Waxyaabaha Caqabada Ku Ah Horumarkaaga QAYBT 1-AAD

Waxaan halkaan idinkula wadaagayaa waxyaabaha kaa hortaagan inaad ka dhabayso riyooyinkaaga oo u baahan in aad wax ka badasho.

Ku soo dhawoow qaybta koowaad.

1. Wax ka badel dadka kugu heeraarsan.

Run’aantii waxaa aad u adag in aad badasho dadka dabeecadahoodu balse waxaad awoodaa in aad adiga kala doorato dadka aad soo dhawaysanayso cida ay noqonayaan.

Hadii wakhtigaaga ugu badan aad la qaadato dadka sida khaldan noolasha u fasirtay oo wax waliba kaaga dhiga wax adag oo aan laga guul gaari karayn, waxaad ogaataa dadkaas waa dadka hoos kuu dhigaya ee aad la hurumari la’dahay.

Sababtuna waxa ay tahay hadii aad hesho fikrad wanaagsan oo noolashaada wax ka badali karta dadka aad la wadaagayso waa dadka kugu heeraarsan ee aad isleedahay waxaad ka helaysaa talo ama tusaale ku caawiya balse haday kugu noqdaan dad marwaliba ku niyad jabiya oo marwaliba ay u muuqato waxa aad ku liidato oo aan aaminsanayn in aad wax noqon karto, oo xitaa hadii ay arkaan adigoo wax isku dayaya halkay kugu taageeri lahaayeen kugu ceebeeya, oo jecel in ay ku soo xusuusiyaan khaladaad horay kaaga dhacay si aad ugu quusato inaad fuliso go’aamada aad qaadatay.

Xaqiiqdii way adag tahay in aad gaarto halka aad hiigsanayso hadii aadan ka foojignaan cida aad aragtidaada la wadaagayso misana aad talooyinka ka qaadanayso waayo mararka qaar waxaa dhacda dadka aan aaminsanayn in aad wax noqon karto inayba noqdaan qoyskaaga , asaxaabtaada, macalimiintaada , amaba dad aad aragtidooda iyo talooyinkooda tixgaliso.

Hadaba waa in aad noqotaa qof kala shaandhayn kara ( kala sooci kara ) fikradaha waanagsan ee kugu caawinaya in aad gaarta halka aad hiigsanayso iyo kuwa khaldan ee sabab u noqonaya in aad ka quusato waxa aad hiigsanayso.

Sidoo kale waxaa haboon in aad soo dhawaysato dadka aragtida wanaagsan noolasha ka haysta oo aaminsan wax waliba in ay suurtagal tahay in laga guul gaaro, oo sida wanaagsan u fikira , oo hadaad gafto aan ku ceebayn balse ku garab istaaga oo ku caawiya, oo kugu xushmeeya aragtidaada qof ahaaneed.

Ugu dambayntii waxaan ku leeyahay marnaba ha dhagaysan dadka kugu dhahaya
” waad riyoonaysaa ama uma qalantid ama tayadeeda ma lihid ama kugu dhahaya waxaa waa loo dhashaa ama kugu dhahaya waxaa waa wax adag. ”

Hadalada noocaan oo kale ah waa sheeko dadka isdhiibay lagu qanciyay balse adigu isku day iyaga oo ku dhahaya ma awoodid, in aad samayso waxa ay ka baqayaan, waxaan hubaa beri in ay kugu xushmayn doonaan aragtidaada iyo go’aamada aad qaadato .

Waa in aad aamintaa wax kasta oo qof bani aadam ah samayn karo adna in aad samayn karto maxaayeelay adba bani aadamka ayaad ka mid tahay.

Mahadsanid.
Lasoco qaybta labaad ….

By: Dhalinta Maanta

www.facebook.com/DHALINTAMAANTA

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *