Xanuunka Mindhicir Xiranka (Small Bowel Obstruction)

Mindhicir xiranka waxay dhacdaa marka saxaro ama waxyaalo kale isku guntaan ama isku xiraan tuubada mindhicirada waawayn ama kuwa yaryar. Xirmashadaan waxay noqon kartaa mid waqti dheer qaadata ama mid wax yar kadib iska dhamaata.

Astaamaha  mindhicir oo xiranka:

Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah

  • Codad ka dhex yeera ubucda
  • Ubucda oo xanuunta
  • Lalabo
  • Matag
  • Calool istaag
  • Shuban
  • Ubucda oo soo bararta

Sidoo kale mindhicirada oo xirma waxay keentaa neef qurmuun oo qofka kasoo baxda iyo qandho share.

Maxaa sababa mindhicirada xirma?

Mindhicirada oo xirma waxaa keeni kara in wax isku gufaynayaan tuubada mindhicirada ama in mindhiciradu awoodi waayaan inay iska saaraan wasakhda kujirta gudahooda.

Waxaa jira waxayaalo badan oo keeni kara mindhicirada oo xirma waxaana kamid ah;

  • In eerno ku samaysmato agagaarka mindhicirada taasoo xiraysa darbiga mindhicirada
  • Caabuq ku dhaca mindhicirada kaasoo barar keenaya, bararkaasoo yaraynaya tuubada mindhicirada
  • In nabar kasoo baxo mindhicirada agtooda
  • Dhagaxan iyo wasakh adag oo soo mari wayda tuubada mindhicirada
  • In qayb kamid ah mindhicirada ay kusoo dunto qaybta ka hoosaysa taasoo keenaysa in tuubadu yaraato
  • In qofku liqo waxyaalo aan la dheefshiidi karin oo calooshu burburin karin kuwaasoo mari waayaya mindhicirada

Mindhicirada xirma ee caruurta waxay badanaa ka bilowdaan infekshanada, xubnaha jirka oo xanuun ku dhaco, iyo in dhiigga maraya mindhicirada oo yaraado.

Caruurta ay xaaladani ku dhacdo wxay u badanyihiin inay awal ku dhasheen waxayna u baahnaadaan daween.

Mindhicirada oo xirma waa xaalad u baahan daween degdeg ah, balse hadii aan la daween waxaa dhacaya in qaybta xiran ee kami ah mindhicirada ay dhimato taasina waxay sababaysaa in isu socodka dhiiga ee mindhiciradu uu xirmo kadibna dhamaan mindhiciradu ay dhintaan maadaama aysan helayn dhiig ku filan.

Badanaa waala daween karaa mindhicirada oo xirma balse waxaa jira xaalado aan la daween karin sida mindhicir xirmashada uu keeno kansarku.

Akhriso: Kansarka Ku Dhaca Mindhicirrada Waa Waaweyn (Colorectal Cancer)

Daryeel Magazine

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *