Wax Ka Ogoow Faa’iidooyinka Caafimaad ee Laga Helo Galmada Joogtada Ah

galmada joogtada ah, galmada badan

Galmadu waxay leedahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan, Waxaa laga helaa farxad iyo xasilooni, waxaynaa kordhisaa kalgacalka lammaanaha isqaba.

Xoojinta awoodda maskaxda:

Galmadu waxay kor u qaadaa awoodda maskaxda sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay wadanka Scotland, galmada joogtada ah ayay khubarada daraasadaan sameeyay ay sheegeen inay kor u qaado xusuusta iyo awoodda maskaxda sababtuna waa inay caawiso in qulqul wareegga dhiigga uu gaaro maskaxda.

Hoos u dhiggidda isku-buuqa:

isku-buuqa waxaa lala xiririiyaa dhibaatooyin badan oo caafimaad sida wadne qabad iyo goonjabka ama dhanjafka. Galmo joogto ah oo la sameeyo waxay hoos u dhigtaa isku-buuqa, galmada waxaa laga helaa deggenaan iyo istareex. Xilliga galmada maskaxdu waxay soo daysaa hormoonka Serotonin oo wanaajiya niyadda iyo dareenka qofka.

ka hortagga hurdo la’aanta:

Weli ma isweydiisay sababta dadka qaar ay horay uga gam’aan galmada kadib? isku-tagga lamaanaha kadib jirku waxa uu soo daaya hormoonnada Oxytocin and Prolactin kuwaas oo keena qofku inuu dareemo raaxo iyo istireeex, sidoo kale waxay yaraysaa heerka hormoonka cortisol oo keena welwelka. Hormoonnadan uu jirku soo daynayo galmada kadib ayaa keena inuu qofku dhaqso u gam’o islamarkaana uu hurdo wacan seexdo.

Kaar-Jebinta:

Galmadu waxay soo deysaa walxaha loo yaqaanno ”endorphins” oo faaidooyinkooda ay ka mid tahay inay u shaqeeyaan xanuun baabi’iyayaal oo kale. Walxahaan waxay ka hortagaan inuu qofku dareemo xanuun jireed.

Kalgacalka lamaanaha:

Xilliga galmada maskaxdu waxa ay soo daysaa hormoonka jacaylka ee loo
yaqaanno “Oxitocin”, waa hormoon la soo daayo badanaa xilliga galmada, xilliyada foosha iyo naas nuujinta, wuxuu kaloo xiriir la leeyahay, jacaylka, kalsoonida, galmada iyo xiriirka wanaagsan.

Maadaama uu aad u siyaado xilliga hab la isa siinayo ama xilliga galmada, sidaas ayaa loogu magac daray hormoonka jacaylka.Hormoonkaan waxaa soo daayo qanjir ku yaallo maskaxda, ragguna way leeyihiin, laakiin haweenka ayuu aad ugu badan yahay. Hormoonkan waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan oo ka mid tahay inuu ka qayb qaado kobcinta caafimaadka wadnaha.

Caafimaadka wadnaha:

Cilmi baaris sameeyay machad Mareykan ah ayaa lagu soo bandhigay in galmada joogtada ah ay u fiican tahay caafimaadka, khaasatan difaaca cudurrada wadnaha. Cilmi baarista oo lagu sameeyay rag ka badan 1000 qof ayaa lagu soo bandhigay in ragga ugu yaraan 2 goor isbuucii galmooda ay yartahay khatarta ay ka soo wajihi karto wadna xanuunka.Iyadoo ay horay khubarada caafimaadku u caddeeyeen in galmadu caafimaadka guud u wanaagsan tahay ayaa cilmi baaristaan cusub waxay si gaar ah muujinaysaa muhiimaddu ay galmadu u leedahay caafimaadka wadnaha.

Check Also

cuntooyinka, casho, cashada

10 Cunto Oo Ay Qalad Tahay In Lagu Casheeyo Iyo Sababta Caafimaad Ee Loo Diidayo

Bismillahi, waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *