Garafis waa xanuun la xariira xanuunada ka dhasha difaaca jirka, xanuunkaa ayaa sabbaba in qanjirka loo yaqaano thyroid ee ku yaala dhuunta uu soo daayo hormoon xaddi badan ah, taasoo kalifta inuu siyaado hormoonada laga soo daayo qanjirka thyroid.
Dadka qaba xanuunka garafis waxaa difaaca jirkoodu uu sameeyaa walax loo yaqaano ”thyroid stimulating immunoglobulin“ (TSIG) kuwaas oo ku dhaga unugayada qanjirka waxayna sababaan in qanjirku uu soo daayo hormoon ka badan xadigiisa saxda ah. Hormoonada laga soo daayo qanjirkaan waxaa ay saamayn ku leeyihiin qaybo badan oo kamid ah jirka, sida habka fariimaha, kobaca maskaxda, heer kulka jirka, iyo shaqooyin kale oo muhiim ahba.
Hadii aan la dawayn xanuunkaan waxaa uu sababaa inuu hoos u dhaco miisaanku, iyo in qofku uu noqdo mid u nugul wax walba dareen kiisuna uu daciifo, walwal iyo daal jirka iyo maskaxdaba ah.
Maxaa sababa xanuunka Garafis
Difaaca jirka ayaa loogu tala galay inuu la dagaalo sheeyada caafimaadka jirka iyo maskaxda wax yeelay naya. Mararka qaar waxaa uu jirko ka shakiyaa qayb kamid ah unugyadiisa isagoo ku qaada weerar. Xanuunka garafis ayaa ka dhashay markii uu difaacu jirku si khalad ah usoo daayo walax loo yaqaan antibody stimulating immunoglobulins taasoo la falgasha unugyada qanjirka thyroid. kadib waxay unugyada qanjirku soo daayaan hormoon ka badan xadiga caadiga ah. Marka laga soo tago fahamka ku aadan in difaaca jirka oo si qaldan u weeraro unugyada qanjirka ay sababayso xanuunka garafis, majirto cadayn dhab ah oo loo hayo waxa sida saxda ah u sababa xanuunkaan.
Waa maxay astaamaha
Xanuunka garafis iyo badnaanshaha hormoonada laga soo daayo qanjirka thyroid waxaa ay wadaagaan astaamo badan oo ay ka mid yihiin, miisaanka oo luma, lalleemo, garaaca wadnaha oo siyaada, daal, kulka oo aan loo dulqaadan karin, xanaaq, awooda murqaha oo daciifa, xaalada loo yaqaano cuna bacuuc taasoo ah markii uu bararo qanjirka thyroid, shuban iyo seexashada hurdada oo isbadal ku yimaado. Tiro aan badnayn oo kamid ah dadka uu ku dhaco xanuunka garafis ayaa lasoo darso in maqaarka uu yeesho baro casaan ah.
Yaa halis ugu jiri kara
Waxaa la aaminsayahay inuu xanuunkani ku imaan karo dhaxal, waxaana u sahlanaan kara dadka waalidkood uu qabay xanuunkan. Dadka qaba walwalka ayaa sidoo kale la aamin san yahay inay u nuglaan karaan xanuunkan. Da’da ayaa ah qodob muhiim ah markii ay timaado baaritaanka xanuunka garafis waxuuna xanuunkaan ku badan yahay dadka da’doodu ka yar tahaya afartan sano. Dumarka ayaa todoba illaa toban jeer uga badan ragga xanuunkaan sidaa darteed garafis waxaa lala xiriirin karaa jinsiga. Dadka qaba xanuunada kale ee uu sababo difaaca jirka ayaa sidoo kale u sahlan xanuunkan, sida dadka qaba tufta.
Mala daawayn karaa
Haa, xanuunka garafis waa mid la dawayn karo laguna xalin karo qaab daweyn ah iyo qaab qalliin ahba. Qalliinka xanuunkaan ayaa ah mid aan lagu deg degin waxaana la qaataa markii ay shaqeyn waayaan dawooyinku. Sabbabta looga fogaanaya qalliin lagu sameeyo qanjirka thyroid ayaa ah in ay ka dhalan karto xaalad caafimaad oo hor leh, sida dhiigbax, infekshan halis ah, codka oo luma ama isbadal iyo dhaawac soo gaara qanjirka thyroid.
Akhriso: Qanjirka Thyroid-ka Oo Shaqo Yareeya Ama Howlgab Noqda (Hypothyroidism)