Xanuunka murqaha, seedaha, lafaha iyo kala goys yada waa xaalad raagta. Waxaa lala xiriiriyaa xanuun baahsan oo laga dareemo murqaha, lafaha iyo daal guud. Astaamaha noocaan oo kale waa kuwa ku xiran xaalada kale, waxey ka dhigan tahay inaan lagu xaqiijin karin baaritaano khaas ah. Aqoon buuxda looma hayo waxa sababa, xaaladaan waa mid inta badan lagu qaldo xanuuno kale.
Maadaama xanuunkaan uusan ahayn baaritaano gooni ah lagu ogaan karo ayaa waxey sababtay in dhaqaatiirta ay su’aala ka keenaan xanuunkaan ijiritaankiisa.
Waayihii hore dhaqaatiir badan ayaa walaac ka qabay in dadka qaar kood ay ku marmarsiiyoodaan xanuunkaan si ay u helaan dawo, maadaama aan la baari karin xanuunkaan. Dhaqaatiirta ayaa garawsaday in isbedel lagu sameeyo qaab nololeedka qofka ay ka wanaagsan tahay in xaaladaan lagu maareeyo qaab dawo ah.
Astaamaha
Xanuunka murqaha, seedaha, lafaha iyo kala goys yada waa mid laga dareemo meelaha danqada, oo ah waxa kiciya xaaladdaan. Meelahaan waa meela ka mid ah jirka oo taabasha yar xitaa ay sababi karto xanuun. Dhaqaatiirta waxey adeegsadaan astaama kale oo joogta ah si ay uga caawiso baaritaanka xaaladdaan.
Dadka qaba xaaladdaan waxey kaloo dareemi karaan:
- Daal
- Hurdada oo dhib ku noqota
- Nasiino la’aan marka laga soo tooso hurdo dheer
- Madax xanuun
- Niyad jab
- Walwal
- In ay dhib ku qabaan in ay digtoonaadaan
- Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee caloosha
Astaamahaan waxey ka dhalan karaan neerfaha iyo maskaxda oo si qalad ah wax u tarjuma iyo iney xanuun aan jirin ay dareemaan, waa arin la xiriirta kiimakooyinka oo aan isku dheeli tirneyn.
Maxaa kiciya xaaladda xanuunka murqaha, seedaha, lafaha iyo kala goys yada?
Waxaa la aamin san yahay qofka hadii uu qabo 18 meel oo danqanaya. 11 kamid ah na ay kicinayaan xanuun baahsan oo jirka dhan ah, dhaqaatiirtu waxey tijaabinayaan imise meel ayeey ka dareemaan xanuun marka la riixo.
Wax yaabaha caanka ah ee kiciya xaaladdaan waxaa kamid ah:
- Xanuun laga dareemo qeybta dambe ee madaxa
- Qeybta kore ee garbaha
- Qeybta kore ee xabadka
- Miskaha
- Jilbaha
- Suxullada
Dhaqaatiirta waxay fiiriyaan inaad dareentay xanuunkaan guud in ka badan saddex bilood adoon xaalad kale oo caafimaad aanan qabin.
Maxaa sababa
Cilmi baarayaasha caafimaadka iyo dhaqaatiirta si buuxda uma oga waxa sababa xaaladdaan loo yaqaano fibromyalgia. Hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay in ay soo dhow dahay xiligi la ogaan lahaa.
Waxyaabaha loo aneeyo ilaa iyo hadda waxaa ka mid ah:
Infekshan: infekshana horey qofka ugu dhacay ayaa sababi karo xaaladdaan
Hiddo: inta badan xaaladaan waxey ku dhex wareegtaa qoyska
Jug: dad lasoo dersa jug jirka ama dareenka ayaa la aamin san yahay iney dareemi karaan xaaladdaan
Walwal: walwalka wuxuu lee yahay saameyn waqdhi dheer ku qaadata jirka
Xaaladdaan maloola tacaali karaa si dabiici ah?
Xaaladaan inta badan sida loola tacaalo waa in hoos loo dhigo xaddiga walwalka qofka, waxaa loola tacaali karaa:
- Terabiga jirka
- Cirbadaha laysku daweeyo
- Cibaadeysi
- Yoga
- Jimicsiga joogtada ah
- Hurdo kugu filan
- Duugitaan
- Cunno isku dheeli tiran
Ma jirtaa dawo si dhab ah u daweyn karta xanuunkaan?
Xaaladdaan malahan dawo dhab ah. Maareynteedu waxey xoogga saartaa sidi hoos loogu dhigi lahaa astaamaha uu qofku dareemo iyo kor u qaadista tayada nolosha qofka.