Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Sare U Qaada Hamiga Kacsiga Ee Haweenka

Casharkan waxaan ku soo qaadanaynaa habab dabiici ah oo lagu kobcin karo doonista jinsiga ee dumarka.

Inkasta oo aysan jirin fiyaagro loogu talo galay dumarka sida fiyaagrada ragga, haddana waxaa jira dawooyin dabiici ah oo geli kara beddelka fiyaagrada kuwaas oo sare u qaada kacsiga iyo doonista jinsiga ee dumarka taas oo ka dhigaysa kulanka sariirta mid xiiso leh.

Geedka maka (maca root):

Geedka maka waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Peru, waa geed ku caan baxay inuu yahay dawo dabiici ah oo siyaadisa doonista jinsiga ee dumarka. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, geedka maka waxa u kobciyaa hammiga kacsiga iyo howsha galmada.

Cunnooyinka kordhiya doonista jinsiga:

Cunnooyinka qaarkood sida shukulaatada madow, miraha afakaadhada, toonta iyo basbaas qajiga waxa ay si dabiici ah u kordhiyaan doonista jinsiga.
Waxaa ku jira maadooyin dhiirrageliya soo saarista maadooyinka “endorphins” islamarkaana kordhiya dareenka fayow-qabka taas oo ka qayb qaadata sare u qaarista hammiga kacsiga.

Vitex:

Sida oo kale waxaa loo yaqaannaa “chasty berry”, waa dhir caawisa nidaaminta hormoonnada dumarka. Hormoonnada oo la isku dheellitiro waxay raad togan ku leedahay fayow-qabka galmada, waxayna yareysaa astaamaha isbeddelka niyada ee caadada ka hor taas oo wanaajinaysa hammiga kacsiga.

Jimicsiga Kegel (kegel exercise):

Ha dhayalsan awoodda jimicsigu uu u leeyahay kobcinta hamiga kacsiga. Jimicsiga Kegel wuxuu ka caawiyaa murqaha minka ka hooseeyo, kaadihaysta iyo malawadkaba in ay adkaadaan, isagoo wanaajiya qanaacada galmada.

Check Also

cuntooyinka koritaanka caruurta,

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *