiyo su’aal aanad rabin in aad ka jawaabto, u ilka cadee oo waydii: Maxaad u rabtaa in aad arintaa ogaatid?
- Qofka hindhisa u ducee
- Isfahmid la’aan yari yay kaa duminin saaxiibtinimo wayn.
- Marka aad aragtid in aad qalad gashay si dhaqso ah u sax.
- Marka aad ka jawaabaysid telefoonka ilko cadee, qofka kula hadlayaa waxa uu maqlayaa ilko cadayntaada!
- Waqti isa sii adiga kuu gooni ah.
- Soo dhawee fikirka ah in aad isbedali kartid. Laakiin, ha ka tagin waxa aad aaminsantahay.
- Xusuusnow in ay aamusnaantu mararka qaankood tahay jawaabta ugu wanaagsan.
- Nooloow nolol wanaagsan oo qiimo leh
- Marka aad gaboowdo xuuso wanaagii ku soo maray, si aad mar kale uga heshid dareen fiican waqtigii wanaagsanaa ee ku soo maray.
- Aamin dadka, laakiin albaabka gurigaaga xiro.
- Waxii aad ogtahay ee faa’iido leh u sheeg dadka kale ha kula qaybsadaan,e. Taasina waxa ay kaa dhigaysaa in aad noqoto qof waligii la xusuusto oo dad badani yaqaanaan.
- Waligaa ha goynin xiriirka qof ku tusaya wanaag.
- Sanakiiba u bax meel aanad waligaa arag, ha ahaato wadan kale, magaalo kale, xaafad kale, kayn kale ama duur duur kale.
- Hadii ay ku soo gasho lacag badan, u maal gali si ay dadka u caawiso inta ay nool yihiin.
- Isku day in aad baratid sharciyada oo dhan, oo qaarna jebi!