Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale waxaa keena xanuun loo yaqaanno “Heel Spur Syndrome” taasoo ah fiiq lafeed aad u yar oo cadaadis ku haayo hilibka ciribta.

Ciribta waxay ka samaysan tahay lafta ciribta, cad dufan oo sidii barkinta camal ah oo eebe ugu tala galay in ay ciribta ilaaliso iyo xuub adag oo maqaar ah.

Fiiqa ciribta “Heel Spur” waa laf dheeri ah oo ka soo baxdo ciribta taasoo samaysanto sida la aaminsanyahay markii seedka isku hayo lafta ciribta iyo salka suulka uu jiidmo.

Laftaa marka ay bilaabanto in ay samaysanto ama soo fiiqanto waxay keentaa xanuun aad u badan taasoo hadii cagtu la qabsato waxoogaa yaraato.

Qaabka abuurka cagtaada waxay dowr weyn ka ciyaartaa samaysanka fiiqa ciribta sida in cagta ay sallax tahay oo aysan godnayn (raysmagaadhto la’aan), iyo dadka aad u cayilan iyo dadka ciyaartoyda ah.

Xilliga ay fiiqa ciribta suubsameyso waxay keentaa xanuun marka la soconayo khaas ahaan subaxii hore weliba xilliyada qabowga, marmarka qaar markii cadaadiska ka bato waxay samaysataa meel yar oo biyo galaan oo jeeb camal ah loona yaqaanno “Bursa” taasoo haddii ay caabuqdo keento xanuun iyo dikaan muddo qaadan karo adigoo aadan socod iyo istaag badan galin xitaa, caabuqaas oo caafimaad ahaan loo yaqaanno “Calcaneal Bursitis”, qofka wuxuu dareemaa dikaan sidii in malax ku jirto oo kale markay xaaladaan gaarto.

Xaaladaan waxaa lagu gartaa in raajo la saaro ciribta inkastoo haddii fiiqu yaryahay aanan lagu arki karin raajada, waxaa kaloo dhakhtarku ogaan karaa in xanuunkaan uu jiro markii uu wiisiteeyo cagta sida in meesha lafta fiiqan ku aadan haddii far lagu riixo ay daqnanayso oo iyada dhan aysan ku xanuuneyn marka xanuunku billaabmayo.

Haddii ciribtu cadaadiska lagu hayo uu sii bato waxay keentaa barar iyo xanuun siyaado ah oo aanan laga shaqaysan karin, xanuunkaas oo ku faafa ciribta oo dhan illaa dhinacyada cagta.

Waxyaabaha xanuunka kaaga sii dari kara waxaa ka mid ah: Cayilka, Kaadi macaanka, Istaagnida badan, Kabo kugu dhagan iyo kabo taako leh.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?

Xanuunka marka uu cusub yahay, uma baahno in daawo loo qaato, waxaa qofka lagula taliyaa inuu istaagnida badan iska ilaaliyo, kana fogaado xirashada kabaha ciriiriga ah iyo kuwa taakada dhaadheer leh. Hadduu qofka cayilan yahay waa inuu miisaankiisa hoos u dhigaa.

Hadduu qofka leeyahay cagta fidsan “Flat Feet” waa inuu xirtaa ama gashadaa laastiko cagaha loogu talagalay oo kabaha la iska xijiyo loona yaqaano “Insoles”, waxay aad kaaga caawinaysaa in fiiqa ciribta aysan ku mudin khaasatan haddii aad muddo istaagnaan rabtid ama socod dheer gali rabtid. Laastikadaan maahan wax qaali ah, meelo badan ayaa laga helaa, farmashiyada qaarne waa lagu gadaa wadamada qaarkood.

Xanuunka haddii ay muddadiisu dheeraato, bararne keento waxaa lagu daaweeyaa 3 siyaabood:
1- In cirbad lagu duro fiiqa ciribta taasoo yareyneyso caabuqa, xanuunkane baab’inayso, waxaa laga yaabaa in cirbadda aad u baahatid dhowr jeer oo waqtiyo dhaadheer u dhaxeysa, dad badan way ku caafimaadaan isbadalne way isaga gartaan. Waa in sida saxda ah laguugu duro si isbadal fiican u dareentid.
2- Haddii cirbadda ay wax tari wayso, waxaa ciribta lagu sameeyaa qalliin taasoo lagu jarayo lafta fiiqan ee ciribta ka soo baxday.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado, hadduu qofka horay u lahaa xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, xanuunka Turqo (Gout), kaalsiyam yarida, xanuunka thryoid-ka  intaba waxay ka qeyb qaataan in xanuunka uu ku daba dheeraado qofka oo si dhakhso ah uga bogsan waayo, sidaa darteed waa in xanuunadaa kalane qofka laga daaweeyo si isbadal fiican loo helo.

Siyaabaha dabiiciga ah ee lagula tacaalo cilladaan?

  • Barafka: Xanuunka markuu kugu cusub yahay, baraf ayaa la iska saaraa ciribta.
  • Cusbada Magnesium: Waxaa loo yaqaanaa “Epsom salt” habeenkii inta aadan jiifan ayaa 3 qaado oo cusbadaan ah lagu shubaa weel biyo qandac ah ku jiraan, kadib cagta ayaa la dhex dhigaa muddo 15 daqiiqo, kadibne si aayar ayaa loogu daliigaa, cusbadaan waxay ka samaysan tahay maadada magnesium, waxaa la arkay in carjawda laftaa ay baaba’iso, waa in dhowr habeen aad sidaa yeeshaa si waxtarkeeda aad u dareentaa.
  • Saliida Qumbaha: Habeenkii inta aadan jiifan cagta iyo ciribtaba ku duug saliida qumaha ee saafiga ah “Extra-virgin Cocconut Oil”, iyadane isbadal fiican ayaad ka dareemi doontaa insha’llah.
  • Fixisda (Baking Soda): Waxyaabaha waxtarka u leh cilladaan waxaa ka mid ah Fixisada, Biyo yar ayaad ku qasaysaa nus qaado fixiso ah, kadib markay cajiin ama xanjo camal noqoto ayaad ku dhajinaysaa meesha ciribta kaa xanuunayso, kadibne  cagta ayaad kula xiraysaa waadna ku jiifanaysaa, waxay yaraynaysaa xanuunka iyo hurka, waxay kaloo hakinaysaa korriinka fiiqa lafta.

Fadlan dhakhtar la xiriir si loo hubiyo in cilladaan ay ku haysato.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc.com

Check Also

cuntooyinka koritaanka caruurta,

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *