Waxay kuu ciqaabayaan hal qalad aad sameysay

Boqor deegaan badan Madax u ahaa ayaa lahaa Eey duurjoog ah. Wuxuu u isticmaali jiray inuu ku ciqaabo adeegayaashiisa qalad ku sameeya. Mid ka mid ah shaqaalihiisi ayaa siiyay fikrad qalad ah, ka dibna Boqorki ma jeclaysan wuxuuna amray in loo tuuro eeyda si ay u cunaan. Adeegihi ayaa ku yiri, “Waxaan kuu khdimeeyay 10 sano sidan ayaana igu sameynaysaa? Fadlan i sii toban cisho ka horta inta aadan eeyda igu quudin!” Boqorki waa ka aqbalay.
Shaqaalihi wuxuu u tagay waardiyihi halki eeyda ku xareysnayd wuxuu ka codsaday inuu si sir ah eeyda u xanaaneeyo 10 cisho. Maadaama ay isku wanaagsanaayeen waardiyihi waa ka yeelay. Wuxuu bilaabay inuu eeydi quudiyo, nadiifiyo, u qubeeyo, una sameeyo wax kasta uu ku caawin karo.

Tobanki maalmood markay dhamaadeen, Boqorki wuxuu amray in loo tuuro eeyda. Kolki sidaa la sameeyay waxay dhamaan la yaabeen in ay arkaan eeydi cunaaga ahaa oo ninki lugihiisa leef-leefaya! Boqorki ayaa yiri, “Maxaa ku dhacay eeydi?”
Ninki ayaa ugu jawaabay, “Waxaan eeydan u khidmeeyay toban cisho keliya mana hilmaamin adeegaygi. Adigana waxaan kuu adeegayay toban sano waadna hilmaantay wax kasta, waxaana igu ciqaabi lahayd oo si foolxun nafta iiga qaadi lahayd hal qalad aan sameeyay!!”
Boqorki ayaa marki ugu horeysay garwaaqsaday dulmiga iyo xumaantiisa, wuxuuna amray in la sii daayo oo la fasaxo shaqaalihiisi.

Haddii aad kun wanaag ah u sameyso dadka qaarkii waa hilmaamaan, laakiin haddii aad hal qalad sameyso weligood ma hilmaamaan ama waa kugu ciqaabaan.

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *