Sababaha Keena Kacsi La’aanta Iyo Hababka Loola Tacaali Karo

kacsi la'aanta raga, kacsiga

Kacsi la’aanta raga ku timaada waxaa loo yaqaannaa “Erectile dysfunction“, xaaladaan waxay timaadaa marka ninka uu heli waayo kacsi amaba uusan xaji karin kacsi ku haboon galmo, xaaladaan ma ahan mid caadi ah iney dhacdo xittaa ninka hadu jiro da’ yar am mid weyn, weyna ka duwan tahay xaaladaha kale ee cillad ku keena galmada, sida damac la’aanta galmada, ama ciladaha saameeya biya bixida raga.

Ma wax caadi ah baa iney cilad ku timaado kacsiga ninka ragga?

Xaaladaan ayaa si joogta ah ugu dhacda 5 boqolkiiba ragga jira 50 sano, 15 ilaa 20 boqolkiiba waxay ku dhacdaa ragga jira 65 sano iyo ka badan. Laakin ragga oo dhan waxay dareemaan kacsi la’aan xili yar soo ifbaxda mararka qaar, laakin waa kacsi la’aan jirta mudda gaaban, waxaana sababa daal badan, wal wal badan iyo cabidda khamriga.

Kacsi la’aan ka yar 20 boqolkiiba uma baahna wax daawa ah inta badan, hasayeeshee hadii ay ka badato 50 boqolkiiba waxay tilmaameysaa iney jirto xaalad caafimaad oo ubaahan in wax laga qabto.

Sababaha kacsi la’aanta raga:

Si ninka ragga ah uu uhelo kacsi ku haboon galmada waxaa loo baahan yahay:

  • In dareemayaasha guska ay si wanaagsan ushaqeynayaan
  • In dhiig ku filan uu gaaro wareega dhiiga ee guska
  • In xididada dhiiga ay kuhayn karaan dhiig gudada guska
  • In ay jirto dareen kacsi ee ka yimaado maskaxda

Hadii ay jirto wax fara gelin ku sameyn kara qodobadaas, ninka ragga ah ma heli karo kacsi buuxa oo ku haboon galmo.

Xaaladaha caanka ah ee sababo kacsi la’aanta raga waxaa ka mid ah cudurada saameyn ku yeelan kara qulqulka dhiiga sida:

  • Xididada dhiiga oo xirma
  • Cudurada neerfaha
  • Xaaldo nafsi ah sida walwalka, walwalka shaqada (xishoodlow)
  • Dhaawac soo gaara guska,

Cudurada joogtada ah, waxaa kaloo sababi kara kacsi la’aanta sidoo kale daawooyinka qaar.

Maxaan sameeyaa hadii aan qabo ciladaas ama aan xajin karin kacsiga?

Hadii aad isaga shakisid in aad qabtid ciladaas latasho dhaqtar, dhaqaatiirta waxay sameynayaan baritaano badan si loo ogaado waxa sababaayo ciladaada, mar hadii ay ogaadaana waxaa jiro daawooyin loogu talagalay xaaladaha kala duwan.

Laakin waxaa jira waxyaaba aad ubaahan tahay adiga inaad la socodotid waxaana ka mid ah:

  1. Dareenka ah inaad sameysid galmo wuxuu ka soo bilaawdaa maskaxda ee kama bilaawdo guska
  2. Hadii maskax ay ku mashquul santahay iney xaliso caqabada kale, ma ahan mid suurta gal ah iney ku fikirto galmo
  3. Hadii aad dareentid inaad kacsiga aad gabtay oo aad ka walwashid, waxaa kugu adkaaneysa inaad kacsatid
  4. Hadii shaqada aad qabatid ay tahay mid walwal badan leh waxay maskaxda ka mashquuleysaa amrida kacsiga
  5. Hadii aadan cunin cunno isku dheeli tiran ama aadan cabin biyo kugu filan, jirka waxaa ku adkaaneysa inuu biyo soo saaro
  6. Midda ugu muhiim san ayaa ah inaad ogaatid iney caadi tahay in mararka qaar uu kacsiga lumo, umana baahna inaad ka sii fikirtid ama aad isku walwalisid.

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *