Xanuunnada Ka Dhasha Miisaan Yarida & Qaababka Ugu Fiican Ee Miisaanka Loo Kobciyo

Miisaan yarida dadku badanaa uma arkaa wax dhib leh ugamana cabsadaan sida cayilka.

khatarta ay leedahay miisaan yaridu waxay soo jiidatay indhaha khuburada caafimaadka. Waa run waxaan kujirnaa waqti dadka badankoodu ka fikiraan siday miisaan iskaga ridi kahaayeen si ay u dhuubnaadaan, sababtoo ah waxaan wada aaminsanahay kuna baraarugsanahay in cayilku yahay wax caafimaadka u xun.

Waxaa jira dad isku daya inay dhumiyaa culays ama miisaan balse aan garanayn meesha ay ku joojiyaan.

Waxaan doonaynaa inaan sharaxno sida caatada badani ama miisaanyaridu aysan uga khatar yarayn cayilka. Dhab ahaantii waxaa hada la ogaaday in dadka cel celiska BMI (body mass index) ka hooseeyo 18.5 ay caafimaad ahaan ka khatar badan yihiin dadka cayilka badan saaran yahay. Balse saasoo ay tahay waxaa jira dad maalin walba isku dayaya siday u cayali lahaayeen.

Sababaha keena:

Waxaa waxyaalo badan oo sababa miisaanyarida. Waxay noqon karaan wax dhaxal aad uga heshay waalidkaa, xanuun kugu raagay oo ku caateeyay, ama cunto la aan ku heshay waqti badan.

Waxaa jira dad badan oo caadiyan u dhasha inay iska ahaadaan caato waligood. Caatimada iyo miisaan yarida waxaa u dhaxeeya farqi, qofka caatada ah wuxuu noqon karaa qof iska dhuuban balse miisaankiisu caadi yahay. Balse qofka miisaan yaridu hayso mar walba waa qof cataa oo hadana miisaan yar. Taas ayaana ah mida kala duwanaanshaha keenaysa.

Waxaa sababi kara miisaan yarida xanuuno la soo darsa qofka. Tusaale ahaan, cudarrada qaarkood sida kuwa ku dhaca caloosha iyo kansarka ama kaankaradu waxay keeni karaan miisaanka oo qofka ka yaraada, taasoo noqon karta khatar.

Qofka haduu cuntada cuni waayo sababo jira awgood sida cadadis maskixiyan ah oo ku saaran, wal wal ku haysta, waxay kaa xidhi karaan cuntada, taasoo keenaysa inaad wax yar cuntid kadibna noqotid qof miisaan yar.

Xaaladaha murugada leh ee dadka soo mara sida geerida qof aad jeclayd, furitaanja ama xidhiidhada lamaanayaasha oo jarma, dhamaan waxyaalahaas waxay kaa dhigayaan qof miisaan ka go’o maalin walba.

Khatarta kujirta miisaan yarida

Miisaan yaridu waxay leedahay khataro fara badan oo ay xataa ku jirto dhimasho, dadka miisaankoodu yaryahay waxay ka khatar badan yihiin kuwa cayilan.

Dadka miisaanka yar waxay khatar ugu jiraan in cuduro ku dhacaan sida, cudurada infekshanka ah, nafaqo daro, dhiig la aan. Hadii miisaanka qofku ka hooseeyo inta caadiga ah wuxuu qofku u sahlanaanayaa in difaaca jirkiisu daciifo taasay sahlaysa in cuduro yar yar si fudud ugu dhacaan qofka.

Sidee la isaga ilaaliya miisaan yarida

Si xal loogu helo miisaan yarida waa inaad isku daydaa qodobada soo socda

Hadii miisaan yaridaada ay ka timid dhaxal waalidkaa xagiisa ah, markaas si miisaankaagu uusan u yaraan waa inaad badisaa waxa aad cunaysid si aad miisaan u kordhisid.

Isku day inaad cuntid sadix waqti maalin walba. Waqtiyada cuntada oo qaar laga boodo waxay yarayn kartaa miisaanka siiba hadaad qof shaqo badan tahay.

Waxaad kaloo samayn kartaa inaad cuntid maalin walba quraac, qado iyo casho, kadibna aad cuntid cuntooyin fudud hadii aad gaajo dareentid.

Cun cunno tamar leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lawska, si aad u kororsato nus kiilo toddobaadkii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kaloori ka badan inta aad isticmaashay.

Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo cabbitaannada khudradda iyo furuutka laga shiido.

Isku day inaad wanaajisid hab nololeedkaaga, nolosha qofka oo hoosaysa waxay yarayn kartaa miisaanka. Isku day inaad noloshaada iyo caafimaadkaaga ka taxadartid. Samee jimici joogto ah, hurdo kugu fillana seexo.

Iska yaree walwalka iyo farxad la’aanta, waayo labadaas waxay qofka ka dhigi karan maliil haduusan iska daba qaban sida ugu dhakhsaha badan.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *