Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa qofka oo garta waxa uu ku fiicanyahay iyo meelaha uu u liito, si uu fursad ugu helo in uu ka faa’ideeyo waxa uu ku fiican yahay, isla markaana raadiyo in uu kabo ama buuxiyo dhaliilaha uu leeyahay. Laakiin waa mindi laba af leh, samaanteeda waxaa hareer taalla khatar ah in qofka ay ku abuurto ‘isku kalsooni ku talaxtag ah iyo kibir uu dadka kale iska sarraysiiyo’.

Waa qofka oo kartidiisa iyo sarrayntiisa ka qaato faham iyo aragti aad uga sarraysa inta ay run ahaan tahay, guulaha uu gaadhaana ay la yeelanayaan weyni ka badan inta ay u qalmaan.

Xaaladdani waxa ay qofka ku hoggaamisaa xanuun nafsadeed, khatar geliya naftiisa iyo xaaladdiisa bulsho labadaba.

Waxaa afka cilminafsiga lagu yidhaahdaa, “Delusions of grandeur’. Waa xaalad caafimaad darro dhimirka ah oo uu qofku is moodsiinayo in uu leeyahay awoodo, xurmo, karti, aqoon, maaliyad ama sarrayn uu dheeryahay dadka kale ee ku xeeran. Sidaas awgeed uu ka filayo in ay u muujiyaan ka helitaan, weynayn, xurmayn iyo in ay isaga mudnaanta siiyaan.

Marka uu taas ka waayo dadka oo dabcan aan iyagu u arkayn sidaas uu is mooday, waxaa ku dhaca niyadjab, cadho, nac iyo in uu bulshada ka fogaado, illaa uu gaadho heer uu mararka qaarkood qofku u baahdo dhakhtar caafimaadka dhimirka iyo nafsiga ah oo dabiiba.

Calaamadaha xaaladdan:

1. Aaminsanaan Qaldan oo ku keena go’aamo iyo aragtiyo la yaab ku noqda dadka ku xeeran, ama ay u arkaan wax aan suurtageli karin.

2. Shaki Iyo Kalsooni Darro

3. Feejignaan ku talaxtag ah oo uu kula socdo wax kasta oo hareerihiisa ka socda, isaga oo doonaya in uu iska jiro khatar uu moodayo in ay kaga imanayso dadka ku xeeran.

4. Gardarro iyo cadaawad ka imanaysa difaaca uu mar kasta iskaga ilaalinayo weerarka uu is moodsiinayo in uu ku soo maqanyahay.

5. Is faquuq ka imanaya cabsida iyo shakiga uu qabo, waxa uu dib uga gurtaa ama marka horeba ka dheeraado mawaaqifta bulsho ee horyaalla, ama waxaabu ka fogaada inuu dadka dhexgalo.

6. Bootin iyo in uu wax kasta ka gubto, isaga oo cadho iyo dagaal kaga jawaabaya arrimo aan mudnayn in uu dareenkaas siiyo.

7. Is moodsiis uu aaminayo inay cidi ku dabajirto, cadaadis iyo cidhiidhi ku hayso, ama khiyaamaynayso, iyo inuu dhibbane u yahay mu’aamarado.

-Kamaal Marjaan

Aljazeera Health

Check Also

oohinta badan, oohinta dumarka, ilmada

Maxaan Uga Oohin Badanahay Dadka Kale? 6 Arrimood Oo Cilmi Baaris Lagu Arkay

Oohinta waxaa laga dhigay wax sumcad ahaan aan haboonayn ama calaamad u ah daciifnimo sida awgeed …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *