Asbaabaha Keeno Kacsanaanta Ama Bararidda Xididada Wajiga Iyo Cilladaha…

Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa kacsanaanta ama bararidda xididada wajiga khaasatan dhinacyada ama dhafoorrada.

Sida aan wada ognahay, xididada waxaa loo qeybiyaa laba nuuc, mid dhiigga xubnaha geeyo, loona yaqaano halbowle “Artery” iyo mid dhiigga ka soo celiyo xubnaha loona yaqaano arooriye “Veins”.

Bararidda Arooriyaasha Wajiga:

Xididada badanaa wajiga ka soo muuqdo labadaas mid ayay noqon karaan, haddii aan ku bilaabo bararidda arooriyaasha wajiga waxaa ku timaadaa dhowr arrimood oo kala ah:

Duqnimada:

Qofka markuu waayeel noqdo, maqaarkiisu wuxuu noqdaa khafiif, dufanka jirkiisa ku jirtane way yaraataa sidaa darteed waxaa soo muuqdo xididada maqaarka hoostiisa mara, taasi wax dhib ah maahan, daawane uma baahno, qofkane wax dhib ah kuma hayso.

Miisaan yarida / caatannimada:

sidoo kale caatannimada ama nafaqo darrida waxay keentaa in dufanka wajiga ay baaba’do, qofkane uu yeesho gooman ama lafaha daanka ay soo muuqdaan, meesha dhafoorkane ay god noqoto, sidasne ay xididadaas arooriyaasha ku soo muuqdaan, tan xalkeedu waa inuu qofka is nafaqeeyaa, miisaankiisane wax ku daraa.

Welwelka iyo kacsanaanta:

Midda ugu badan ee keenta inay xididada marne soo muuqdaan, marne qarsoomaan waa stress-ka, welwelka, cabsida, fakarka badan, waana sababta ay aad ugu soo baxaan xilliyadaas, ka hortaggeedu waa inuu qofka hurdo ku filan helaa, hadduu stress qabane dhakthar la xiriiraa si daawo looga siiyo, hadduu balwad isticmaalane uu ka fogaadaa sida sigaarka iyo jaadka.

Dhiig-karka:

Markuu cadaadiska dhiigga sare u kaco, xidiada waxaa ka buuxsamo qulqulka dhiigga, taas ayaana keento inay xididadaas soo muuqdaan, qofka hadduusan horay iskugu ogayn bararka xididadaan waa inuu dhiigkarka iska cabbiraa si arintaas looga shakki baxo.

Madax xanuunka:

“Tension Headache” waa nuuc ka mid ah madax xanuunka, wuxuna badanaa ka dhashaa kacsanaanta murqaha wajiga iyo qoorta, wuxuu xiriir weyn la leeyahay stress-ka, waxaa lagu yaqaanaa madax xanuunkaan in xididada dhafoorka inay kacaan, haddii qofka qoorta iyo wajiga loo daliigo, bararka xididada way qarsoomaan, qofkane nafis ayuu dareemaa.

Hurdo yarida:

Hurdada iyo soo jeedka badan waxay keentaa kacsanaanta dareensidayaasha jirka, taasian waxay ka qeyb qaadataa inay xididada wajigaaga soo muuqdaan, waxaa taasi lagu xallin karaa inuu qofka helo hurdo ku filan.

Xanaaqa:

Wuxuu si ku meel gaar ah u soo muujiyaa xididada wajiga wajiga iyo margiyada markuu qofka xanaaqo, taasina waa isbadal dabiici ah oo jirka ku dhaco maadaama cadaadiska dhiigga uu kaco xilligaas.

Uurka:

Isbadallada ku dhaca jirka hooyada uurka leh waxaa badanaa sabab u ah heerka hormoonada jirkeeda oo isbadala, hormoonka estrogen iyo progesterone waxay waasiciyaan, dabciyaanne arooriyaasha jirka sidaa darteed waxay hooyooyinka qaar isku arki karaan xididada maqaarka hoos mara inay soo muuqdaan xilliga uurka, taasina waa arrin kumeel gaar ah, wax dhib ahne ma keento.

Cadaadiska feeraha:

Dadka qaar markay aad u qoslaan, hindhisaan ama matagaan ama jimicsi sameeyaan, waxaa cadaadis soo fuula xididada waaweyn ee qalfoofta feeraha ka hooseeya, taasina waxay keentaa in xididada wajiga soo muuqdaan, taasi waa arrin dabiici ah, mana ahan wax laga welwelo.

Burada dhuunta (Goiter):

Bararka qanjirka thryoid-ka iyo burooyinka kale ee dhuunta ka soo baxo waxay cadaadis saaraan xididada qoorta taasina waxay keentaa in xididada wajiga inay bararaan, weliba markuu qofka fooraarsado, haddii qofka calaamadahas isku arko waxaa haboon inuu dhakhtar la xiriiro khaastan haweenkeena aad ayay ugu badan tahay.

Balbalka Halbowlaha Dhafoorka (Temporal Arteritis):

Cilladaan waxaa badanaa lagu arkaa dadka da’ dhaxaadka iyo duqowda, waa cillad aan badanaa lagu baraarugsaneyn, madax xanuun ahaanne badanaa loo daaweeyo, waxay cilladaan ka dhalataa halbowlaha dhafoorka ee loo yaqaano “Temporal Artery” inuu jirrado ama balbalo, taasi waxay keentaa madax xanuun siyaado ah lagana dareemo illaa daanka, aragga isha oo daciifto, qandho, danqasho ama xanuun basada ah iyo daal badan, cilladaan waa in si dhakhso ah loo daaweeyaa si loo siiyaa daawo loogu tala galay si aragga sii daciifayo loo badbaadiyo, sababtoo ah xanuun baaba’iyeyaasha caadiga ah wax wayn kama taraan xanuunkaan.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

-Somalidoc

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *