Wargeys Mareykan Ah Oo Ku Taliyay In La Raaco Taladii Nebi Muxamed (csw) Si Loo Looga Hortago Karoona-Fayras (Corona-virus)

Nadaafadda, Karantiinka caafimaad iyo in guryaha lagu negaado ayaa ah tiirarka illaa hadda adduunka oo dhami ku celcelinayo in lagu waajaho xanuunka ‘Covid-19’.

Majaladda NEWSWEEK ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa ka warrantay in saddexdan talo ee hadda laga hadlayaa ay yihiin tallaabooyin uu Kun iyo Afar boqol (1400) oo sano ka hor ku baaqay nebi Muxamed (SCW) in la raaco xilliga ay xanuunnadu dillaacaan.

Maqaalka ayaa lagu sheegay in talooyinka uu Nebi Muxammed (SCW) bixiyey ay marag u yihiin sida uu u baraarujinayey muhiimadda ay leedahay in qofku uu isu dheellitiro aaminsanaanta diiniga ah ee ducadu ka mid tahay iyo in laga hortago sababaha xanuunka fidistiisa keeni kara.

Maqaalkan oo dheeraa waxaa lagu sheegay in talooyinka uu nebi muxamed bixiyey xilliga xanuunnada ay ka mid tahay in aan la gelin deegaannada ay xanuunnadu ka dillaacaan cidda joogtaana aanay ka bixin intii xanuunku jiro.

Arrintaas oo marag u ah muhiimadda uu leeyahay karantiinka ay adduunyadu goor dambe ku baraarugtay ee hadda jira. Majaladdu waxa ay karantiinkaas marag ugu soo qaatay warka nebi Muxamed (NNKH) laga soo tebiyey ee ahaa, “Haddii aad deegaan ku maqashaan daacuun, ha gelin, haddii deegaan aad joogtaan uu ka dillaacana ha ka bixina idinka oo ka baxsanaya”

Majaladdu waa ay sii wadday casharrada caafimaad ee muhiimka ah ee uu nebi Muxamed (SCW) 14 qarni ka hor bixiyey, maantana ay dalalka adduunku diin kasta oo ay haystaan ku celcelinayaan. Waxa aanay maqaalkan ku xustay tilmaamaha iyo farriimaha uu Nebigu ku dhiirrigeliyey nadaafadda, si looga hortago faafitaanka xanuunka. Waxa aanu caddayn u soo qaatay hadalkii uu Nebi Muxammed (SCW) ku sheegay in nadaafaddu ay qayb ka tahay iimaanka laga rabo qofka muuminka ah. Isaga oo soo jeediyey marka qofku uu soo tooso in uu gacmihiisa dhaqo, iyo in markasta oo cunto la cunayo gacmaha la maydho iyada oo uu sheegay in barakada cuntadu ay ku jirto in la faraxasho cuntada ka hor iyo kaddib. Sida maqaalka lagu xusay.

Maqaalku waxa uu baraarujinayaa muhiimadda ay leedahay in xilliyada xanuunnada qofku isaga oo ruuxdiisa diiniga ah adkaynaya cibaadada iyo ducadana badinaya, in ay sida oo kalana qasab tahay in uu dhowro tilmaamaha muhiimka u ah ka hortagga iyo iska ilaalinta xanuunka.

KAMAAL MARJAAN

Xigasho: Newsweek

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *