Hormoonada waa kuwa qaada oo qeybiya fariimaha kiimikada ee jirka. Fariimhaan ayaa lagaarsiiyaa xubin walwalba iyo unug walba iyadoo loo marinaya dhiiga. Si tartiib ayey u shaqeeyaan oo waxa ay qaataan muddo, wax badan ka badala hab sami u socodka qeybaha kala duwan ee jirka sida
- Koriimada
- Dheefshiidka –sida cunnada la cunay jirkaga uga faa’ideysan karo
- Taranka
Qanjirada hormoonada jirka ayaa ah qeyb ka tirsan unugya qaaska ah ee soo daayo hormoonnada. Qanjirada soo daaya hormoonada kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah
- Qanjirka bitutariga
- Qanjirka binayl
- Qanjirka taymas
- Qanjirka qumunka
- Qanjirka adrenaliinka
- Qanjirka ganaca
Intaas waxaa dheer hormoonada ay sooo saaraan ragga oo ka yimaadan xaniinyahay iyo kuwa dumarka oo ayaguna ka yimaada ugxaan sidaha
Hormoonada saameyntooda waa mid culus, xaddi yar oo hormoon ah ayaa sababi kara is bedel weyn oo ku yimaada xubnaha kala duwan ee jirka. tani ayaa dhalisa in xaddi yar amaba mid badan in ay xaalada jirka badasho.
Is badallada ay dhaliyaan hormoonada ayaa ah kuwa ugu badan ee sida qaldan loo isticmaalo iyadoo ay jirto in mararka qaar xitaa isbadalada ku yimaada jirka sida waqtiga baaluqitaanka loo aaneyo dhibaato ka timid amab in qofka uuna ka war qabin qaabkii loo maareyn lahaa hormoonada jirkiisa uu soo daynayo.
Maqaalkayaga waxaan uga hadli doona hormoonada jirka uu soo daayo iyo shaqooyinka ay qabtaan. Waxaa macquul ah in hormoonada qeyb ka tirsan in aad horayba u aragtay amaba u maqashay, halka kuwa kalena ay kugula muuqanayaan luqad Giriig oo kale.
1. Melatonin: Waa hormoonka ku shaqo leh sida aad dareemaysid maalintii oo dhan iyadoo wax weyn falcelintaada ka qabanaysa. Waa hormoonka ku shaqo leh hurdada.
2. Serotanin: Waa hormoonka ku shaqada leh cunno xumida, niyaddaada iyo wareega hurdadaada. Waxa shaqadeeda ka muuqata dhalinta waqtiga qaangaarka xiligaas uu ganuunaca iyo haruufitaanka ku bato dhalinta.
3. Thyroxin: Waa nooc hormoonka tayrodka ah, isla markaana kordhiya heerka dheefshiidka sidoo kalana saameyn ku leh soo saarka borotiinka.
4. Epinephrine: Magaciisa kale waxaa la yiraahda adrenaline. Waa hormoon shaqadiisa aa dareemeysid marka bay’adaada ay is badasho, kani waa hormoonka ku kalifa qofka in uu xaalada ka cararo amaba waxka badalo . Astaamaha lagu garto in hormoonka lasoo daaya waxa ka mid ah garaaca wadnaha oo kor u kaca, bu’da indhaha oo furma.
5. Norepinephrine (norebinefrin): Hormoonkan waxa uu kontaroolaa garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiiga. Waxa uu sidoo kale gacan ka gaystaa hurdada, kacsiga. Hormoonkaan oo jirka ku badan amaba ku yaraado, ayaa laga dareemi karaa jirka durbadiiba. Walaac ayuu dareemaa qofka marka uu hormoonkaan ku badan yahay, halka uu qofka dareemayo niyad jab amaba suuxdin oo kale marka uu jirka ku yaryahay.
6. Dopamine (dobamiin): Waxa uu kontaroolaa garaaca wadnaha iyo waxa ay ka caawisaa qofka in riyada iyo runta uu kala ogaado.
7. Ant diuretic hormone (anti dayuuretik homoon) Waa hormoonka u qaabilsan in kilyaha ay ceshtaan biyaha.
8. Angiotensinogen (anjiyotensinojen) Waxa uu masuul ka yahay yareynt marinada dhiiga.
9. Calcitonin (kalsitoniin): Waxay caawisaa dhismaha lafaha iyo hoos u dhigada kaalshiyamta ku jirta dhiiga.
10. Cholecystokinin (kolisistokiniin) Waxay caawisaa sii daynta dheecanka dheefshidka ee beeryaraha iyadoo isla markaana cadaadinaysa cunno xumi ku timaada jirka.
11. Corticotrophin Releasing Hormone (kortikotrofin) waxay sii daysaa kortisol kaas oo ka falcelinaya walaac.
12. Erythropoietin (eraytroboytin) l: Waxay kicisaa soo saarida unugyada cascas ee dhiiga.
13. Gastrin (gaastiriin) Waxay soo daysaa asidka loo yaqaano gastirik
14. Glucagon (gulukaagoon): Waxay saacidaa heerka sonkorta ee dhiiga
15. Growth Hormone: (hormoonka koriinka): Hormoonka ayaa ah sida magaciisa ka muuqato mid ku shaqo leh koritaanka gaara ahaan koritaanka unugyada.
16. Growth Hormone-Releasing Hormone(hormoonka koriinka midka sii daayo): Sida midka hore hormoonka ayey shaqadiisu tahay in uu sii daayo hormoon kaas oo furo u noqonaya amaba hordhac hormoonka koritaanka.
17. Sectetin: Waxa uu hormoonkaan hoos u dhigaa amaba hakiyaa soo saarka asidka gastirik.
18. Insulin: Shaqada uu qabto oo ah mid baaxad weyn ayaa isla markaana waxa uu gacan weyn ku leeyahay qaadashada gulukoosta ee unugyada.
19. Insulin-Like Growth Factor– insuliintaan sida ayadana ka muuqda magaceeda oo kale ayaa waxay qeyb ka qaadataa sidii loo hagaajin lahaa jirka iyo habka koriinka unugyada
20. Leptin (lebtin): Waxay hoos u dhigtaa abetaaytka iyadoo isla markaana xawaaraha dheefshiidka cunada kor u qaadaysa.
21. Orexin (oreksin)- hormoonkaan ayaa kor u qaada abetaaytka isla markaana kor u qaada feejignaanta iyo tamarta qofka.
22. Oxytocin (oksitosin): waa hormoon gacan ka geysta taranka iyo soo saarka caanaha naaska iyo foosha.
23. Aldosterone: Hormoonkaa ayaa shaqada ugu weyn uu qabto ay tahayin uu soo dhuuqo macdanta layiraahdo sodiyam ee ku jirta kelyaha islamarkaana kor u qaadaya mugga dhiiga ee jirka gudahiisa.
24. Testosterone: Waa hormoonka u gaarka ah jinsiga labka, masuulna ka ah damaca iyo dareemka ragganimo. Hormmonkaan ayaa sidoo kale qeyb ka qaato isbedelada dhaca waqtiga qaangaarka.
25. Androstenedionee: Waa hormoonka estrogen.
26. Progesterone[/highlight](borojestaroon)-hormoonkaan ayaa qeyb wen ka geysta sida u taageero jirka waqtiga uurka
27. Lipotropin (libotorobin): Waxa uu kiciyaa soo saarka midabka ee melanin loo yaqaano
28. Histamine: Hormoonkaan wuxuu sahlaa xasaasiyada iyo soo saarka aashitada caloosha
29. Endothelin (endhotelin): Hormoonkaan ayaa koontaroola murqaha caloosha gudahooda
30. Enkephalin (enkaflin): Sida ugu haboon ee hormoonkaan lagu tilmaami karo ayaa waxaa ay tahay in uu yahay hormoonka jaangooya xanuunka.
Hormoonadaan iyo kuwa kale oo badan ayaa waxa ay ka mid yihiin oo ay tusaalo u yihiin hormoonada ku jira jirka baniiaadamka. Waxaa jira hormoono shaqadooda ayna cadeyna halka kuwa kale ay badantahay in la fahmo shaqadooda, taas oo ka dhigaysa shaqadooda mid isku dabran amaba taxane leh. Waxaa cad in hormoonada jirka soo daayo ay shaqooyin muhiim ah ka qaataan habsami u socodka iyo faya dhowrka jirka.