Sababo badan oo caafimaad ayaa ay dhego la’aantu ku timaaddaa, kamana maaranto in dhakhtar caafimaad oo takhasus ahi uu xal u raadinteeda qayb ka noqdo. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira xaalado khatar ku ah maqalka oo qofka ku yimaadda, xaaladahaas oo laga hortegi karo waxaa ka mid ah:
Dhukayga oo laga hortago in uu engago
Dhegta haddii la nadiifin waayo! waxaa dhici karta in dhukaygu uu ku dhagaxoobo, kaddib uu la falgalo dhawaqa maraya dhuumaha jabaqda. Arrintan ayaa sababta boqolkiiba 66 xaaladaha maqal la’aanta ah (Dhego beelka) ee dunida ka jira.
Brian Earle oo kaaliye baresare ka jaamacadda Cincinnati ee dalka Maraykanka, isla markaana madax ka ah shaybaadhka EARLAB ee jaamacadda. Mar uu ka hadlayey khatarta ka iman karta dhukaygaas dhegta xidhaya waxa uu sheegay in ay suurtagal tahay in uu dhaafo teedka ilaalinta dhegta, taas oo ugu dambaynta marka ay muddo jirto uu qofku dhego beelo.
Qaybta culuumta caafimaadka ee jaamacadda Oxford ayaa Warbixin ay arrintan xalkeeda kaga hadashay waxa ay soo jeedisay in qofku toddobaad kasta hal mar uu dhowr dhibcood oo saliid saytuun aan qaboobayn ah ku shubo dheg kasta.
Saliiddani waxa ay ilaalinaysaa in dhukaygu aanu engag noqon, waxa aanay jidhka u fududaynaysaa in uu si dabiici ah oo aamina uu isaga soo daadiyo dhukayga.
Potassium ta ogoow
Maadadda Potassium waxa ay dhegta ka caawisaa in codadka ay u beddesho seenyaaleyaal ay maskaxdu fahmi karto, waxa kale oo ay taageertaa xididdada dhiigga ee dhegta gudaha ku waraabiya nafaqooyinka. Sidaas awgeed waxaa mar kasta lagu talinayaa in la ogaado maadadda Pottassium si uu u awoodaysto dareenka maqalku.
Cilmibaadhis Kuuriyada Koonfureed lagu sameeyey ayaa daahfurtay in kayd fiican oo Pottassium ah in uu jidhku haystaa ay boqolkiiba 60 yarayso khatarta ah in maqalka qofku uu daciifo.
Xakamaynta dhiigkarka iyo macaanka
Dhiigkarka oo aan la dejin iyo Xanuunnada Wadnaha ku dhacaaba waxa ay dilaan xididdada iyo neerfeyaasha tiftifeed ee dhegta gudaheeda ku jira. Sidaas awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu mar kasta ku baraarugsanaado heerka kalastaroolka dhiiggiisa iyo dhiigkarka iskana ilaaliyo in ay kor u kacaan.
Cilmibaadhisuhu waxa ay muujiyeen in dadka qaba dhiigkarka iyo macaanku ay halis u yihiin dhego beelka, sidaas awgeed ay waajib tahay in ay si joogto ah u xakameeyaan.
Sigaar nuugista iyo Al-kahoosha
Sigaarka iyo maandooriyuhu waxa ay raadad taban ku leeyihiin dareenka maqalka. Shabakadda Arrimaha caafimaadka ka faalloota ee Web MD ayaa iyaduna sheegtay in buurigu uu dadka waayeelka ah ku keeno in awoodda maqalkoodu si aad u weyn hoos ugu dhacdo.
W/D: Kamaal Marjaan