Wax Ka Ogoow Cuntooyinka Lagu Xoojiyo Caafimaadka Iyo Awoodda Maskaxda

In qofku uu cuno cunto isu dheelli tirani waxa ay qayb libaax ku leedahay guud ahaanba xaaladdiisa caafimaad. Cuntada waxaa ku jira, nafaqooyin, barootiinno, Faytamiinno, macdanno iyo maadooyin aan tiro lagu soo koobi karin oo waxtar weyn u leh caafimaadka guud ahaan jidhka iyo gaar ahaan qaybihiisa kala duwan.

Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa cuntooyinka ay ku jiraan maaddooyinka faa’idada gaarka ah u leh maskaxda waxa aanay kala yihiin:

Kalluunka:

Kalluunka waxaa laga helaa dufanka caafimaadka u roon ee “Omega 3” kaas oo muhiim u ah shaqada maskaxda, wuxuuna yareeyaa xanuuno badan oo maskaxda saameeyo, waxayna dhakhaatiirta ku taliyaan si faa’idadaas jirka u helo in usbuuciiba hal mar ama laba jeer la cuno kalluun.

Bunka (kafeega):

Bunku waxa uu xoojiyaa xusuusta, Waxa uu yareeyaa khatarta xanuunka qallalka gariirka wata keena ee Parkinson’s oo burburiya habdhiska neerfaha qofka. Unugyada maskaxda ayaa ku guuldarraysta in ay soo daayaan xaddiga loo baahan yahay ee maadadda kiimikaad ee Dopamine. Xaaladaha uu xanuunka Parkinson’s keeno waxaa ka mid ah dhibaato dhinaca dhaqaaqaaqa jidhka ah, gariir xoog badan, iyo maskaxda oo awoodi kari weyda in ay isku xidho xarakaadka ay xubnaha jidhku samaynayaan.

Rummaanka:

Daraasad lagu sameeyay dad waayeel ah oo ka cabanayey xasuus yari ayaa lagu tijaabiyay cabitaanka miraha rummaanka, waxay diraasadu sheegtay in isbadal weyn lagu arkay, taasoo rummaanka ku tirinayso geedaha lagula tacaalo xasuus yarida iyo hilmaanka ay duqnimada keento.

Beedka (ukunta:

Beedka qaybtiisa fadhida ee midabka huruudda ah leh ayaa ah cuntooyinka kuwooda ugu badan ee laga helo curiyeyaasha nafaqo ee caafimaadka u fiican. Waxaa ku jira faytamiin ‘B’, waxa kale oo laga helaa isku dhiska ‘Choline’ oo jidhka ka yareeya nabarowga iyo kaarka, wanaajiya shaqada neerfaha isla markaana caawiya koritaanka iyo korukaca maskaxda. ‘Choline’ waxa ay kor u qaaddaa soo saarista hormoonnada farxadda iyo raynraynta sababa ee Serotonin iyo Dopamine. Dumarka uurka leh ayaa iyagana lagula taliyaa in ay beedka cunaan.

Shukulaatada Madow:

Shukulaatada madow ee laga sameeyo geedka cocoa-ga waxay wanaajisaa qulqul wareegga dhiigga ee maskaxda taas oo shaqada maskaxda iyo foojignaanta. Daraasado sameeyay ayaa lagu arkay in cunista shukulaatada madow oo la joogteeyo ay hoos u dhiigto niyad jabka iyo walwalka.

Shaaha Cagaaran:

Cabbista shaaha cagaaran waxay kordhisaa foojignaanta iyo shaqada maskaxda. Waxaa shaaha cagaaran ku jirta maado lagu magacaabo “L-theanine” oo kor u qaada shaqada dareen gudbiyaha loo yaqaanno “GABA” kaas oo la dagaallama walwalka. Shaaha cagaaran wuxuu yareeyaa xanuunada laleemada iyo hilmaanka keeno sida Parkison’s iyo Alzheimer’s disease, waa xanuuno ku caan baxay hilmaan iyo xasuus la’aan ku dhacda dadka da’da ah.

Afakaadhada:

Afakaadhada waxaa ka buuxo dufanka caafimaadka uroon, waxay yareysaa walwalka, diiqada, iyo cilladaha maskaxda. Maadada folate ee ku jirta afakaadhada waxay ka hortagtaa niyad jabka.

Muuska cagaaran (plantain):

Waxa uu wanaajiyaa niyadda, Dhakhaatiirtu waxa ay dadka kula talinayaan cunista muuska cagaaran, waayo waxaa ku jira DNA loo yaqaanno Tryptophan oo masuul ka ah isu dheelli-tirka dheecaannada kiimikaad ee maskaxda, kaalin muhiim ahna ka qaata xakamaynta xaaladaha nafsiga ah ee qofka iyo wanaajinta niyaddiisa.

Lawska:

Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano “brain food” sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano “niacin” kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano “resveratrol” kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiyo qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.

Saliid Saytuun:

Saliid Saytuuntu waxa ay xoojisaa caafimaadka maskaxda waxa aanay ka hortagtaa in fahamka iyo awoodda garasho ee maskaxdu hoos u dhacaan marka uu qofku weynaado.  Waxa kale oo ay saliidda Saytuuntu xoojisaa xusuusta iyada oo ka hortag fiicanna u ah xaaladaha nafsiga ah ee qulubku ka mid yahay.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *