Waxyaabaha Caqabada ku ah Horumarkaaga QEYBTA 2-AAD

Waxaan qaybtii koowaad kaga hadlay caqabadaha kaaga yimaada dibada balse maanta waxaan diirada saaraynaa bal in aan wax ka ogaano qaar kamid ah caqabadaha uu qofku abuurto.

? Qiima u yeelo wakhtigaaga.

Waxaa muhiim ah in aan ogaano hadii aad aragto dad waxay ku haminayeen ka guul gaaray waxa ay qiima u yeeleen wakhtigooda.

Hadaba dhibta jirta waxa ay tahay hadii qofku uusan qiimo lalahayn wakhtiga waxuu qofkaa ku noolaadaa noolal aan lahayn qorshe, qorsha la’aantuna waxay qofku ku keentaa inuu maamuli kari waayo wakhtigiisa.

Hadii mar aadan maamuli karin wakhtigaagana taasi waxay kugu kaliftaa wixii kaa horyimaadaba in aad samayso, adigoon iswaydiinayn, waxaan aan qabanayo ma wax ka qayb qaadankara inay igu caawiyaan in aan gaaro halka aan hiigsanayo mise waa wax wakhtiga un iga qaadanaya.

Hadaba si aad wakhtigaaga u maamusho waxaa muhiiim ah in aad samaysato jadwal maalmeed wakhtiyaysan oo aad raacdo, ka hor inta aadan seexan waa in aad qorotaa waxa aad doonayso in aad qabato haduu waagu kuu baryo. Tusaale, waxa haboon inaad iswaydiisu sadex su’aalood.

1. Maxaan qabanayaa ?

Halkaan waxaad ku qorotaa dhammaan hawlaha aad doonaysid inaad qabato maalintaa.

2. Xiligeen qabanayaa ?

Waa in aad hawl kasta u samaysaa wakhti go’aan oo aad bilawdo iyo wakht go’aan oo aad ku joojiso. Sidoo kale waxaa wanaagan hawlaha muhiimka ah inaad soo hormariso.

3. Sideen u qabanayaa ?

Si’ hawlaha aad qabanayso ay kuugu sahlanaadaan waa in aad halkaan ku diyaarsataa wadooyinka aad doonayso in aad u marto iyo natiijada aad doonaysid in aad maalintaa ka gaarto.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad xadayso waxyaabaha lagu madadaalo, maxaayeelay wakhtiga waxa ugu wayn ee dayaca waa madadaalo sidaa awgeed wax yaabaha lagu madadaalo waa in aysan noqon waxa aad u noolaato balse ha noqdaan wax aad inyar kaga nasato howsha adag ee aad qabato.

Dhalinta Maanta

facebook.com/dhalintamaanta

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *