Xeelado Qofka U Sahli Kara Inuu Si Dhaqso Ah U Kasbado Quluubta Dadka Ku Hareeraysan

Qof kastaa waa uu jecel yahay in uu kasbado quluubta dadka ku xeeran ee ay shaqo ama sheeko wadaagta yihiin ama dano kale isu keeneen, laakiin in yar ayuun baa og in ay gacantooda ku haystaan xeeladdii taas u sahli lahayd.

Qormadan waxa uu wargeyska The Independent ku soo ururiyey xog la xidhiidha xeeladaha ugu habboon ee qofku si dhaqso ah ula qabsan karo ku dhaqankooda kana caawinaya in dadka ku xeerani u qalbi furnaadaan:

Xidhiidhka indhaha:

Waa arrin fudud in qofka kula hadlaya aad indhaha siisaa, laakiin waxa ay leedahay culays weyn oo ah in qofka ay soo jiidato, in ay tusto inaad tahay ruux isku kalsoon iyo in aad ixtiraam u hayso oo warkiisa dhugmo aad u leedahay.

Marka aad dad la sheekaynayso Talefankaaga jeebka ku sido:

Muddooyinkan dambe waxaa caado noqotay in qof kastaa uu qaato talefanka gacanta ee casriga ah, marar badanna waxaaba dhacda in qofku sheekada iyo warka loo wado kaga mashquulo wad-wadista talefankiisa, gaar ahaan marka uu internet ku u furan yahay. Arrintani waxa ya qofka kula jooga u muujinaysaa in aanad wax ixtiraam ah u muujinayn.

Dadka magacooda ugu yeedh:

In qofka marka la salaamayo magaciisa loogu yeedho ama sheekada iyada oo loo wado magaciisa la xusaa waxa ay ku beertaa shucuur farxadeed oo ah in ixtiraam iyo qaddarin loo hayo, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in dadka aad la xidhiidho aad magacyadooda ugu yeedho, kulana hadasho.

Dhoolla caddayn:

Weligaa ha dhayalsan qiimaha ay dhoolla caddayntu leedahay. Diinteennu waxa ay inoo sheegtay in ay sadaqad tahayba, khubarada cilmiga bulshaduna waxa ay aaminsan yihiin in dhoolla caddaynta, qosolka aan badnayn codka dheerna ahayn iyo kaftanka koobaninba ay qayb ka yihiin luuqadda jidheed ee qofka kula hadlaya u muujinaysa xiisayn iyo in waxa uu ka hadlayo aad dhegegysigiisa raalli ku tahay, waxa aanay ku abuuraysaa in ixtiraam gaar ah uu kuu hayo, qalbigiisana kuu furo.

Gacan-qaad kalsooniyi ka muuqato oo xooggan:

Gacan-qaadka aad u dabacsani waxa uu qofka dareensiiyaa soo dhoweyn la’aan iyo in aanad kulankiisa ku faraxsanayn, iskana jir in aad qofka ku xoogsato oo uu gacan-qaadkaaga dhibsado, cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuraya in qofku uu salaanta koowaadba ka qaato faham la xidhiidha illaa xadka aad kalgacal iyo soo dhoweyn u hayso, gacan-qaadka firfircoonida iyo diirranaantu ka muuqataana dareenkaas ayaa uu qofka ku abuuraa, sidoo kale adigana waxa uu kuu muujinayaa in aad tahay ruux jidh ahaan iyo nafsad ahaanba xooggan oo aragtidiisuna dhinaca san u badan tahay.I

Dhegeysiga:

Inta aad hadasho in ka badan wax dhegeyso, waxaa jirta xikmad qaddiimi ah oo sheegta in sababta qofka labada dhegood loogu sameeyey afkana mid looga dhigay ay tahay in ay tahay in dhegeysigu ka bato hadalka. In dadka aad u muujiso dhegeysi ixtiraam leh oo badani waxa ay keentaa in ay hadalkaaga dhugmo u yeeshaan xikmad fogna ka dhadhansadaan, maadaama oo uu soo gaadhayo xilli ay xiisaynayaan.

Dhegeysigu ma’aha in aad aamusnaato oo keliya, balse dhegeysiga saamaynta ku yeesha qofka kula hadlayaa waa ka ay ka muuqato xiisaha gaarka ah iyo in aad jeclaysanayso hadalka, waxaa jira afar tallaabo oo dhegeysiga muhiim u ah, qofkana dareensiinaya in aad dhegeysiinayso, kuwaas oo ah; Dhegeysi, Fasiraad, Qiimayn, iyo Jawaab celin marka ku habboon ah.

Dhegeysigu waxa uu keenayaa in hawlaha kale oo dhan aad ka soo jeesato oo qofka aad si fiican u qaabisho, ta labaad waa in mararka qaarkood hadalkiisa sida uu u dhigay si aan ahayn oo la macne ah ama sii qurxinaysa aad u dhigto, iyo in aad weydiiso su’aalo sii faahfaahin aad ku doonayso, ta xigta oo qiimaynta ah waxaa looga jeedaa in aanad ku degdegin xukumidda iyo go’aan ka gaadhista hadalka ama qofka oo sheekada kuu wada aanad ku ordin natiijada u dambaysa, waayo waa muhiim in qofka inta aanad jawaab siin aad hubiso in aad fahamtay waxa uu u jeedo oo dhan, ugu dambayntana waa in aad qofka aad u muujiso ishaarooyin u caddeeya in aad warkiisa la socotay, si fiicanna u fahamtay.

U qir aqoonta iyo waayo-aragnimada uu leeyahay:

Inta badan aadamuhu waxaa ku beeran ruux jacaylka naftu waxa kale oo dhan kaga xooggan yahay, sidaa awgeed khubarada cilmiga bulshadu waxa ay ogaadeen in qofka aad aad dareensiiso karaamo iyo dheeraad uu dad badan dheer yahay in ay ku abuurto in uu qalbiga kuu furo oo kugu soo dhowaado. In qofka aad dareensiiso in uu aqoon u leeyahay ama khabiir ku yahay  arrinka aad weydiinayso, tusaale ahaan in aad ku tidhaahdo, “Adiga ayaa waayo-aragnimo fog u leh iibgeynta bulshada ee arrintaasi sidaas ma’ tahay. Ama adigaa arrintaas cilmi u leh ee fahamkaas aan ka haystaa ma saxan yahay” Marka aad qofka ereyadaa ku tidhaahdo, waa uu godlanayaa, oo laabtiisa uu kuu furayaa, si uu dantaada ama arrinka aad ka leedahay sida ugu fiican kaaga shaafiyo.

Is-bar in aanad ka hor iman ammaanta afgobaadsiga ah ee dadka kaaga timaadda:

Qofku caadi ahaan ma jeclaysto in lagu ammaano wax aanu mudnayn ama xitaa in aad loogu ammaano waxa uu mudan yahay, mararka qaarkood qofku waxa uu ka baqaa in haddii ammaantaas uu aqbalo ay dadku u qaataan in uu ku dagmay ammaantaas ama qab isku abuuray. Sidaa awgeed qofka ammaantu uga timid isaga oo khajilaadi ka muuqato ayaa uu si yara qallafsan ugu jawaabaa ama guux iyo foorarsi ku soo xidhaa sheekada.

Haddaba khubarada cilmiga bulshadu waxa ay ku talinayaan in haddiiba ay dhacdo in qofku uu ku ammaano, sida saxda ahi ay tahay in aad nafsiyan aqbasho ammaantaas, kadibna aad kaga jawaabto ereyo mahadnaq ah, ugu yaraan “Mahadsanid” ku dheh qofkaas. In qofkii ku ammaanay uu kaa maqlo mahadnaq waxa ay abuurtaa in uu arko inuu helay hab uu intii hore kaaga soo dhowaan karo iyo in aad isaga naftiisa ka raalli tahay.

Haddii qof kuu warramayey hadalka laga dhex galo, ku noqo oo ka codso in uu sii wado:

Inta badan waxaa dhacda in marka dad badan lagu haasaawayo, marar badan qof waday sheeko uu u arko in ay fiican tahay laga dhex galo oo qof kale sheeko ku gooyo. Haddii aad goobtaas fadhido, ama aad tahay qofka sheekada soo dhex galay, taas oo ah dabeecad aan fiicnayn. Ku dadaal in marka sheekada dambe dhammaato aad dib ugu noqoto ama dadka oo dhan dib ugu celiso qofkii sheekaynayey si uu u sii dhammaystiro, adiga oo weliba qaab codsi ah ugu dhigaya in uu sheekadii sii wado, una muujinayo in aad xiisaynayso, weliba in aad xasuusiso halkii uu marayey ayaa ah waxa ugu fiican ee qofka soo jiita. Waxa uu isu arkayaa in la ixtiraamayo, sheekadiisana la xiisaynayo taasina waxa ay ku soo dhoweynaysaa qofka ama bulshada oo uu qalbigiisa u furayo.

Cabashada badan iska jir:

Cabashada badan waxaa lagu yaqaannaa ruuxa niyad-jabka, qulubka, sakatiga iyo xaaladaha la midka ah ee nafsiga ahi haystaan, dadka kugu xeeranina waxa ay mar kasta jecel yihiin in aad noqoto ruux fiirfircoon, oo u qalbi furan, noloshana dhinaca fiican ka eega, sidaa awgeed si dadka kugu xeeran aad u kasbato quluubtooda yeelo saaxiib keliya oo aad uga warranto xaaladahaaga aan quruxda badnayn si aad laabtaada culayska uga yarayso, laakiin ha noqon ruux bulshada oo dhan xaaladihiisa gaarka ah uga warrama si aanay kaaga fogaan.

Akhriso: Erayada Ay Caanka Ku Yihiin Dadka Niyadda Wanaagsan Ee Farxadda Geliya Dadka Ku Xeeran

Diyaariye: kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *