Wax Ka Ogow Asbaabaha Moosku Ugu Wanaagsan Yahay Ragga

Moosku waa faakiho macaan oo ka mid ah khudaarta dunida loogu isticmaalka badan yahay, Ragga waxa uu u leeyahay faaidooyin badan waxaa ka mid ah ka hortagga bidaarta, kobcinta dhalmada, dejinta sonkorta dhiigga iyo wanaajinta caafimaadka wadnaha.

Mooska waxaa kaa buuxo fiitamiino sida Fiitamiin D, B6, iyo B12, macdanaha sida  potassium, magnesium, manganese, selenium iyo copper, waxuu kaloo qani ku yahay fiber, choline iyo folate.

Mooska waxaa ku jiro maaddo la yiraahdo “FLAVONOIDS” oo disho bakteeriyada gaaska keento, waxaa kaloo ku jira maadooyinka phenolics, biogenic amines, carotenoids iyo phytosterols.

Cudurka Sonkorowga:

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in moosku uu yareeyo halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto mooska oo loo yaqaano “manganese” taasoo muhiim u ah kontaroolista sonkorta jirka.

Biyo baxa deg dega ah:

Waxaa la arkay in caabuqa borastaytka (Prostatitis) uu ku badan yahay ragga qaba biyo baxa deg dega ah. Qolofta mooska ceyriinka ah ayay daraasaduhu muujiyeen inay hoos u dhigto biyo baxa deg dega ah ee uu keeno caabuqa borastaytka.

Kacsi la’aanta:

Moosku waxa uu ka hortagaa kacsi la’aanta, Waxaa uu ka qeyb qaataa in qulqul wareegga dhiiggu uu si fiican u gaaro xubinta taranka.

Dhiig karka:

Dhakhaatiirta ku xeeldheer dhiig-karku waxa ay xaqiijiyeen in moosku uu hodan ku yahay curiyaha Potassium oo qayb libaax ka qaata shaqada wadnaha, sidoo kale moosku waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa nidaaminta wareegga dhiigga, arrimahaas awgeed ayaanay dhakhaatiirtu ku taliyeen in qofka dhiig-karka lihi uu maalin kasta cuno laba xabbo oo moos ah, iyaga oo sheegay in toddobaad gudihii uu isku arki doono dhiiggiisa oo boqolkiiba 10 hoos u dhacay.

Waxa uu wanaajiyaa niyadda:

Dhakhaatiirtu waxa ay dadka kula talinayaan cunista mooska in la joogteeyo, waayo waxaa ku jira borotiinka loo yaqaanno Tryptophan oo masuul ka ah isu dheelli-tirka dheecaannada kiimikaad ee maskaxda, kaalin muhiim ahna ka qaata xakamaynta xaaladaha nafsiga ah ee qofka iyo wanaajinta niyaddiisa. Tryptophan wuxuu ka qeyb qaataa  saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada. Maadaama moosku u wanaajiyo niyadda waxa sare u qaadaa rabitaanka galmada.

Caafimaadka Timaha:

Moosku waxa uu timaha ka joojiyaa go’idda iyo daadashada, waxaana uu la dagaalamaa agoolka tinta.

Dheefshiidka

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheefshiidkane u fiican.

Jimicsiga iyo ciyaaraha:

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in mooska oo guud ahaan caafimaadka u fiicani uu si gaar ah u caawiyo dadka ciyaartoyga kala duwan ah iyo kuwa jirdhiska sameeya. Sababtuna waa maadadda uu hodanka ku yahay ee Bootaasiyamta loo yaqaanno oo xoojisa habsami u shaqaynta muruqyada. Sida oo kale sonkorta mooska ku jirta ayaa uu qofka jimicsiga samaynaya ama ciyaartoygu ka helayaa tamar u buuxisa kaalinta tamarta jidhka ka baxaysa.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *