Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Dhasha Haddii Biyo La Cabbo Xilliga La Cuntaynayo

Jooji cabidda biyaha xilliga cuntada!!

Jirkeena wuxuu sameeyaa shaqooyin badan xiliga aan wax cuneyno, waana shaqooyin aan ubaahanay inaan mid mid u fahano si aan u ogaano in biyo lacabo xiliga aan wax cuneyno iney fiican tahay iyo ineysan fiicanayn.

-Calyada afkeena uu soo saaro xiliga aan wax cuneyno waxay ka kooban tahay insaymo burburiya cuntada waana mid naga caawineysa in ilkaha ay si fudud uburburiyaan cunada, insaym yadaan waxay muhiim uyihiin habka dheefshiidka

-Caloosha waxaa ku jira aashita loogu tala galay iney caawiso shiidida cunada kusoo dhacda caloosha, iyo iney disho bacteeriyada kusoo dhex dhuumata raashiinka, waa muhiim in aashitada ay si fiican u shaqeyso si ay ugua qeyb qaadato xaqiijinta habsami usocodka dheefshiidka

-Beerka waa xubinta loo soo gudbiyo nafaqada laga soo nuugay cunada soo marta dheefshiidka ayadoo loo soo raacinayo dhiigga. Marka nafaqada ay soo gaarto beerka, wuxuu masuul ka noqonayaa qeybinta nafaqada, iyo keydinta nafaqadi si jirka uu u isticmaalo mustaqbalka.

In lacabo biyo ama in aan lacabin

Halka ay dooda ka taagan tahay ayaa ah iney dhibaato keeni karto in lacabo biyo xiliga la cunteynayyo ama iney tahay mid uwanaagsan habka dheefshiidka, shaki kuma jiro in lacabo biyo badan xiliga la cunteynayyo ay fara gelin ku sameyn karto xadiga loo baahan yahay ee dheecaanka xameetida iyo aashitada caloosha oo ah laba shey oo muhiimad badan uleh habsami usocodka shaqada dheefshiidka. Tani waxay waxay hoos udhac ku keeneysaa habka burburinta cuntada iyo iney hoos udhigto awooda uu jirka ku soo saari karo insaym yada muhiimka u ah dheefshiidka si cunada loogu burburiyo si wanaagsan, hadii aan cunada si fiican loo burburin, waxaa siyaadayya sunta kubadaneysa dheefshiidka. Sidoo kale qofka hadii uu lacabo biyo, ama sharaabka leh aashitada waxaa meesha ka baxa calyada ay soo daayeen qanjirada, taas oo adkeyneysa shaqada dheefshiidka, cabidda biyaha qaboow waxay hoos udhigaan burburinta cuntada, sidoo kale waxay dhalisaa dareenka calool maroojiska

Waxaa la cadeeyay in ay wanaagsan tahay cabidda biyaha 30 daqiiqo kahor ama kadib marka aad cunteysid, sida lagu qoray jariidooyinka caafimaadka dheefshiidka waxaa la xaqiijiyay in lacabo biyo 30 daqiiqo ka hor inta aan la cunteyn ay nadiifiso dheefshiidka ayna u carbiso dheefshiidka inuu si wanaagsan u shaqeeyo, sidoo kale waxay muhiimad uleedahay beerka oo masuul ka ah qeybinta nafaqada laga soo nuugay dheefshiidka, waxay kaloo fududeysaa fuuqcelinta jirka iyo bedelidda dareeraha ku lumay dheefshiidka

Dhibaatooyinka ay inta badan dadka sheegtaan

Dhuunteyda ayaa yar! Waa jawaab ay dhiibaan dadka la caba sharaab am biyo xiliga lagu guda jiro cuntada, laakin runta ayaa ah ineysan jirin hunguri ka yar cabirka loogu talagalay hasayeeshee sababta keenta qofka inuu dareemo in hunguriga uu yaryahay ayaa ah in qofku uusan si wanaagsan u calaalin cunada ama uu liqo wax weyn oo dirqi kumara hunguriga, sidaa darteen dadka aamin san in hunguriga uu yar yahay, waxaa lagula taliyaa iney is baraan in si fiican ay ucalaaliyaan cunada inta aysan liqin ka hor.

Dhibaatooyinka dhalan kara hadii qofku uu biyo lacabo cunada

Dhibaatooyinkaan waa kuwa ka dhasha habka dheefshiidka oo shaqada ku cuslaata, tusaale hadii aan usoo qaadano laabjeexa, waxaa sababa aashita caloosha oo usoo gudubta hurguriga waana mid ka timaada marka biyaha ay faragelin ku sameeyaan aashita caloosha, waxaa caloosha ku qasbanaaneysa iney soo dayso aashito badan si loo gubo cunada, aashitaas badan waxaa sahlanaaneysa iney usoo gudubto hunguriga waana mida sababta laabjeexa.

Talo:

Cunida waa dabeecad aad u adag in bedel lagu sameeyo, sidaa darteed waxaa muhiimad leh in qofka uu isku day badan sameeyo si uu uqaato dabeecadaha wanaagsan ee lagu cuno raashiinka. Waa in qofka markasta uu isku sameeyaa fuuqcelin oo ah in uu cabo biyo ku filan jirka waxaana lagu qiyaasaa 8 ilaa 10 koob oo biyo ah maalin kasta, sababtoo ah dareeraha waxay muhiimad uleeyihiin guud ahaan jirka gaar ahaana waxay muhiimada balaaran u leeyihiin habsami socodka dheefshiidka.

Sida ugu wanaagsna ayaa ah in lacabo biyo 30 daqiiqo ka hor inta aan la cunteyn ama marka lacuna kadib, waan inaad raacdaa hadba midi kuu fudud, hadii ay qasab tahay inaad cabtid biyo xiliga aad wax cuneysid isku day inaad yareysid oo aad qaadatid kabo kugu filan si biyaha aysan faragelin ugu sameyn aashita iyo dheecaanka laga soo daayo xameetida.

Inaad ka taxadirtid qaabka aad ula dhaqatid jirkaaga waa tilaaba wanaagsan oo aad qaadid si aad uwanaajisay nolol wanaagaaga

Check Also

baadhitaanka, caafimaadka raga,

Baadhitaanno Ay Tahay In Nin Kasta Uu Sameeyo Si Uu U Hubiyo Caafimaadkiisa

Waxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *