Wax Ka Baro Caadooyinka Qoraayo Magaca Ku Helay Dhigaalka, Qeybtii 1-Aad

Haddii aad raadinaysay talo kugu hagta in aad noqoto qoraa waxsoosaar badan leh, wax badan ayaad ka baran kartaa cadooyinka maalinlaha ah ee dadkii magaca ku helay dunida qoraalka.

1. Stephen King (1947 –– Nool)

Waa qoraa Maraykan ah oo soosaaray in ka badan 50 buug. Buugtiisa waxaa laga iibsaday in ka badan 350 milyan oo nuqul, badankoodana waxaa laga sameeyey filimo aad loo xiiseeyey, waxaa ka mid ah filimada ‘The Shining, IT, iyo Shawshang Redemption.

Mar la weydiiyey sida uu ugu guulaystay, 40 sanno oo uu qoraalka waday in uu soo saaro 51 buug?

Waxa uu ku jawaabay in waxa caawiyey uu yahay jadwalka uu dejistay iyo caadada uu u maray qoraalka. Taas oo ah in uu isku waajibiyey in maalin kasta uu qoraalka ka shaqeeyo 3 ama 4 saacadood oo uu qoro 6 bog oo keliya, laakiin uu noqdo qoraal illaa xad saxartiran.

“Haddii buuggu uu noqonayo 360 bog, marka aan qorshahan ku socdo, muddo 2 bilood ah ayaa aan ku dhammaysitrayaa. Dabcan waa marka aynu ka soo qaadno in amuuruhu u socdaan sida aynu qorshaynay” ayaa uu yidhi Stephen.

Waxa uu sheegay in ay caawiyeen laba dabeecadood oo uu is leeyahay waxa ay ka mid yihiin sababaha maskaxdaadu dulqaadka ugu yeelatay qoraalka, una godlato;

– in aanu bed-beddelin kursiga uu maalin kasta ku fadhiisto iyo xitaa halka uu ka yaallo qolka,

– in waraaqaha iyo agabka kale ee uu isticmaalayo uu dhigto meel keliya oo aanu bed-beddelin.

Labadan dabeecadood ayaa uu sheegay in ay caawinayaan in maskaxdu ay la qabsato duruufaha shaqo ee ay qabanayso maalin kasta, si ay uga badbaado isbeddello joogto ah oo maskaxda mashquuliyaa.

Stephen waxa uu ku dooday shaqo yar oo la joogteeyo iyada oo hab keliya loo marayo qabashadeedu, in ay maskaxda u diyaarinayso joogtaynta, kuna tababarayso in shaqadan ay sideeda u gudato.

2. Haruki Murakami (1949 –– Nool):

Waa qoraa u dhashay Jabbaan oo buggaagtiisa iyo qoraalladiisu ay ka mid yihiin kuwa loogu iibsiga badan yahay dunida oo dhan. buuggaagtiisa oo soddoneeyo ah qaarkood waxaa lagu turjumay illaa 50 af, waxaana laga iibsaday malaayiin nuqul, tusaale ahaan dalka Maraykanka oo keliya ayaa lagu iibsaday in ka badan 2.5 Milyan oo nuqul.

Haruki Murakami oo abaalmarinno kala duwan oo caalamiya ku helay qoraalka, waraysi uu 2004 siiyey majaladda ‘Paris Review’ waxa uu ku sheegay in ‘joogtaynta iyo ku celcelintu’ ay yihiin caadadiisa seeska u ah guushiisa. “Marka aan ku jiro hawshan buug qorista, waxa aan toosaa afarta subaxnimo, kaddib waxa aan shaqeeyaa 5 illaa 6 saac. Marka duhurka la gaadho waxa aan sameeyaa jimicsi socod 10 kiiloomitir ah, ama dabbaal 1500 oo mitir ah. Kaddib waqti aan badnayn ayaan wax akhriyaa … habeenkiina sagaalka ayaa aan furaashkayga tagaa” ayaa uu yidhi.

Haruki waxa uu sheegay in caadadaas qoraal uu joogteeyey maalin kasta, taas oo si yaab leh uga caawisay in maskaxdiisu ay fikirka ku sii xeeldheerato, waqti koobanna uu wax badan ku soo saaro.

3. Ernest Hemingway (1899 – 1961):

American writer Ernest Hemingway (1899 – 1961) working at a portable table while on a big game hunt in Kenya, September 1952. (Photo by Earl Theisen/Getty Images)

Waxa uu ahaa saxafi iyo qoraa u dhashay Maraykanka oo leh 15 buug oo u badan sheeko-faneed iyo sheekooyin gaagaaban.

Hemingway oo ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee ‘1954 Nobel Prize in Literature’ ayaa waraysi uu 1954 kii siiyey majaladda Paris Review, waxa uu ku sheegay joogtaynta shaqada qoraalka ee uu caadada ka dhigtay, inay tahay sababta uu waxsoosaarkiisu u batay.

Isaga oo ka hadlaya waqtiga caadada u ah in uu wax qorana waxa uu yidhi, “Marka aan ka shaqaynayo buug ama sheeko, qoraalka waxa aan bilaabaa subax kasta waqtiga ugu horreeya ee qorraxdu dacalka la soo baxdo. Waqtigaas cidi kuma mashquulinayso, hawaduna waa qabow, sidaas awgeed qoraalka ayaad dugsanaysaa”

Waxa uu sheegay in caadadiisu ay tahay inuu wax qoro 6 subaxnimo illaa 12 ka duhurnimo, laakiin haddana qoraalka aanu joojin illaa uu gaadho meel uu si fiican u sii garanayo ama ay maskaxdiisu sawir buuxa ka haysto, waxa uu maalinta xigta qori doono iyo halka uu ka sii ambaqaadi doono.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

Faa’idooyinka Ay Leedahay In La Yareeyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Isticmaalka baraha bulshada waxa aynnu ka helnaa aqoon guud iyo xogo marar ka qaarkood waxtar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *