Haddaanay dhammaantayo ba ahayn, in badan oo innaga mid ah waxaynu leennahay caadooyin xun-xun (Bad habits) oo wanaagga iyo horumarkaba innaga hor taagan. Qaybtood innaga uun baa og oo ay innagu kooban yihiin, qaarkood na waa nalala og yahay, mararka qaarna waaba nalugu xantaa yaynaan ogaan be’e. Caadooyinkaa aan wanaagsanayn ee samaha iyo sareedada innaga hortaagan waxa ka mida: beenta, ballan darrada, xanta, akhris la’aanta, wakhti dhuminta, isticmaalka muqadaraadka, jadwal la’aanta, adkaar la’aanta, salaad la’aanta, iwm. Dhammaan arrimahaa aan kor ku xusay iyo kuwa badan oo hadda xasuustayda ka maqan ba, haddaad naftaada aqoon u ledahay, waxa laga yaabaa in mid, labo ama kabadan ba ay dhib kugu hayaan, aadna jeclaan lahayd in aad iska goyso, baddelkoodana aad kuwo wanaagsan yeelato.
Culimada cilmu nafsigu waxay in badan isku hawleen wax ka ogaanshaha sida ay caadooyinka xun-xumi u samaysmaan iyo weliba sida la isaga goyn karo. Waxay kaloo wax badan ka qoreen sida uu qofku caado wanaagsan u yeelan karo. Haddaan is idhaahdo wax ka dheh sida caadaadku u samaysmaan, sida la isaga gooyo iyo sida kuwo cusub loo abuurto ba, malaa qormo kaliya kagama gayoon karo. Waxaan se jeclahay in aan idin la wadaago wax ka mida sida caadaadka xunxunna loo gooyo, kuwo wanaagsanna loo samaysto, bishan Ramadaanna ay ugu habboon tahay in looga faa’iidaysto. Culimadu waxay tilmaamaan in sida ugu wanaagsan ee caado xun loo goyn karaayi ay tahay in booskeeda la geliyo caado liddi ku ah midda xun. Aan si kale u idhaahdo, waxay leeyihiin qofku si uu u jaro caado xun, wuxu u baahan yahay in uu booskeeda geliyo mid kaloo wanaagsan. Tusaale, waxay leeyihiin qofka sigaarka cabba, mar kastoo uu u baahdo in uu sigaar cabbo, hadduu xabbad muusa/moos ah cuno ama uu xabbad xanjo ah afka geshado, in muddo ah na uu sidaa ku wado, isla jeerkaana uu naftiisa xakameeyo, waxay u badan tahay in uu sidaa kaga go’o caadadaa xun.
Haddaba, kolka haddii aynnu ogaannay in qofku 21 maalmood uu ku baddeli karo caado xun ama uu mid wanaagsan ba ku samaysan karo, maxaa innoo diidaya in aynnu ka faa’iidaysanno fursaddan dahabiga ah ee aynaan ogayn in aan dib dambe u heli doonno. Bisha Ramadaan waa 29 ama 30 maalmoode, miyaanay ahayn in aynnu iska goynno caado xun oo aakhiradeenna iyo aadduunkeenna ba wanaagga innaga hor taagan, aadanuhuna innagu xantaan sida beenta, ballan darrada, xanta, muqadaraadka, salaad la’aanta, sadaqo la’aanta, iwm? Sidoo kale miyaanay ahayn in aynnu abuurranno caado wanaagsan oo aakhiradeena wanaajisa, adduunkeennana samo iyo sareedo inoo horseedda sida: in aynnu billowna akhrinta wixii wax ina taraaya, maaraynta nolosheenna, af ku haynta adkaarta, billaabidda tukashada sunnooyinka nawaafisha ah, yeelashada xilli fekereed oo aynnu marna isku xisaabinno, marna ku qorsheenno nolosheenna iyo midda ehelkeennaba.? Allaylehe haa.
Haddaba, waxaad u baahan tahay in aad sii doorato:
(1) caadada xun ee aad doonayso in aad iska baddesho,
(2) midda wanaagsan ee rabto in aad ku baddesho,
(3) maalinta aad bilaabayso,
(4) in aad joogtayso ugu yaraan muddo 21 maalmood ah iyo
(5) in aad kasii baaraan degto wax alle iyo wixii kuu fududeenaya in yoolkaasi kuu suuro galo.
Haddaad doonayso in aad caado cusub oo wanaagsan abuuratana, waxaad u baahan tahay:
(1) in aad doorato caadada aad rabto in aad qabatinto,
(2) in aad joogtayso muddo 21 maalmood ah iyo
(3) in aad yeelato deegaan kuu fududayn kara in riyadaasi kuu rumowdo.
Qalinkii: Mubarak Hadi