Dad badan ayaa aaminsan in xanuunno badan oo uu ka mid yahay kansarka naasku in uu gar u yahay dumarka oo keliya, laakiin cilmibaadhisaha casriga ahi waxa ay muujinayaan suurtagalnimada in ragga ay ku dhacaan qaar ka mid ah xanuunnadan hoos ku xusan oo dumarka loo ogyahay.
Xaaladda ‘Caadada’:
Dumarka waxaa ku dhaca isbedello dhinaca hormoonnada ah, waana xaaladda keenta dhiigga caadada, taas dhiggeedana ragga waxaa ku dhaca Khalkhal dhinaca hormoonka ‘Testosterone’ ah oo u dhigma isla kaas caadada. Waxaana dhacda in marmarka qaarkood uu isbeddelkaasi noqdo mid aad u awood badan, sidaa awgeed uu sababo calaamado la mid ah kuwa lagu yaqaanno dumarka xilliga caadada, inkasta oo uu ku kooban yahay qulubka, daalka iyo qofka oo acsaabtiisa xakamayn kari waaya.
Isku-buuqa umusha dabadeed (PPD):
Postpartum Depression oo loo soo gaabiyo (PPD), waa nooc ka mid ah Khalkhal dhinaca acsaabta ah oo ku lammaan umusha. Postpartum Depression calaamadaha lagu yaqaanno waxaa ka mid ah, cadho xad dhaaf ah, tamar darro, oohin marmarka qaarkood aan xakamaysnayn sababna aan lahayn, xanaaq badan iyo isbeddel ku dhaca cuntada iyo hurdada qofka.
Daraasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 10 aabayaasha qoysaskoodu cusub yihiin lagu arko xaalado la mid ah kuwa hooyada lagu arko saddexda bilood ee ugu horreeya umusha kaddib. Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in cilmibaadhiso arrintan lagu sii sameeyey oo dhowaan natiijadooda lagu faafiyey majaladda jimciyadda caafimaadka oo ka soo baxda dalka Maraykanka, lagu ogaaday in marka ay hooyadu umusha kaddib xaaladdan la kulanto ay aad ugu dhowdahay in aabaha laftigiisana ay xaaladdu hayso.
Akhriso: Niyad Jabka Dhalmada Kadib (Postpartum Depression)
Cudurka ‘Lupus’:
Cudurka afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Lupus waa cillad ku dhacda habdhiska difaaca jidhka oo sababta in halkii uu cudurrada soo gala kala dagaalami lahaa uu isagu dhexdiisa is weeraro, unugyadii jidhka ee caafimaad qabayna weeraro. Waxa uu dilaa nudo caadi ah oo caafimaad qaba.
Laabatooyinka iyo muruqyada oo barara, daal iyo xummad badan, timaha oo data, dibnaha oo dildillaaca, indhaha oo barara, maqaarka oo gubta ama casaada gaar ahaan sanka hareerihiisa iyo labada dhaban. Inta badan xaaladaha uu keeno ee khatarta badan waxaa ka mid ah, wadne xanuun iyo sambabada oo bukooda. Haddaba, xanuunkan oo caadi ahaan lagu ogaan jiray haweenka, ayaa ay caddaatay in inkasta oo dadka uu ku dhaco boqolkiiba 90 ay dumar yihiin, haddana ay dhacdo in ragga laftigoodana uu haleelo.
Kansarka Naas:
Waa laga yaabaa in ay dadka qaar la yaab ku noqoto, marka ay ogaadaan in boqolkiiba 1 ragga ka mid ah uu ku dhaco cudurka kansarka noociisa naaska ku dhacaa, iyo weliba in tiradaas oo imikaba badani ay sannad kasta sii kordhayso. In uu qofku arrintan la yaabaa waa wax jira, oo marka hore ayaa la ogaa in xaaladdani ay dumarka ku dhacdo, waana sababta dhakhaatiirta laftigooda ku keenta in ay galaan qaladka ah in aanay ninka hore uga baadhin xanuunkan, sidaa awgeed inta badan ragga cudurkani ku dhaco xaalkooda waxaa la ogaadaa goor dambe oo aan waxba laga qaban karin.
Lafo burbur / Xombobosh:
Xanuunkani waxa uu ka mid yahay cudurrada ay haweenku caanka ku yihiin. Cilmibaadhiso caafimaad oo lagu kalsoon yahayna waxa ay muujiyeen in saddexdii dumar ah ee kastaba mid ka mid ahi ay khatar u tahay in uu cudurkani ku dhaco. Laakiin dhibtu waxa ay tahay in aanay dhakhaatiirta iyo saynisyahannadu inta badan miisaan siinin sheegista in cudurkani uu ragga lafttigoodana si badan ugu dhaco, oo tusaale ahaan shanti nine e kasta uu mid kastaa khatar u yahay.
Cilmibaadhisu waxa ay sheegeen in xawaaraha cudurkani uu gabadha ugu dhacayaa uu kor u kaco marka ay gaadho da’da caado goyska, laakiin ragga laftigoodana waxa ay xaaladdani aad ugu badataa marka ay da’doodu gaadho inta u dhexeysa 65 illaa 70 sano. Waxaa xusid mudan in da’dan ay raggu si la mid ah tiro ahaan, dumarka u waajahaan xanuunkan. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in sababaha ugu badan ee ragga ku keena lafaha oo burbura ama is lisaa ay tahay dhibaatooyinka caafimaad darro ee kelyaha kaga dhaca, bukaanka qanjaha dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, Faytamiin ‘D’ oo ku yar ragga iyo dawooyinka kansarka.
Khalkhalka cuntada:
In qofku uu doonista cuntada waayo ama Khalkhal ka galaa waa arrin caafimaad ahaan leh muhiimad ay tahay in laga dabtago sababteeda lana daweeyo. Dadka ay xaaladdani ku dhacdaa waxa ay u badan yihiin dumarka, sidaa awgeed ragga aad loogama baadho. Laakiin waxaa la ogaaday in boqolkiiba 10 illaa 15 dadka uu ku dhacaa ay rag yihiin. Tiradaas yar isaga oo ah ayaa uu xanuunkani haddana ku khatar badan yahay ragga.
Dhibaatada ugu weynina waa ragga oo dhayalsada cunto xumada, taasina ay ku keento khataraha ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo lafo burburku.
W/Q: Kamaal Marjaan
https://www.facebook.com/marjaankam