Henry Miller (1891 – 1980):
waa qoraa iyo farshaxan qoray in ka badan 80 buug oo u badan sheeko-faneed iyo waayo u joog.
Miller waxa uu caan ku ahaa habqoraal uu isagu curiyey, laakiin dabadii qoraayo badani isticmaaleen. Waxa uu ka baydhay hannaankii qoraal ee soo jireenka ahaa, waxa aanu curiyey hab isku badhaxa sheekada, taariikh-nololeedka, naqdiga bulsho, hab-fikirka falsafadeed iwm. kuwaas oo hortii si gaar ah loo kala dhigi jiray.
Sannadkii 1932, Henry Miller waxa uu qoray talooyin muhiim ah oo qofka doonaya in uu qoraa noqdo caawinaya.
1. Mar kasta hal shaqo qabo oo illaa aad dhammayso mid kale ha bilaabin.
2. Shaqadaadu ha noqoto mid ku salaysan qorshe ee yaanay noqon mid isla bedbeddesha xaaladdaada nafsadeed iyo hadba sida ay niyaddaadu tahay.
3. Waqti go’an shaqadaada bilow, waqti go’anna dhammee, xitaa haddii aad mararka qaarkood dareemayso in aanad xiise badan u haynin.
4. Ha sugin in laguugu ilhaamiyo waxa aad qorayso, ku dadaal joogtaynta, xitaa marka aad dareemayso in aanad awoodin in aad waxsoosaar samayso.
5. Ha ka go’in bulshada, ku dadaal aragtidooda iyo kulankooda, tag meelaha dadweynuhu isugu yimaaddaan, una dhugmo yeelo waxa hareerahaaga ka socda.
6. Marka aad wax qorayso ha ka fikirin waxa aad ku qori doonto bogagga kuu qorshaysan in aad dhammaystirto, balse xoogga saar ka fikirka bogga aad dul joogto ee qoraalkiisu kuu yaallo hadda.
7. Weligaa naftaada wax u qor, ka hor inta anad dadka kale u qorin. Inta aanad ka fikirin dadku sida ay u arki doonaan qoraalka, balse ka fikir dhadhanka uu adiga kuu samaynayo.
1. Qoraagii weynaa ee Leo Tolstoy oo u dhashay dalka Ruushka, ayaa isaguna aragtidiisa ka dhiibtay tallaabooyinka ay tahay in uu qaado ruuxa doonaya in uu yeesho caado ka caawisa qoraalka.
“Waxaa waajib ah in aan maalin kasta wax qoro, ma’aha in aan u qorayo in aan shaqadan ku guulaysto, balse waa waa in aanan ka bixin caadadayda ah joogtaynta” ayaa uu yidhi.
2. Qoraagii Ingiriis ee Charles Dickens ayaa isaguna caan ku ahaa caadada ah joogtaynta. Wiilkiisii curad oo waraysi siiyey shabakadda buuggaagta ee Bookishelf, waxa uu sheegay in Dickens uu lahaa saacado go’an oo uu si joogto ah wax u qoro. Isaga oo aaminsanaa in joogtayntaas saacadaha go’ani ay maskaxdiisa ku tababarayso, in ay godlato saacaddii shaqada qoraalka ay lahayd, taasina ay caawinayso in uu wax badan qoro.
Waxaa la sheegay saacadaha uu shaqada qoraalka ku guda jiro, haddii uu cunto ama nasasho yar u soo baxo, in uu iska ilaalin jiray in xitaa uu sheeko iyo hawl kale galo, si aanay maskaxdu u gaagixin.
Maalintii waxa uu qori jiray laba kun oo erey, marka laga tago mararka ay wax badani ku soo maaxaan ee qoraalku u furmo oo uu gaadhsiin jiray illaa 4 kun oo erey.
Si kastaba ha ahaato ee waxa dhici jirtay in maalmaha qaar ay maskaxduba soo rogan weydo ereyo, waqtiguna ka dhaco isaga oo aan waxba qorin. Waxa se yaab leh in maalmahaas xitaa aanu ka baydhi jirin caadadiisa. Inta uu qolkiisa fadhiisto ayaa uu qalinka gacanta ku hayn jiray oo hadba wax qori jiray, haddana dib u jeex-jeexi jiray warqaddaas.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
https://www.facebook.com/marjaankam