Waqti Lumiska Baraha Bulshada Iyo Sida Ugu Haboon Ee Looga Dheeraan Karo

baraha bulshada, waqti lumiska,

Isticmaalka shabakadaha xidhiidhka bulshada (Social Media) waa sababta ugu badan ee waqti lumiska keenta casrigan aynu joogno. Waxa ay xeeldheereyaasha cilminafsigu xaqiijiyeen in baraha bulshadu ay tahay sida daroogo lala qabsado isticmaalkeeda.

Maalin kasta boqollaal qof oo cusub ayaa ku soo biira isticmaalka shabakadahan qaarkood ama ugu yaraan mid ka mid ah. sahamintii ugu dambaysayna waxa ay muujisay in dadka dunida ee internet heli kara, ay boqolkiiba 63 isticmaalaan baraha bulshada. Waa dadka joogtada u isticmaala oo la qiyaasayo in maalin kasta ay ku lumiyaan celcelis ahaan 2 saac iyo badh.

Si kastaba ha ahaato ee isticmaalka baraha bulshada khasaare ma wada aha, marar badan waxaa dhacda in qofku uu ka helo xogo iyo macluumaad badan. taas oo aanu heli karin haddii uu qaato go’aan ah in uu wada joojiyo isticmaalka shabakadahan.

Qormadan waa talo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera oo qofka caawinaysa, in uu uu ka faa’idaysto baraha bulshada, isaga oo dhinaca kalana ka dheeranaya in waqti badan ay ka lumiso.

1. Weligaa ha isticmaalin baraha bulshada adiga oo aan ogeyn sababta aad u isticmaalayso!

Isbarbardhig ku samee qiimaha iyo waxtarka aad ka helayso iyo khasaaraha waqti lumisku ka mid yahay ee kaa soo gaadhayo.

2. Ha isticmaalin baraha bulshada, haddii aanad ka adkayn xakamayta dareenkaaga (Qiirada ama caadifadda). Inta aad ku guda jirto isticmaalka baraha bulshada, waa in aad la socoto dareenkaaga, iyo raadka nafsadeed iyo maskaxeed ee ay kugu yeelan karaan waxa aad akhriyeyso ama daawanaysaa. Waxaa jira qoraallo iyo muuqaallo badan oo kaa cadhaysiinaya, kaa murugaysiinaya, ama si uun dareen taban kugu beeraya. Markaas oo kale jooji sii wadista isticmaalka oo waqti ka naso.

3. Garo waxa aad doonayso in aad akhrisato ama daawato. Baraha bulshada ha gelin, adiga oo aan garanayn waxa aad doonayso, war, cilmi, xayeysiis iwm. Iska jir in ay maskaxdaadu noqoto sida qashin qubka, meel wax kasta lagu shubi karo.

Waxaa jira dad badan oo la socoshada qoraalladooda iyo daawashada muuqaalladoodu ay dhibaato uun kugu tahay.

Xog qaldan oo ay ku siiyaan, majara habaabin ay kugu sameeyaan, arrimo nafsaddaadu aanay ogolayn oo ay ku hadlaan, iwm. Waxaas oo dhammi dhaawac ayey gaadhsiinayaan dhimirkaaga iyo caafimaadkaaga nafsadeed.

Akhriso: Jooji 4-taan Arrimood Ee Waqtiga Kaa Lumiya!!

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

talefanka biyo, qoyaan,

Marka Talefankaaga Uu Qoyo, Haku Dhex Ridin Bariis Ceydhiin Ah, Taas beddelkeeda Habkaan Raac

Marar badan ayaa la sheegaa, in bariis caydhin oo lagu dhex ridaa uu yahay habka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *