Waxyaabaha Soo Dedejiya Gabowga Maskaxda Iyo Qaababka Looga Hortago

Haddii aad Soomaalida ka maqli jirtay hebel ‘Nin weyn ma aha ee wuu is boobay!’ cilmiga qudhiisiina waxa uu caddeeyey in dhaqannada iyo macaamilka qofku ay gabowga soo dedejin karaan, sida oo kalana ay dib dhigi karaan, hadba wanaag iyo xumaan midka ay yihiin.

1. Nooc cunto, tayadeeda, iyo isu dheellitirnaanteeda nafaqo, iyo sida oo kale sunta ama wasakhda hawada iyo deegaanka aynnu ku noolnahay, ayaa iyaguna saamayn ku leh caafimaad qabka iyo habsami u shaqaynta maskaxdeenna, sida fariidnimada iyo maahsanaanta, murugada iyo farxadda, hal-abuurka iyo fadhiidnimada, iwm.

2. In kasta oo maskaxdu ay miisaanka jidhkeenna ka tahay boqolkiiba 2, haddana waxa ay isticmaashaa boqolkiiba 20 – 30 ka mid ah kalooriyada aynnu isticmaalno, taas oo macnaheedu yahay in cuntada aynnu cunno qiyaas boqolkiiba 30 ah uu waxtarkeedu maskaxda tago.

3. Maskaxdu waxa ay u nugushay dhaqdhaqaaqa ama lullanka lama filaanka ah ee madaxa ku dhaca, sidaas awgeed dhaawacyo ka dhasha waxyaabo aynnu u haysanno in ay fududyihiin ayaa khatar aynnaan dareemin ku keeni kara maskaxda, waxaa ka mid ah kubadda oo aynnu madaxa ku dhufanno (Hidh).

Maskaxdu waa sida subagga ama badharka, qolfoofka madaxuna waa uu adagyahay, weliba waxa uu leeyahay lafo af leh / wax mudaya sidaas awgeed lullanku waxa uu keeni karaa in maskaxdu dhaqdhaqaaqdo, kaddibna ay ku dhacdo lafahaas.

4. Sigaar nuugista ayaa iyaduna maskada gabowga ku soo dedejisa, sida ay maqaarka qudhiisana ugu soo dedejiso.

5. Dhiigkarka ayaa isaguna maskaxda ku soo dedejiya gabowga, shaqadeedana dhaawaca, mar kasta oo uu dhiiggu kaco waxaa hoos u dhaca dhiigga maskaxda gaadhaya. Taas oo khatar ku ah shaqada maskaxda iyo nolosheeda oo dhanba. Macaanka ayaa isaguna la mid ah.

6. Maandooriyaha ayaa isaguna maskaxda dhaawaca.

7. Waxa kale oo maskaxda dhaawaca buurnimada dheeraadka ah ee qofka fuusha. Markasta oo uu miisaan kugu kordho waxaa yaraada xajmiga maskaxda, waxaana hoos u dhacaya awoodda shaqadeeda.

Maxaa xal iyo caafimaad u noqon kara maskaxda

– Bulshaawinimada iyo in aad hawlaha bulsho qayb ka noqoto, dad kala duwanna ku xidhnaataa waxa ay ka mid tahay waxyaabaha cimri dhererka keena.

– Cuntooyinka caafimaadka u fiican isticmaalkooda iyo in aad ka dheeraato kuwa sunta ku ah ayaa iyaduna muhiim u ah caafimaadka maskaxda. (Cuntadu waa cudur ama caafimaad, waxba uma dhexeeyaan).

– Hurdadu waa lama huraan, marka caafimaadka maskaxda laga talinayo. 7 saac wax ka yar oo aad seexato habeenkii, waxa ay sababtaa in dhiigga maskaxda gaadhayaa uu ka yaraado inta ay u baahantahay. Dhinaca kalana mar kasta oo ay hurdadaadu yaraato waxaa kordhaya miisaankaaga, taasina waa khatar kale oo maskaxda dilaysa.

– Xaaladaha nafsiga ah oo aad iska ilaaliso, dhaqsanaha isaga dabiibto, ayaa iyaduna muhiim u ah caafimaadka maskaxda.

– Waa waajib in aad joogto ula socoto dhiiggaaga iyo heerka macaankaaga.

FG:

Qodobbadan muhiimka ah waxa aan ka soo qaatay khudbad cilmiya oo uu Daniel Amen oo ku xeeldheer xanuunnada dhimirka iyo khalkhalka maskaxdu, uu ka jeediyey fagaaraha TEDx.

Si aad hadalkiisa oo dhammaystiran u dhegeysato raac Linkiga hoose.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *