Xanuunka Gastroparesis

Waa maxay Gastroparesis ku?

Waa xanuun sababa inay cuntadu ku raagto caloosha haddaan si toosa u turjumo magaca xanuunkana waxay noqonaysaa Calool Curyaan,sababaha ugu badan ee keennaana waa xanuunka macaanka(Diabetes melittus),sababta macaanku u keennaana waxa weeya qofka macaanka qaba waxa kor u kaca heerka sonkorta ku jirta dhiiga taasi waxay keentaa inuu dhaawac ku dhaco dareemayaasha uu ka midka yahay ka loo yaqaan Vagus Nerve oo ah ka dareenka gaadhsiiya muruqyada caloosha ,hadduu kaas(Vagus nerve )dhaawac gaadho oo shaqadiisu hoos u dhacdana sidoo kale muruqyada caloosha ee ka qayb qaata dheefshiidkuna si fiican uma shaqaynayaan oo way talax gabayaan halkaas ayayna ka imanaysaa inay cuntadu ku raagto caloosha .

Calaamaddaha xanuunka gastroparesis:

Calaamaddaha waxa ka mid ah

  • inuu qofku markiiba dharag dareemo markuu wax cunaayo,
  • Lalabo cunto cunida ku xigta,
  • Hungaaco ama matag
  • Qofkoo dareema inay caloosho buuxdo badanaa ama dibirro joogta ah
  • Laabdilaac
  • calool xanuun
  • Miisaanka qofka oo hoos u dhaca .

Sidee loo daweeyaa ?

Marka la baadho waxa lagula taliyaa bukaanka talooyin ah inuu badalo cunadiisa iyo siduu wax u cunno iyadoo ay tahay bukaanku inuu inyar inyar wax u cunno xiliyo kala duwan waxaana la siiyaa dawooyin kor u qaadda shaqada muruqyada caloosha lagagana ladnaado lalabada iyo hungaacada sida Erythromycin iyo Metoclopramide .

FG:haddaad calamaddahaas isku aragto u tag dhakhtarka ku takhasusay dawaynta xanuunnada ku dhaca habdhiska dheefshiidka (Gastroenterologist) isaga ayaa ku baadhi doonna maadama oo ay jiraan xanuunno kale oo ay isu calaamaddo eegyihiin.

W/Q: Dr Mawliid Kudar

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *