Waxyaabaha Sababa Gaabnaanta Duwaarfisim (Dwarfisim)

Duwaarfisim (Dwarfisim) waa xaalad ku dhacda habdhiska jirka ee la xariirta koritaanka lafaha taa oo keenta in qofka uu ka gaabto sida cadiga ah.

Gaabnaantaan ayaa ku imaan karta gacmaha iyo lugaha, waxaana sabab u ah xaalad caaafimaad ama hidde. Waxaa lagu qiyasaa in ay jiraan in ka badan 300 oo xaaladood oo keeni kara koritaanka lafaha oo cilad ku timaado. ”Achondroplasia” (akondrobalashia) waa nooca ugu badan ee ku dhacay dadka gaaban. Noocaan oo ah kobac la’aan ku timaada lafaha xiliga koritaanka, waxaana badanaa la arkaa markay caruurta dhashaan.

Inta badan caruurta ku dhalata ayaa leh waalidiin caadi ah. Sidoo kale waxaa dhacda in caruurtaan ay la kulmaan dhibaaato kaga timaada xakameynta madaxa iyo dhaqdhaqaaqa oo an xakamaysnayn, lakiin koriinka garaadka waa caadi. Waxaa soo muuqata in caruurtaan ku dhalatay gaabnaantaan ku timaaday lafaha jirkooda ayna waxba ugu dhibayn horumarkooda, waxqabsiga iyo kartidooda, iyadoo la arko inay waxbarashada heer sare ka gaaraan. Gaabnaanta ku timid kuma noqoto caqabad.

Maxaa Sababa Duwaarfisim

Ku dhawaad 80 boqolkiiba inta ku dhalata akondrobalashia dherirka waalidkooda waa mid dhexdhexaad ah. midaan ayaa ka dhigan in xiliga ukunta hooyada la baxramiyay ay dhacday in hiddaha qaldamo, lama garanayo waxa keenay in qalad kan ku yimaado hiddaha, amaba sababta keenta in hiddahaan unoqdo akondrobalashia. Waxaase la ogyahay in hiddaha qaldan ee keenaya xaladaan uu ka yimaado mid ka mid ah labada waalid.

Baaritaan la sameeyay, ayaa soo saaray in ku dhawaad caruurta ku dhalata akondrobalashia 20 boqolkiiba waalidkood ay ku qarsantahay hidda wadahan akondrobalashia, midaan oo ka dhigan in 50 boqolkiiba fursad ah ay jirto in caruurtiisa ay ka dhaxli karaan hiddahan. Midaan ayaa adkaynaysa xaaladda caaafimaad ee canuga mustaqbalka dhalandoona. Waxaana la arkaa in ubadkaas uu 12 bilood dhaafin.

Duwaarfism waa xaalad ku timaada qalad ku dhacay hiddaha xiliga bacraminta ukunta hooyada. Waxaa jira noocya kala duwan ay ku dhacaan qaladka hiddaha waxaa ka mid ah akondrobalashia, xaalada tarneka loo yaqaan oo iyadana ah xaalad ku timaada koromosoomyada dumarka oo ka maqan gabadha, sidoo kale hormoonka koritaanka oo ka maqnaanda jirka amaba dhaawac ku yimaaday hidda wadaha.

Waxaa jira sababa badan oo keena xaaladaan ku dhacda dadka gaagaaban taas oo ka timaada nafaqo xumo qaladadd ku yimaada hiddaha.

Waa maxay astaamaha Duwaarfisim?

Gaabnaan lagu arko amaba koritaanka lafaha oo dib u dhac ku yimaada waxaa sidoo kale jira astaama badan oo ay ka mid yihiin

Duwarfism isku xaddi ahayn

Inta badan dadka qaba duwaarfisimka ayaa astaanta lagu arko ay tahay gaabnaan, laakiin gaabnaanta ayaa ah mid ku timaada gacmaha iyo lugaha oo xabadka oo aan isla sinany oo aan isku xaddi ahayn. Noocaan duwarfisimka ah ayaa xubanaha jirka ayaa noqan kuwa isku dheelitiran isla markaana isku xaddi ahayn.

Inta badan dadka qaba nooca duwarfism isku xaddi ahayhn ayaa wax dhib oo caqliga ah qabin. Hadii ay dhacdo in dhibaato xaga maanka amaba maskaxda ku timaado ,ayaa loo aanayn karaa sababa kale ee aan waxba ku lahayn.

Duwaarfisim nooca ugu badan waxaa la yiraahdaa askondarbalaashiya, waxa astaan u ah in xubnaha lafaha jirka ayna dheelitirnayn.

Duwaarfismka dheelitiran

Duwaarfisimka noocaan ah ayaa ka timid xaalad caafimaad oo soo muuqatat xixliga dhalmada amaba waqtiga caruurnimada, taa oo xakamaysa koritaanka guud ahaan. Sidaas ahaan madaxa, gacmaha iyo xubnaha kale ee lafaha jirka ayaa si qiyaas ah iskula ek amaba isku si u wada kora. Badankood ayaa ah natiijo ka timid xubno kale ee jirka.

Hormoonka koritaanka oo yaraada ayay ka dhalataa noocan duwaarfisimka ee dheelitiran.

Qaab nooceedkaan duwaarfisika dheelitiran ayaa ah mid dhashay marka qanjirka bituraiga oo ka habsaamo soo saarida hormooka koritaanka, kaas oo muhiim u ah koritaanka jirka xiliga caruurnimada .

Astaamaha qaar ee lagu garto noocaan waxaa ka mid ah

  • Dhirirka oo ka hooseeya xadiga caadiga u ah dhalaanka
  • Koritaanka oo ka hooseeya dhalaanka da’daas ah
  • Dib u dhac amaba gaabis ku yiomaada qaangaarnimada

Talo

Waxaa la ogayahy amaba muuqata sida ay caruurtaan ku korayaan iyo bayada ay ku korayaan ina ay u baahan tahay taxadar iyo latacaalid kabadan canuga ku dhashay sida cadiga ah. caruurta amaba waalidka dhalay waxa uu u baahan yahay in uu la tashado niyadana u dhiso caruurtiisa , iyadoo ay muhim tahay in had iyo goorba la tix galiyo rabitaanka qofka lana ogyahay in maskaxdooda ay taan tahay wax dib u dhac ahna amaba ayna ka gaabin sida caaadiga ah, waxaa haboon in la ogaysiiyo ,lana tashado xaaladooda caafimaad.

Qofka ku dhasha gaabnaantaan ee duwaarfisimka ma aha mid la daweyn karo , lakiinse waxa suurta gal ah in qofka uu ubaahdo qaliin ku aadan neerfaha taa o lagu maareynayo marinada lafdhabarka ee neerfaha hoosna loogu dhigayo xanuunaada had iyo jeer ku yimaada qofka .

Hooyo iyo Aabo waxaa mahiim ah inaa aad la tashataan dhaqtarkiina caafimaad iyo kuwa taqasuska u leh xaaladan si aad ugala tashatan sida ugu haboon ee lagu maareyn karo. Waa muhiim fayow-dhowrkiinna iyo ka caruurtiinna inaa aad ilaalisaan.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *