Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo maskaxda marka uu qofku seexan waayo hurdo ku filan, waxa ay ogaadeen:

Qofka aan hurdo ku filan seexanin go’aamo sax ah kama gaadho karo dhibaatooyinka nolosha

Hurdadu waxa ay lagama maarmaan u tahay soo celinta iyo ilaalinta isu dheellitirnaanta maskaxda. Marka uu qofku soo jeedo waqtigii ay ahayd in uu seexdo waxa ay maskaxdu si inta dabiiciga ah ka badan u soodeysaa maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Adenosine’.

Caadi ahaan maskaxdu maalintii oo dhan waxa ay si tartiib-tartiib ah u soo deysaa madadda ‘Adenosine’ oo marka ay saacadaha maalintii oo dhan jidhka ku ururto, habeenkii keenta lulo iyo in qofku uu hurdo doono. kaddib qofku inta uu habeenkii hurdo ayaa uu jidhku iska saaraa maadaddan ku ururtay maalinnimadii, taas ayaana sabab u ah in marka ay jidhka ka dhammaato uu qofku hurdada ka tooso, isla markaana dareemo firfircooni iyo baraarugsanaan.

Haddaba haddii uu qofku si fiican u seexan waayo habeenkii, waxaa dhacaysa, maadaddan jidhka ku ururtay maalintii ee uu iska saari lahaa, in ay dhaawac gaadhsiiso qaybta xuska ee maskaxda, gaar ahaan in ay keento waxa loo yaqaanno ‘Clouding of consciousness’ oo sababa in qofku isaga oo soo jeeda haddana laga dareemo in ay maskaxdu maahsan tahay ama suursan tahay iyo in aanu xiskeedu sidii saxda ahayd u dhammaystirnayn.

Waxa ay khubaradu sheegeen in xitaa hurdada uu qofku dhowr jeer ka tooso habeenkii ama hurdada aan xidhiidhka ahayn ee habeenkii in ay raad aan fiicnayn ku yeelato shaqada maskaxda, gaar ahaan qaybta xusuusta.
Labadan arrimood oo marka la isu daro macnaheedu yahay in qofka hurdadu ku yar tahay aanu awood u lahayn in uu si fudud u xallin karin dhibaatooyinka ka hor yimaadda, ama aanu go’aamo sax ah gaadhi karin.

Hurdo yaraantu cudurraday jidhka u nuglaysaa

Marka la eego nolosha maalinlaha ah waa ay adagtahay in aynu ka dheeraanno jeermisyo badan oo meel kasta oo aynu joogno ka buuxa; goobaha shaqada, gaadiidka dadweynaha, suuliyada, gacanta albaabada la qabto iyo xitaa taleefankeenna gacanta. Sidaa awgeed waxaa qasab ah in aynu mar kasta xoojinno awoodda difaaca ee jidhkeenna. Hababka ugu fiican ee aynu ku xoojin karnaana waa in aynu habeen kasta helno hurdo innagu filan.

Haddii uu jidhkeennu waayo hurdo ku filan, waxaa ka tegeysa awoodda abuurka ah ee uu isagu isku daweyn karo. Waxaa ka mid ah kabista iyo beddelista unugyada jidhka ee dhinta, ama soo deynta unugyo cusub oo la dagaalama hadba nooca cusub ee jeermis ee jidhka soo gala.

Arrintani waxa ay keenaysaa in uu daciifo habdhiska difaaca jidhku, sidaa awgeed haddii ay bakteeriya ama fayras soo galo, waxaa ku adkaanaysa in uu isak difaaco. Waa aanu qofku u nuglaanayaa xanuunnada.

HURDADU WAA QURUX

Hurdadu waxa ay qofka u kordhisaa qurux, maadaama oo ay raad togan ku leedahay dabeecadda iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka, iyo sidoo kale muuqaalka jidheed ee qofka.

Qofku inta uu habeenkii hurdo waxa uu jidhku soo saaraa noocyo gaar ah oo ka mid ah hormoonnada koritaanka. Waxa kale oo uu jidhku soo saaraa unugyo cusub, halka uu kuwa hore ee dhibaatadu gaadhayna dib u kabo. Laakiin haddii uu qofku seexdo hurdo si joogto ah googo’aysa waxa ay sababtaa in maadadda Collagen ay jidhka ku yaraato. Taas oo sababta in maqaarka qofku uu waayo jileeca iyo midabka dabiiciga ah. sidaa awgeed hurdadu waa quruxda jidhka.

HURDO LA’AANTU DOQONNIIMAY KEENTAA

Hurdo yaraantu waxa ay qofka ka lumisaa fikirka garaadka ku dhisan iyo maangalnimada hadalka. Waxa ay saamayn aan toos ahayn ku yeelataa caadifadda iyo qiirada togan ee qofka. Waxa ay qofka ku abuurtaa xaalad dabeecadeed oo cadhadu ku badan tahay, awoodna aan u lahayn in uu nidaamiyo dareenkiisa.

Hurdo yaraantu waxa ay keentaa in qofku uu dooddiisa si maangal ah u dhiiban karo, iyo in uu lumiyo dhibirsanaanta iyo dareenka dabacsanaanta. Arrimahaas oo sabab u noqda isbeddel ku dhaca xidhiidhka bulsho ee qofka iyo dad la macaamilkiisa.

BUURNI IYO XANUUNNADA AAN LAGA BOGSAN

Hurdo yaraanta muddada dheer ahi waxa ay qofka u nuglaysaa xanuunnada aan laga bogsan ee ay ka mid yihiin wadne xanuunka, macaanka iyo dhiigkarka.

Waxa kale oo hurdo la’aanta ama hurdada oo muddo dheer qofka ku yaraataa ay keentaa miisaanka oo aad u kordha. Jidhku waxa uu caadi ahaan soo saaraa Hormoonka ‘Leptin’ oo shaqadiisu la xidhiidho isticmaalka tamarta.

Haddaba haddii ay hurdadu ku yaraato, waxaa jidhka ku yaraada hormoonka ‘Leptin’ jidhkuna si uu uga jawaabo hoos u dhacaas hormoonka waxa ay maskaxdu soo saartaa xaddi badan oo ah hormoonka ‘Ghrelin’ oo qofka ku keena gaajo. Waana sababta marka uu qofku saacado dambe oo habeenkii ah seexdo, uu u soo kaco isaga oo gaajaysan, xitaa haddii uu habeennimadii hurda fiican seexday.

DIYAARIYE: Kamaal Marjaan

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *