Xanuunka Yiridka: Sababaha Keeno, Astaamihiisa Iyo Hababka Loo Daweeyo

Yiridku (Gingivitis) waa barar ku dhaca ciridka, caadi ahaan waxaa keena infekshan bakteeriya ah, taas oo hadaan la daweyn sababi karta ilkaha oo ka dhaca qofka. Yiridka waxa uu badanaa ku dhacaa dadka aysan wanaagsaneen nadaafadda ilka hooda, ama aan si fiican u cadeyn ilkaha

Waa maxay astaamaha Yiridka

Yiridka caadi ahaan waa mid aan lahayn xanuun badan oo la dareemo, dhaqtarkaaga ilkaha waa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan ula socodsiisa amaba ula xariirta hadii aad isbadal ku aragtid

Calaamadaha yiridka waaxaaa ka mid ah

  • Cirridka oo casaan noqda
  • Cirridka oo si fudud ku dhiiga
  • Cirridka oo barara amaba ilkaha gadaal uga sikada
  • Neefta afka oo ur aan baxeyn leh
  • Ciriidka oo yara birqa
  • Ilkaha oo liiqliiqda
  • Ilkaha dareenkooda oo  kordha

Yaa Halis Ugu Jiro Yiridka

Waxaa halis ugu jiro yiridka dadka

  • Aan cadaysan
  • Tubaakada cuna
  • Da’da ah
  • Qaba af qallaylka
  • Qaba  Kansarka amaba kuwa Aids qaba
  • Isticmaala daawooyinka u daran ilkaha
  • Dhaawac ciridka leh
  • Aan caafimaadka ilkahooda ku dadaalin

Maxaa Sababa?

Yiridku waxaa keena huurada oo an afka laga suulin. Huurada oo aan laga suulin amaba afka oo an lacadayn si joogta ah waxa ay sababi kartaa in qashin, bakteeriyo iyo xab ay galaan ilkaha iyo ciridka dhaxdooda amaba inta u dhaxayso ilkaha taas oo horseedi karta ilkaha oo dhaca isl markaana burbura dhamaantood. waxaa jira xalaado badan oo kordhiya yiridka waxaa ka mid ah

Sidee Looga Hortagi Karaa?

Yiridka waxaa looga hortagi karaa in la joogteeyo cadeynta ilkaha taas oo ay tahay in lagu dadaalo in laga suuliyo afka huurada iyo wasaqda gali karta ilkaha dhaxdooda ama in ta u dhaxaysa ilkaha iyo cirridka si joogta ah mar amaba marwalba oo aad cunno cunto. Ha hilmaamin mar 6dii biloodba inaad  booqato dhaqtarka ilkaha si aad u ogaato xaaalda ikahaaga

Daawaynta

Dhakhtar ilkood u tag haddii aad isku aragto astaamaha kor ku xusan mid ka mid ah. Dhakhtarku ilkaha ayuu huurada ka nadiifinayaa, wuxuuna kuu sheegi doonaa nooca xanuunka ciridka ee ku haya iyo sida loo daaweyn karo.

Daawada dabiiciga ah:

Haddii aad isku aragtay ciridkaaga oo sii qodmayo, kana durkay ilkaha sida sawirka kore ka muuqata welina aad xal u la’dahay, daawadii cadayga ee dhakhaatiirta kugula taliyeenne ay shaqayn waysay, waxaan kuu hayaa laba talo oo aad isbadal degdeg ah iskaga dareemi doontid Ilaahay idinkiis:

  1. Jooji adeegsiga burushka iyo daawooyinka lagu cadaysto “Macjuunta”, kuna badalo geedka rumayga ee lagu cadaysto.
  2. Habeenkii inta aadan jiifan, ku luqluqo malab saafi ah, ilkaha iyo ciridka oo idilne wada gaarsii sidaasne ku seexo adigoo wax biyo ah ka daba cabin.

Haddii aad wadid talooyinkaas muddo 2 illaa 3 usbuuc ah insha’llah waxaad dareemi doontaa caabuqii yiridka oo yaraaday iyo ciridkii oo bararka joojiyay, bilaabayne inuu dib u soo koro.

xigashada dawadaan dabiiciga ah:https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC4095052 .

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *