Xaaladaha Caafimaad Ee Keeno Dhaxanta Joogtada Ah

U adkaysiga dhaxanta dadku si dabiici ah ayaa ay ugu kala duwan yihiin, laakiin haddana u nugaylka badan ee dhaxanta ayaa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in ay sababtiisu tahay xanuunka mararka qaarkood aan qofka niyaddiisaba ku soo dhicin.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah sababahaas caafimaadka la xidhiidha ee ay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay keeni karaan in qofku si joogto ah u dhaxamoodo.

Xanuunka qanjaha hunguriga (Thyroids):

Qanjaha hunguriga ee afka qalaad lagu yidhaahdo Thyroids iyo qanjidhka afka qalaad lagu yidhaahdo Pituitary oo ku dheeggen maskaxda qaabilsanna soo deynta hormoonnada, isla markaana shaqo wadaag la’ ah qanjidhka dhuunta ayaa shaqooyinka kale ee ay qabtaan waxaa ka mid ah in ay jidhka qofka diirimaad fiican siiyaan. Tusaale ahaan qanjidhka dhuuntu waxa uu kululeeyaa jidhka waxa aanu isu dheelli tiraar heer kulka jidhka.

Haddaba haddii ay dahcdo in qanjidhkani uu shaqadiisa gabo ama yareeyo waxaa qasab ah in qofku uu dareemo dhaxan, taas oo qanjidhka kale ee Pituitary ee aynu sheegnay in uu la shaqeeyo siinaysa amar uu ku soo daayo hormoon shaqadiisu ay tahay in uu baraarujiyo qanjidhka hunguriga (Thyroids) oo fara in uu soo daayo heer kul inta hadda ka badan, laakiin taasna waxaa ka dhalanaysa dhibaato kale oo ah marka ay qanjaha Thyroids soo daayaan xaraaradda in aanay xakamayn karayn xaraaraaddaas oo ay wadayaan illaa ay gaadho heer uu haddana qanjidhkii maskaxda ee Pituitary marka uu dareemo heer kulka sii badanaya isna bilaabo in uu iska caabbiyo, aakhirkana ay dhacdo in qanjidhka Dhuuntu uu gebi ahaanba shaqada joojiyo ama aad u yareeyo.

Marka aynu soo koobna qofka dhaxanta sida aan caadiga ahayn ugu nugul, waxaa la gudboon in uu hubiyo caafimaadkiisa qanjaha.

Cillad ama khalkhal ku jira wareegga dhiigga:

Habsami u socoshada wareegga dhiiggu kaalin muhiim ah ayaa ay ku leedahay habaynta iyo isu dheelli tirka heer-kulka jidhka. Haddii cillad ama khalkhal ku yimaaddo wareegga dhiiggana dhibaatooyinka ka dhasha waaa ka mid ah, in qofku uu dhaxan xoog ah ka dareemo cagaha (Inta kabta lagu xidho) iyo gacmaha intooda hore (faraha iyo baabacooyinka).

Sababo badan ayaa keena in uu khalkhal ku yimaaddo habsami u wareegga dhiigga iyo in uu jidhka wada gaadho, waxaana ka mid ah, xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga. Tusaale ahaan haddii wadnaha ama  xididdada dhiiggu ay daciif yihiin oo aanay sidii loogu talogalay u awoodayn in ay shaqadoodii dabiiciga ahayd u wada qabsadaan, tusaale ahaan waxaa ku adag in wadnuhu uu awood leh u afuufo dhiigga, taas oo keenaysa in darafyada iyo xubnaha fog aanu dhiiggu si fiican u gaadhayn, kuwa ugu fog marka wadnaha loo eegana waxa ay noqonayaan gacmaha hore iyo cagta inteeda hoose. Sidaa awgeed iyaga ayaa dhaxanta u nuglaanaya.

Xanuunka macaanka:

Macaanku inta badan waxa uu dhaawac ku keenaa hab-dhiska neerfeed ee loo yaqaanno Peripheral Nerve, oo ah neerfayaasha maskaxda iyo xangullaha oo ah xarunta hab-dhiska neerfayaasha ku xidha gebi ahaanba qaybaha kale ee jidhka aadamaha.

Calaamadaha lagu garto cudurka macaankana waxaa ka mid ah, qofka oo kabuubyo ka dareema cagaha hoose (Inta kabta lagu xidho) iyo labada gacmood, sababtuna waa neerfayaashaa aynu soo sheegnay ee macaanku dhaawacayo ayaa masuul ka ahaa in ay ishaarada heer-kulka jidhka u diraan maskaxda, si ay maskaxdu u soo deyso hormoonnadii isu dheelli tiri lahaa, taasi marka ay meesha ka baxdo ayaanay dhacaysaa in qofka macaanka qabaa uu dareemo dhaxan xoog ah.

Hurdo yaraanta:

Hurdo yaraantu waxa ay keentaa dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, waxaa ka mid ah hab-dhiska neerfaha oo ay xaalado caafimaad darro ku keento iyo maskaxda oo ay ka khalkhaliso shaqadeedii ahayd in ay isu dheelli tirto nidaaminta heerkulka jidhka.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Jyvaskyla ee dalka Finland ayaa ay khubaradu ku baadheen raadka taban hurdo la’aantu ku keeni karto caafimaadka qofka, waxa aanay tijaabo u qaateen Labaatan dhalinyaro ah oo ay muddo lixdan saacadood ah hurdo u diideen, taas oo lagu ogaaday natiijadan ah in heerkulka jidhka dhalinyaradani uu si aad ah hoos ugu dhacay hurdo la’aanta awgeed. Haddaba waxaa ka muuqanaysa in qofka hurdadu ku yar tahay uu si gaar ah ugu nugul yahay dhaxanta.

Akhriso: Xanuunada Iyo Dhibaatooyinka Laga Qaado Hurdo Yaraanta

Xadiidka oo ku yar dhiigga:

Xadiidku waa curiyo muhiim u ah dhiigga aadama, haddii uu xadkiisa hoos uga dhacana qofku waxa uu halis u yahay dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan. Xadiidku waxa uu unugyada dhiigga cas ka caawiyaa in ay hawlahooda si habsami ah oo tayo leh u qabsadaan, marka ay unugyada dhiigga casi si sax ah hawshooda u qabsadaanna waxaa ka dhasha in neefta Ogsajiintu ay si sax ah u wada gaadho dhammaan qaybaha jidhka. Dhinaca kalana haddii xadiidku hoos u dhaco, waxaa ka dhalanaysa in unugyada dhiigga casi si sax ah u shaqayn waayaan, waxaanay keenaysaa in neefta ogsejiin jidhka wada gaadhi weydo, sidaa awgeed qofka xadiidku ku yar yahay waxa uu u nuglaadaa qabowga, gaar ahaan waxa uu dhaxan daran ka dareemaa xubnaha wadnaha ka fog oo ah gacmaha iyo lugaha hoose.

Akhriso: Astaamaha Lagu Fahmo Xadiid Yarida Iyo Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Laga Helo

Miisaanka oo inta caadiga ah hoos uga dhaca:

Miisaanka qofka oo ka yaraada inta dabiici ahaan saxda ku ah dhererka iyo caafimaadka qofka ayaa keena dhaxan joogto ah, sababtuna waa in jidhku uu waayayo xaddi ku filan oo ah dufan oo ka ilaaliya qabowga. Sidoo kale miisaanka oo si aad ah hoos ugu dhacaa waxa uu saamayn taban ku yeeshaa habsami u shaqaynta dheefshiidka, kaas oo isna dhankiisa saamayn ku yeesha heer kulka jidhka.

Cilmibaadhis aynu kasoo xiganay Aljazeera ayaa sheegaysa in xeeldheerayaasha caafimaadku ay muhiim u arkaan in qofku ka taxaddaro in dufanku uu jidhkiisa ku ururo iyo sidoo kale in ay muhiim tahay in aanu miisaanku si xad dhaaf ah hoos ugu dhicin si aanu dufanku uga dhammaan jidhka, waxa aanay hoosta ka xariiqeen in miisaanka dabiiciga ahi uu jidhka ka caawiyo in uu isu dheelli tirmo heer-kulkiisu.

Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofka dareema in qaabka uu dhaxanta u dareemayaa ka badan yahay sida caadiga ah ay muhiim tahay in uu dhakhtar u tago si uu arrintaas u ogaado isagana hubiyo in ay jiraan sababo caafimaad darro oo ugu wacan u adkaysi la’aanta dhaxanta.

Akhriso: Xanuunnada Ka Dhasha Miisaan Yarida & Hababka Ugu Fiican Ee Miisaanka Loo Kordhiyo

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *