Waxyaalaha Sababa Xanuunka Ay Haweenku Dareemaan Marka Loo Galmoonayo

Galmadu waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah nolosha lammaanaha, waxay aasaasi u tahay xiriirkooda waxaana lagu xaqiijin karaa waxyaabo badan oo ka qeyb qaata farxadda iyo raynraynta nolosha.

Galmada xanuunka badan waa cillad ay sheegtaan haween badan, waxayna caqabad weyn ku noqon kartaa dareenka iyo rabitaanka galmada, haweenka qaarna markay maqlaan cilladaan waxay keeni kartaa galmada. Haweenka qaarkood waxay u arkaan inay ceeb tahay in cilladaan ay kala hadlaan saygooda iyo dhakhtarkaba

Xanuunka ay haweenka dareemaan galmada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “Dyspareunia”, xanuunkaani wuxuu imaan karaa waxyar ka hor galmada, inta lagu guda jiro galmada ama galmada kadib waxaana dhowr sababood oo ka duwan oo aan maqaalkaan ku sharrixi doono.

Aan eegno sababaha keena galmada xanuunka badan:

Walwalka badan:

Walwalka badan wuxuu yareeyaa dabacsanaanta murqaha ferjiga iyo subkintooda, Murqaha miskuhu way adkaadaan si ay uga falceliyaan walwalka nolosha, taas oo galmada ka dhigi karta mid xanuun badan.

Cilladda vaginismus:

Waa cillad galmo oo ku dhacda dumarka qaar, waxay na sababtaa dareen xanuun badan xiliga galmada taasoo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada, ciladaan waxay faragelin ku sameysaa xiriirka lamaanaha iyo tayada noloshooda.

Dumarka qaba xalaadaan waxaa si ikhtiyaar la’aan ah isu soo uruura murqaha xubinta galmada, waxayna dhacdaa inta aan la bilaabin galmada, in kastoo dumarka qaar uu isu soo uruuro murqaha ferjiga xilli aan ahayn xiliyada galmada sida marka ay isticmaalayaan tambooni ama marka la taabto hareeraha ferjiga, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa “vaginismus”. Waana xaalad is hortaagi karta in loo galmooda qofka qaba xaaladaan. Waa xaalad kadhigta galmada mid aad u xanuun badan.

Qaleylka ferjiga:

Sababaha ugu waa wayn ee keena qaleylka ferjiga waxaa ka mid ah, daawooyinka iyo walwalka badan. Qaleylka Ferjigu wuxuu kaloo tilmaan u noqon karaa bilowga dhalmo dayska, sidoo kale haddii aadan kacsanin waxay yarayn kartaa subkinta taas oo galmada ka dhigi karta mid xanuun badan.

Cillada endometriosis:

Waa xaalad caafimaad oo keenta inuu caabuq ku dhaco xuubka ku dahaaran ilmo galeenka (minka) oo ah meesha uu ku koro ilmaha uur jiifka ah. badana somalida waxay ku qaldan infection ama cabuqa kudhaca miskaha ama misikta.

Inta badan endhomitriyoosis (endometriosis) ma ahan xaalad halis ah, laakin hadii aan la daween waxay sababi kartaa dhibaatoyin ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, sida khatar kutimaada dhalmada iyo xaalada caafimaad daro oo si guud usoo wajahda dumarka.

Astaamaha endometriosis waxaa ka mid ah; Dhiig bax aan caadi ahayn oo ka yimaada xubinta taranka ee dumarka, xanuun xilliga galmada, dheecaan ka yimaada xubinta taranka ee dumarka, calool istaag, dareen xanuun guud, xanuun xaga miskaha ama qeybta hoose ee caloosha.

Xilliga dhalmodeyska:

Maadaama hormoonka dumarka uu yaraado, waxay keentaa dareen qalleel tanoo dhaawac gaarsiin karto xubinta taranka markii la galmoonayo.

Caabuqa xubnaha taranka:

Caabuqa ku dhaca xubnaha taranka ee haweenka (pelvic inflammatory disease), ayaa ah mid inta badan lagu arko goobaha caafimaadka. Xanuunkaan ayaa ka dhasha infekshan. Bagteeriyada keenta caabuqaan ayaa ah mid la isagu gudbiyo galmada. Taasoo ka bilaabmata xubinta galmada ee dumarka una gudubta minka iyo ugxan sidaha, waxaana ay abuurtaa xaalad caafimaad oo taxadarkeeda leh.

Calaamadaha xanuunkan waxaa ka mid ah; Xanuun laga dareemo qaybta hoose ee ubucda, dheecaan urkiisu qarmuun yahay oo lagu arko siilka, waqtiga caadada oo isbadbadala, xanuun gaar ahaan marka la samaynayo galmo, xanuun la dareemo marka la kaadinayo.

Burada minka:

Buruqda minku (fibroids) waa kaankarada ugu badan ee ku dhaca hab-dhiska dhalmada ee dumarka. Burada minka sidoo kale waxaa loo yaqaannaa Fibromas, Myomas ama Leiomyomas, waa kaankaro ka samaysan unugyo isu tagay oo ku samaysma minka dumarka.

Dumarka kusii dhawaanaya dhalma goyska ayaa kujira khatarta ugu badan inuu ku dhaco. Sababtoo ah waxay mudo badan soo daynayeen dheecaan loo yaqaan Estrogen oo sidaan horay u sheegnayba saamayn ku leh samaysinka burqaha minka.

Bakteeriyada iyo caabuqa cabeebka:

Caabuqa cabeebka (yeast infection) wuxuu ku dhici haweeney walba, da’a kasta oo ay ku jirto. Balse waxay aad u badan tahay sannadaha dhalmo dayska. Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga gala waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha diirran oo qoyaanka leh sida farjiga, wuxuuna ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *