Xidhiidhka Bulshada?

Nolosha qofku inta badan saddex marxaladood midkood ayaa ay ku sugantahay, hadba marxaladda uu la noolyahay ayaana jaangooya nooca xidhiidh ee uu bulshada la yeelanayo.

Ibnu Taymiya oo ka warramay marxaladahaas nolosha ayaa ku magacaabay, marxalad Maxbuusnimo, marxalad boqornimo iyo marxalad jaalnimo.

Maxbuus:

Waa marka uu qofku maxbuus u noqdo baahi iyo taagdarro ama dhibaatooyin nololeed. Waxa uu u baahan yahay caawimo iyo cid ka kaalmaysa baahida iyo taagdarrada haysata, ama xal u hesha dhibta uu dhex dabbaalanayo. Waxa uu caan ku noqdaa in mar kasta uu dan ka hadlo, iyo baahi joogto ah oo uu caawimo u raadinayo.

Boqor

Waa marka qofka ay ayaamuhu u fiican yihiin, waxa uu ku noolyahay xaalad awood iyo sarrayn ah, oo u suurtagelinaysa inta uu noloshiisa maareeyo, cid kalana caawin karo. Waa qof mawqif iyo kaalin awood iyo sarrayn ah ku jira. Markan oo kale qofku Naftiisa iyo dadka kalaba amiir ayaa uu u noqdaa.

Jaal:

Waa xaalad uu qofku qayb ahaan baahiyihiisa maarayn karo, laakiin mararka qaar iyo xaaladaha qaar u baahda caawimo cid kale. Si la mid ahna uu isaguna caawimo u bixiyo.

Suurtagal ma aha in aad noqoto qof mar kasta isaga loo baahanyahay oo aan cid u baahan. Waxa ay ka hor imanaysaa sunnaha nolosha oo uba dhisan in aadamuhu isu baahanyahay, xitaa haddii baahida uu isu qabaa kala badan tahay.

Waxaa la yidhi, “Imaam Axmed Binu Xanbal ayaa maqlay nin ku ducaysanaya, ilaahayoow cid uumiyaha ka mid ah ha ii baahin” Markaasuu ku yidhi, ‘Waa aad is habaartay’. Waayo qof aan cid u baahnayni waa qof dhintay uun”.

Haddaba, haddii aad rabto in aad kasbato bulshada, saamaynna ku yeelato, iska ilaali in aad noqoto ku tiirsane. Ha noqon qofka mar kasta baahan ee caawimada raadinaya, waxa ay dilaysaa xidhiidhada aad dadka la leedahay, waxa aanay hoos u dhigaysaa meeqaamka aad ku dhex leedahay bulshada.

Baro xirfado iyo aqoon, ama farsamooyin aad ogtahay in dadku u baahan yihiin, si aad u noqoto shakhsi caawimo u baahan oo aan dadka ka maarmayn, laakiin isagana markiisa loo baahan yahay, ama waxtar iyo faa’ido ku soo kordhiya bulshada.

Waa xaaladda aynnu “JAAL” ku sheegnay, waana midda ugu habboon ee qofku ku noqon karo qof waxna bixin kara, waxna qaata. Waxa ay isu dheellitirtaa xidhiidhka uu qofku bulshada la leeyahay, waxa aanay kor u qaadaysaa sharafta uu ku dhex leeyahay.

Ku dadaal in xaaladdaadu aanay ka hoos marin jaalnimada, dadka iskaashi, garab iyo caawimaba weydiiso, laakiin adiguna noqon mid intaasba laga heli karo.

Sida aad ku noqon kartaana waa in aad cariso maskaxdaada, si aad hal-abuurkaaga iyo hibadaada u soo saarto, kaddibna naftaada iyo bulshadaba uga faa’idayso.

Noqo shakhsi garanaya nolosha iyo kaalinta uu ku leeyahay. Qof yaqaanna, isuna dheellitiri kara waxa uu u baahan yahay, iyo waxa isaga looga baahan yahay.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *