Xeerarka Guusha Dabiiciga Ah! Qalinkii Muna Axmed

Xeerka koobaad: sababta iyo maxsuulka

Wax kasta oo adduunka jiraa waxa uu ku yimaaddaa sabab. Sabab kastaana waxa ay keentaa raad halka raad kasta uu keeno sabab ama asbaabo badani. Haddaba sababaha ogsoonow ama ha ogsoonaane ma jiraan adduunka wax bilaa sabab iskaga yimaaddaa.

Haddaba waxa aad kartaa in aad hesho wax kasta oo aad adduunka jeceshahay waa haddii aad yeelato han iyo himilo kadibna aad cagta saarto wadadda ama dhabadii ku gaadhsiin lahayd hiigsigaagaa.

Xeerka labaad: fikirka

Sababta keenaysa guusha ee aan xeerkii koowaad ku soo sheegnay waa mid ku imanaysa fikir. Fikirkaaga ayuun baa noqda noloshaada. Hadba inta aad fikirto iyo halka aad heerka fikirkaaga gaadhsiiso ayuunbaad gaadhaysaa. Haddaba had iyo jeer ku fikir waxa aad doonayso in aad noqoto oo waqtigaaga ha ku lumin waxyaabaha aanad danaynayn.

Xeerka saddexaad: dhisida khiyaalka

Si la mid ah sida dunidan aad ku guud nooshahay u samayso duni kuu gaar ah oo aad ku noolaatid kana fikirtid mar walba. Iskuna day in aanad ka daalin dhisida iyo habaynta dunidaa kuu gaarka ah illaa aad xaqiiqo u baddalaysid.

Xeerka afraad: iska soo horjeedka nolosha

Noloshaada iyo hab fikirkaagu had iyo jeer way iska hor imanayaan. Waxa jira iska soo horjeed toos ah oo ka dhaxeeya hab-fikirkaaga, hab-dhaqankaaga, dareenkaaga iyo kasbashada khibradaha kugu xeeran.

Waxa kale oo jira iska soo hor jeed ka dhex dhici kara fikirkaaga iyo caafimaadkaaga, hantidaada, deegaankaaga iyo guud ahaan bulshada aad ku dhex nooshahay.

Xeerka shanaad: aaminsanaanta

Hadba waxa aad aaminsantahay waa hadba sida noloshaadu noqonayso. Aaminsanaantani maaha tu ku timid ka dib marka aad aragto waxaaas aad aaminayso, se waa mid aad naftaada u sii sheegtay in ay dhici karto kadibna aad gaadho.

Xeerka lixaad: toosnaanta

Had iyo jeer raac wadada toosan oo iska ilaali weeweecadka. Hadba sida aad dadka kaa ag dhaw aad u wanaajiso ayaad u noqonaysaa qof toosan.

Had iyo jeerna samee kaliya waxa aad awooddo oo ha isku qaadin wax aanad karayn. Hana ka baqan oo ha ka joogsan wax aad qaban karaysid ee had iyo jeer qiyaas awoodaada inta ay leegtahay kuna dhaqaaq hadba wixii kula gudboonaada.

Xeerka todobaad: isku dubaridka

Fikirkaaga iyo khiyaalkaaga isku duba rid kuna dabaq noloshaada caadiga ah si aad u gaadho guushii aad hiigsanaysay.

Ugu horrayn fikir, same duni ku gaar ah, isku dubarid una badal dhab iyo xaqiiqo la taaban karo.

Xeerka sideedaad: balwadda

Wax kasta oo aad samayso waa mid ka yimid balwaddaada ha xumaato ama ha fiicnaato e. Waxa kaliya ee aad ku gaadhi kartaa guul aad jeceshahayna waa adiga oo caado ka dhigta ku celcelinta waxaas oo ay kuu noqoto balwad. Waxaas aad balwadda ka dhigatay hubaal guul ayaad ka gaadhaysaa.

Xeerka sagalaad: go’aan qaadashada

Go’aan qaadashadu waa mid ka mid ah waxyaabaha sababa qof in uu guul gaadho. Horumar kasta oo la taaban karo oo noloshaada ku yimaadda maaha mid iska yimid ee waa mid ku yimid go’aan qaadasho qurux badan oo aad samaysay.

Xeerka tobnaad: farxadda

Noloshaada quruxdeedu waxa saldhig u ah hadba sida aad ugu faraxsan tahay. Farxadduna waa mid aad abuuran karto. Haddii aad doonaysid in aad farxad ku noolaato ha faallayn waqtiyadi xumaa ee aad soo martay hana ka sii wer werin waxa aad beri la kulmi doontid ee faallee nimcada aad maanta haysato oo Ilaahay ugu mahadnaq markaas ayaad farxadda dareemi doontaa. 


nada1.jpgMuna Axmed Cumar

Muna_gafaneh@hotmail.com

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *