Sidee u Xiiso Gelin kartaa Qofkaad Jeceshahay?

Maxay tahay sababta aad ugu guuldarraysatay inaad xiiso geliso qofkaad jeceshahay?

Sannado badan ka hor waxaan u malayn jiray haddii aanu qof i jeclayn aanan qofkaa ka dhigi karin  mid i doonaya ama aanan jaceyl ku abuuri karin, waxaan u malayn jiray in jaceylku yahay wax si dabiici ah iskaga dhaca oo aan lahayn sharci islamarkaana aan la kantarooli karin balse markii dambe ee aan bilaabay inaan akhriyo waxyaabo badan oo jaceylka ku saabsan, waxaan ogaaday habka uu jacelku uu dhacaa aanay ahayn wax iska dhacaa islamarkaana uu leeyahay sharciyo maamula, haddii aad fahanto islamarkaana aad raacdo sharciyadaan waxaad kordhin doontaa fursadaha uu qof kugu jeclaan karo.

Raac Sharciyadaan oo qofka ka Dhig Mid si aad ah kuu Doonaya:

Ganacsiga qeybta loo yaqaan suuq-geyntu (marketing) waxay gebi ahaamba la xidhiidhaa hal fikir oo kaliya kaasoo ah inaad baadho baahiyaha macaamiishaada intaas kadibna aad usoo bandhigto oo aad ka haqabtirto alaabta ama badeecadaha ay u baahan yihiin. Haddii ay tahay alaabta ama badeecada aan iibinayo mid aad u heer sarreysa balse macaamiishu aanay u baahnayn waxaa iska cad in aanay weligood iibsanayn. Tan waxaa la mid ah jacelka haddii aad fahanto qofka baahiyihiisa iyo waxa uu rabo waxaad awood u yeelan doonta badeecadaha ama alaabta uu rabo.

Alaabta aan u jeedo xalaadan waa aadiga. Adigu waa inaad noqotaa qofka uu rabo qof kasta waxuu rabaa inuu ka helo sifooyin iyo dabeecado gaar ah qofka uu rabo inuu xidhiidh jaceyl la sameeyo. Markaad maareyso inuu qofku kaa helo sifooyinkan iyo dabeecadahaanna waxaa hubaal ah inaad qofkaa aad usoo jiidan doonto islamarkaana uu rabi doono inuu adiga dhankaaga joogo.

Sababta aad ugu Guuldarraysatay inaad Qof ka Dhigto mid ku Doonaya:

Qaladka ugu weyn ee qof kastaa sameeyo marka ay isku deyayaan inay qof jaceyl ku abuuraan waa inay isku dayaan inay qofkaas ku xiiso geliyaan waxyaabaha iyaga xiiso geliya, iyagoo kasoo qaadaya waxa iyaga xiiso geliya in qofkaas kalana xiiso gelin karayo. Tusaale ahaan haddii aad adigu ka hesho kalsoonida nafta waxaa laga yaabaa inaad u malayso in qofkaas aad beegsanayso ay xiiso gelin karaan, taasina waa qalad aad u weyn.

Aas-aaska nolosheennii hore, dhaqamadeenna dhacdooyinkii aan soo marnay iyo khibradihii aynu soo dhaxalnay waqtiyadii nasoo dhaafay waa waxa go’aamiya waxyaabaha na xiiso geliya ee aynu la dhacno.

Haddii uu qof la noolaa waalidkii oo dhaqaalahoodu aad iskaga liitay waxa ugu badan ee qofkaas xiiso gelin kara hammi sare iyo inuu dhaqaale ahaan noqdo mid isku filan, halka hadduu qof aanu weligii dareemin lacag la’aan iyo dhaqaale xumo aanay lacagta iyo waxyaabahan xiiso gelin doonin.

Haddii aan soo koobno si aad qof uga dhigto mid ku doonaya amase aad u xiiso geliso qofka aad rabto waxaad u baahan tahay inaad fahanto background-kiisa iyo noloshii hore ee qofkan, waxyaabaha uu ka cabsado, meelaha uu daciifka ka yahay iyo waxyaabihii uu horay usoo maray. Hadii aad fahanto baahiyaha qofka islamarkaana aad tusto inaad ka haqabtiri karto baahiyahaan waxaad awood u yeelan doontaa inaad qofkaas jaceyl ku abuurto waxaana uu dareemi doonaa inuu ku rabo xattaa isagoon garanayn sababta uu kuu rabo.

Tallaabooyin Dheeraad oo aad Qofka uga Dhigi mid ku Doonaya:

illaa hadda waxaan soo sheegay hal farsamo oo kaa caawin karta inaad qof jaceyl ku abuurto balse waxaa jira tobonnaan farsamo oo kale oo aad isticmaali karto si aad qof uga dhigto mid ku doonaya, kuwaan soo socdana waa farsamooyin dheeraad ah oo kaa caawinaya inaad qof ka dhigto mid ku doonaya:

Iska Dhig Waalidkii oo kale Haddii Qofku ku Jecel yahay:

Haddii ay gabadhi aad u jeceshahay aabaheed inta ugu badan waxaa soo jiidan doona qof u eg muuqaalka aabaheed leh dabeecadiihiisa ama xattaa u socda sida uu u socdo sidoo kale haddii uu wiil jecel yahay hooyadi inaad  u metasho qof buuxin kara kaalinta hooyadii waxay kaa dhigaysaa inaad qofkaas aad usoo jiidato.

Ka Dhig Qofka Mid Qabatima oo aad Balwad u Noqoto:

Haddii aad aroor walba cunto shukulaato aad ayaad uga xumaan doontaa haddii aroor arooraha ka mid ah heli weydo, Haddii qofka si joogto ah u koolkooliso u daryeesho oo aad u daneyso islamarkaana aad si kedis ah uga maqnaato oo aad iskaga deyso wuxuu bilaabi doonaa inuu ku tebo waxaana uu qofkaasi dareemi doonaa inuu ku doonayo.

U Istaag si Toosan:

Waxaa la ogaaday hadii dhabarkaaga ka dhigto mid toosan oo aad u muuqato mid isku kalsoon ay kaa dhigi karto qof aad usoo jiidasho leh. U istaag si toosan markasta oo u dhowdahay qofka aad xiisaynayso, waxaad kordhin doonta fursadaha uu qofkaasi kugu rabo.

W/D: Cabdirisaaq Faarax

Check Also

guurka gabdhaha yaryar, odayaasha

Sababaha Ragga Waa Wayn Ay U Jecel Yihiin Guurka Gabdhaha Yaryar

Waxaa jira lammaanayaal badan oo da’a  da’a ahaan aad u kala wayn. Inta badan xiriiradan ninka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *