Xaddiga Biyaha Uu Jidhku U Baahan Yahay Maalintii Iyo Dhibaatada Hadii Aad La Iskaga Badiyo

Biyuhu waxa ay caawiyaan dhammaan shaqooyinka uu jidhku qabto. Sidaas oo ay tahay, haddana haddii ay jidhka kaga bataan inta baahidiisa ah, waxa ay keenaysaa khataro caafimaad. Waxaa ka mid ah murqyada oo marar isku soo roora / guntama, gaar ahaan kuwa gacmaha iyo lugaha iyo sumowga biyaha (Water intoxication) oo dhimasho keenta.

Dr. Catherine Waldrop oo ay soo xigatay shabakadda Mindbodygreen ayaa sheegtay in biyaha badani ay khafiif ka dhigaan walxaha danabaysan ee dhiigga ku jira (gudbiye-milmeyaasha), sida sodium, potassium, magnesium, iyo calcium oo muhiim u ah shaqoyin badan oo ay qabtaan unugyada jidhku. Waxa ay sababtaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin isu dheellitirnaanta guud ahaan habdhisyada kala duwan ee jidhka oo uu khalkhal ku dhaco.

Waxa uu qofku isku arkaa yaalugo iyo matag, madax xanuun, dawakhaad, iyo in amateedku ka lumo. Waxa kale oo ay keentaa barar ku dhaca maskaxda, taasina ay keeni karto heer uu qofku kooma galo, suuxo, tashuus maskaxda ku furma, ama xitaa geeri.

Calaamadaha lagu garto

Midabka kaadidu waa huruud khafiif ah, haddii ay huruuddu ku badato waa calaamad biyo yaraan, haddii ay midabka biyaha yeelatana waa biyihii oo jidhka ku batay.

Sida ay sheegtay Dr. Vanita Sima Xiang oo ku takhsustay caafimaadka keliyaha iyo kaadimareenku, midabka kaadida oo biyaha u ekaadaa mar kasta ma sheegayo khatar caafimaad, laakiin haddana waa calaamad muujinaysa in biyo badan ay jidhka galeen. sidaas awgeed marka aad aragto midabkaas ay fiican tahay in aad yara hakiso biyo cabbista.

Dr. Vanita waxay sheegtay in qofka caadiga ahi uu celcelis ahaan 3 ama 4 saac oo kasta mar kaajo, haddii intaas ay ka badatana ay calaamad u tahay in biyo intii dabiiciga ahaa ka badani ay jidhka galeen. Waa haddii aanay jirin xaalad kale oo caafimaad oo keenaysaa.

Biyo intee le’eg ayuu jidhku u baahanyahay?

Xaddiga biyaha uu jidhku Maalintii u baahan yahay waxay ku xidhantahay da’da, jinsiga, shaqada ama xarakaadka jidhka iwm, sidaas awgeed ma jirto qiyaas rasmi ah oo la goyn karaa. Laakiin si guud, talada dhakhaatiirtu waa in biyaha aad cabto marka aad dareento harraad, marka uu dhidid badani kaa baxo, marka uu xanuun jiro, ama haddii midabka kaadidu uu huruud rasiina noqdana.

W/T: Kamaal Marjaan

Xigasho: Aljazeera (The United States National Library of Medicine / WebMD/ MSD/ MindBodyGreen/ CBS News

Check Also

baadhitaanka, caafimaadka raga,

Baadhitaanno Ay Tahay In Nin Kasta Uu Sameeyo Si Uu U Hubiyo Caafimaadkiisa

Waxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *