Marka uu qofku si qalda tallaabada u qaado ama dhaqaaq jidheed oo qaldan sameeyo, ama uu si kedis ah oo aanu jidhku ka diyaar garoobin u qaado wax culus, waxa xanuun kedis ah ka dareemaa dhinaca oo ah lugta illaa misigta, waxaa afka qalaad cilmigu ugu yeedhaa “Sciatic nerve”, sidoo kale bulshooyika dunida qaar ka mid ahi waxa ay u yaqaanaan ciriqa dumarka, oo Soomaalida qudheeduna ay ku magacowdo ‘Ciriq’.
Xanuunka ciriqa waxa uu ku dhacaa neerfe / dareensidaha ugu dheer jidhka bani’aadamka oo ah kan ka soo bilowda qaarka dambe ee dhabarka, sii dhex mara sinta illaa uu gaadho suulka lugta, maadaama oo uu soo dhex maro lafta sintana waxa uu halis u yahay in dhibaato soo gaadho, gaar ahaan marka uu culays iyo cadaadis badani fuulo ama caabuq ku dhaco, sidoo kale ricidhaha dhabarka oo ku jiifsada ayaa keeni kara ama iyaga o o ricidhaha qaar dhammaadaa, iyo qofka oo jimicsi iyo xarakaad muruqyada ah samayn waaya.
Dhererkaas awgeedna marka uu dhibaato tirsanayo waxa uu qofku dareemaa xanuun aad u badan oo is haysta dhabarka illaa lugta hoose.
In kasta oo xanuunkan lagu kaxeeyo dawooyinka kaar-jebinta ah, haddana waxaa jira xeelado kale oo uu qofku ku yarayn karo xanuunka ciriqa, waxaa ka mid ah in la diiriyo jidhka, in qofku acsaabtiisa dabciyo oo nasiyo iyo jimicsiga noocyo ka mid ah.
Ma dumarka oo keliya ayaa uu ku dhacaa:
Dad badan ayaa u fahamsanin xididku uu dumarka oo keliya qabto, balse waxaa sax a in uu yahay xanuu labada jinsi si isku mid ah u qabta.
Calaamadaha xanuunka ciriqa:
Xididka waxa lagu gartaa in uu aalaaba illaa lugta oo ugu yaraa misigta iyo ka hoose ah taxan yahay xanuunkiisu, in uu xanuun yahay kabuubyo, lugta uu qofka ka qabto oo daciifta, iyo in uu dareemo sida in irbadi ka mudayso ama dareenkuba ka tago. Waxa aanu si gaar ah xanuunkeedu u sii bataa marka uu qofku fadhiisanayo iyo marka uu qufaco ama hindhiso.
Siyaabaha loola tacaali karo xanuunka ciriqa:
Arrimaha muhiimka ah ee ay dhakhaatiirtu sheegeen in lagula tacaali karo xididka waxaa ka mid ah, in si dhaqso ah loo yareeyo culayska saaran neerfaha, waayo haddii muddo uu jiro xanuukani waxa uu dhibaato gaadhsiiayaa neerfaha, waxa aanu keeni karaa khatar weyn oo dhinaca dhaqdhaqaaqa jidhka ah.
Muddada hore qofku waxa uu ku eegayaa in uu nafsiyo neerfaha, oo tusaale ahaan uu dhabarka u jiifsado, xarakaadkaa yareeyo, waxaana si gaar ah loogu taliyaa in uu sariirta u jiifsado qaab kala sarraysa oo qaarka sare kor u soo qaadan yahay, iyada oo uu jilibka iyo xagasha misigta ee lugta bugta toosinayo. Qaabkani waxa uu yaraynayaa culayska saaran laf-dhabarta.
Diirrimaadka jidhku uu helo ayaa isaguna yareeya xanuunka.
Daweyn dabiici ah:
Waxa si dabiici ah loogu dabiibi karaa xanuukan xididku inta aanu heer xun gaadhin, jidhka oo la diiriyo, ama dhoobo diirran oo lagu dhoobo lugta bugta, sidoo kale waxaa jira aada u muhiim ah jimicsiyo gaar ah oo lagu dabiibo xididka.
Jimicsiyadaas oo kala duwa waa kuwa ay qormadani ku bilaabatay si qofka bukaa uga daydo.
Talada muhiimka ahina waxa ay tahay in qofka bukaanka ahi marka uu ladnaado aanu joojin jimicsiyadan ee uu sii wado, taas oo ka ilaalin doonta in neerfaha dhibaato dambe soo gaadho.
Akhriso: Sababaha Keena Dhabar Xanuunka Iyo Sida Guriga Loogu Daweeyo
W/D: Kamaal Marjaan
https://www.facebook.com/marjaankam