Marka laga hadlahayo maaraynta iyo xal u helida khilaafka waxaa jira siyaabo badan oo aadamuhu adeegsado si uu u xaliyo dhibaatada –sida in aad koobto (surrendering) inaad iska dhaafto (running away) in aad ka adkaato cidii kaa soo horjeeda hab rabsho iyo dagaal loo maray (overpowering your opponent with voilence) iyo inaad maxkamad la tiigsato (filing a lawsuit)iwm sikastaba ha ahaatee aragti kasta oo ku wajahan xulasho si loo xaliyo is maandhaaf ayadoo laga dhawrsanayo hab xoog sheegasho ama maxkamad ayaa caadiyan waxaa loo orankaraa khilaaf xalin,si fudud waxaa aad marar badan maqlaysa marjiraan hab kawanaagsan in la isticmaalo Awood ama maxkamad?!, casrigaan waxaa jira laba hab oo la isku badasho loona isticmaalo xalinta khilaafka waxayna kala yihiin- kala dorashada habka muran xalinta alternative Dispute Resolution (ADR) iyo khilaaf xalin Conflict Resoulution (CR) habkaan CR waxaa uu inta badan ka duula sidii hoos logu dhigi lahaa rabshadaha iyo awood shegashada isla markaasna loo gacan siin lahaa dadka tabarta yar in ay yeshaan laxiriir wanaagsan iyo xirfadaha loo damiyo khilaafyada.
Asbaabaha keena khilaafka:
1. Hogaamiyaha oo aan samaynkarin kooxdiisa kuna jihaynkarin qiyam toosan-
2. U awood sheegasho xubnaha kale ee kooxda (Domination )
3. Ujeedoyin qarsoon (hiden agend)
4. Negative and distrust full climate
5. Mudnaanta oo koox yar loo gaar yeelato (small group superiority )
6. Discipline-ka iyo kala danbaynta oo lawaayo
7. Caajis iyo jah wareer kuyimaada xubanaha iyo qaybaha kooxda oo ay sabato arimahaa kore
Habab Guud oo loo xaliyo khilaafka:
1. Wada Xajood Waxaan marar badan maqalnaa wada xajood waa mid kamida ah hababka khilaaf xalinta labada qof ama koox oo is khilaafsan ayaa sitoosa ah ama dadban u furaya dood taas oo looga gol leeyahay in lagaaro heshiis lana dhameeyo dhibatada.
2. dhex dhexaadin : waa process si mutadawacnimo ah Qof sadexaad uga caawiyo in dhinacyadu ka wada hadlaan arimaha adag ee ay isku maan dhaafsanyihiin habkaan oo ah midka ugu macquulsan marka ay jiraan xaaladaha adag sida kuwa siyaasada waxaa uu u bahanyahay tilaaboyinkaan: (q) macluumad uruurin (gathering information) b- xadayn arimaha (bordering the isues) c- (soo bandhigid fursadaha) d- wada hadalsiin (negotiating) e- laqaabayn heshiiska dhinacyada ( formalizing agreements) dhamaan tilabooyinkaan waxaa looga bartay dhex dhexaadiyaha xirfad sare u leh khilaaf xalinta intaas kadibna dhinacyada wada hadlaya waxaa laga filayaa inay abuuraan xal ayaga u gaara dhex dhexaadiyuhuna kuma lahankaro wax awood ah go,aamada ay garayaan.
3. qodobka 3aad waa Garqaadis- habkaan gacanta sadexaad ayaa goob joog ah oo hadba dib u eegis ku samaynaysa waxyabaha dhinacyadu isku haystaan iyo arimaha go,amadodu ay ku xiranyihiin inta badan waxaa habkaan loo adeegsada hawlaha Ganacsiga iyo muramada dhexmara Maamulka, shaqaalaha iwm.
4. halkaan waxaan kugu sheegin habkale oo layiraahdo Dhex dhexaadin & Qaadi, waxaa inta badan loo isticmaala marka dhinacyada is khilafsan ayahoda ayagu katashan wayaan tusale waxaan ku siin laha dakeena soomaalida hadaad mooday inaan kuu duurxulayo mayee runta ayaan daaha kaga rogayaye bal ila eeg!! Habka dhexdhexaadin&Qaadi, waa hab iskugu dhafan labada qaybood ee kor kuxusan 2&3 waxana uu leeyahay kahor inta aysan is horfariisan wada xajoodeyashu waa inay isku diyaariyaan inay heshiyaan, waase inay jirto gacan sadexaad oo u go,aamisa hadii ay dhinacyadu ku Guuldaraystaan inay heshiiyaan! Haa waa tan mida aan rabo inaan kusheego, hadaan horey usoo kaco oo aan kugu qalabsiyo xusuus miyanan dhul lahayn aan kuwada hadalo? Miyaynaan waxgarad iyo wayeel lahayn iyo culimo iyo aqoon yahan inoo taliya? Miyaynaan dhaqan iyo hab khilaaf xalin lahayn oo gara ah lahayn sida bulshoyinka kale? maxa ina haysta? Maxaan dalkena ugu wada hali la,anahay? Maxaa dadkeenu u wada hali layahay isagoo aan shisheeye Qaadi u ahayn? Dhaman su,alahaan waxaan jawaabtoda u daynayaa akhristaha.
Aad ayay u tiro badan yihiin hababka loo maro khilaaf xalinta balse waxaan kusoo koobayaa afartaan oo Aan u arko inay yihiin kuwa ugu wayn oo inta badana lagama marmaan ay tahay inaad wax un fikrad ah kahaysato.
WQ: Mursal C Daahir Diriye