Xanuunka Difaaca Jirka Khalkhalsan

Xanuunka difaaca jirka khalkhalsan wuxuu sameysmaa marka difaaca jirka uu go’aansado inuu dagaal ku qaado xubno caafimaad qaba oo katirsan jirkaaga.

Xanuunkan waxa uu saameyn karaa hal qeyb ama qeybo badan oo ka mid ah jirka. Sidoo kale xanuunkaan wuxuu sababi karaa korriima aan caadi aheyn oo ku timaada xubnaha iyo shaqadooda.

Waxaa jira in ka badan 80 nooc oo xanuunka difaaca jirka khalkhalsan ah. Badan koodu waxay wadaagaan astaamaha, waana arin adkeeneysa in si sax ah loo ogaado. Sidoo kale waxaa macquul ah in qofku uu qaba in kabadan hal xanuun oo difaaca jirka khalkhalsan.

Xanuunka difaaca jirka khalkhalsan wuxuu noqon karaa mid isbedbedel badan sida astaama khafiif ah ama kuwo daran. Waayahaan, daweynta xanuunka difaaca jirka khalkhalsan waxaa diirada lagu saaraa khafiifinta astaamaha kadhasha xanuunka. Ma jirto dawo si dhab ah u daweyn karta xanuunka difaaca jirka khalkhalsan.

Xanuunkaan waxaa inta badan lagu arkaa qoyska , 75 boqolkiiba dadka qaba waxey u badan yihiin dumar.

Waa maxay noocyada ugu caansan ee xanuunka difaaca jirka khalkhalsan?

Kuwa hoos ku qoran waxey ka mid yihiin xanuunada ugu caansan ee lagu arko goobaha caafimaadka:

  • Tuf: waa caabuqa kala goys yada iyo nudaha ku hareereysan
  • Systemi lupus erythematosus: Cudurkani waa mid chronic ah , Qofkii uu ku dhacana laasima. Waxa uu saameeyaa maqaarka, Kilyaha, kalagoysyada sida jilbaha iyo xusulada, dhiiga iyo xubno kale oo fara badan.
  • Celiac sprue disease: falcelin ka dhasha maadada gluten ee laga helo qamadiga, waa falcelin dhaawici karta dahaarka kore ee mindhiciraha/ xiidmaha yaryar
  • Pernicious anemia: hoos udhaca unuyada guduudan/cascas ee dhiiga, hoos udhaca wuxuu ka dhashay awood la’aanta minidhicirrada ee nuugista maadada vitamin B-12
  • Vitiligo: baras
  • Scleroderma: cudur ku dhaca nuduha wax isku xira ee jirka
  • Psoriasis: xaalad maqaar ee sababto in maqaarka uu casaado uuna cuncuno, noqdana mid adag.
  • Inflammatory bowel disease: cuduro ku dhaca xiidmaha yaryar iyo kuwa waaweyn
  • Hashimoto’s disease: caabuq ku dhaca qanjir ku yaala hunguriga hortiisa
  • Addison’s disease: hormoonada adrenalka oo aan jirka ku filneyn
  • Grave’s disease: qanjirka thyroidka oo shaqadiisu badato
  • Sonkoroow nooca koowaad: burburinta unagyada ganaca ee soo daaya hormoonka insulin
  • Sjogren’s syndrome: burburka qanjirada soo saara ilinta iyo calyada

Maxaa sababa xanuunkaan?

Waxa sida saxda ah u sababa xanuunka difaaca jidhka khalkhalsan aqoon looma lahan. Hasa yeeshee waxaa jira fikiro badan oo la aaminsan yahay sida:

  • Bakteeriya ama fayrus
  • Dawooyinka qaar
  • Kiimikooyinka qaar
  • Iyo walxa qaar ee laga helo deegaanka

Sidoo kale waxaad unugu shahay inuu xanuunkaan kugu dhaco, hadii qof kamid ah qoyskaaga uu qabo xanuunka difaaca jirka khalkhalsan.

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunka difaaca jirka khalkhalsan?

Waxaa jira noocyo badan oo xanuunkaan ah, sidaa darteed wey ku kala duwanaan karaan astaamaha, hasa yeeshe kuwa guud waxaa ka mid ah daal, qandho, tabar dari guud, astaamaha waa kuwo kadari kara ama kuwo noqon kara khafiif.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *