Walwalka iyo Walaaca Badan

Qaar badan oo bulshada kamid ah ayaa waxaa soo wajahda walaac iyo walbahaar ku saabsan nolosha, ha ahaato mid wakhti dhaw baaba’ayso iyo mid mudo dheer jirta, taasi ugu wacantahay canaasiir (factors) is biirsaday

Walwalku kaliya kuma koobna farxad la’aan qoto dheer, ee waxay si aad ah u waxyeelaysaa caafimaadkeena iyo shaqadeena. Si kastaba ha ahaatee waa hubaal in la maarayn karo murugada, hadii la isticmaalo xeelado saxda ah.

Maqaalkani, waxaan ku eegi doonaa waxa ay murugada/walaacu yahay, khataraha kugu siyaadiyo karo hadii uu ku sii hayo iyo sida saxda ah ee aad xakamayn iyo maaraynba ugu heli lahayd, sidaasi daraadeed saamayn kuma yeelan doonto hanaanka noloshaada iyo wax soo saarkaaga

Waa maxay walaac ama walwal?

Qeexitaanka sida wayn la isugu raacsanyahay ee walaac, waxaa soo dhiraandhiriyay dhaqaatiirta Cilmu nafsiga iyagoo ku sifeeyay “ xaalad ama kacsanaan uu qofku dareemo marka rabitaankiisii ay ka bataan waxa uu haysto, awood yari iyo cadaadis uu dareemo”.  Tani macnaheeedu waxaa uu yahay in walwalku yimaado  marka aan is dareensiino in aanan haysan wakhti nagu filan, khayraad, iyo aqoon aan ku xallino xaaladaha naga gudboon. Hadii aan si kooban u sheego waxaan dhihi karnaa marka aan dareeno WAX KA BAXSAN AMA KA WAYN KANTOROOLKEENA

Dadka ayaa qaabab kala duwan u wajaha xalinta walwalku, marka ay timaado xaladaheeda kala duwan:  waad maarayn kartaa walaacu hadii aad aaminsatahay ama aad ku kalsoontahay awoodahadaaga, waxaad badali kartaa xaaladaha kula ciira adigoo adeegsanayo hab xigmadaysan iyo inaad isku halaynaysid inaad helaysnayo caawimaad iyo taageero aad aad hesho oo aad xaalada kaga gudubi karto.

Side looga jawaabaa/ficil celiyaa walaaca?

Culimada cilmu-nafsiga waxay sheegeen in jiraan labo siyaabood oo looga jawaab celiyo walawalka. Waxayna kala yihiin “dagaalan ama duul” “fight or flight” iyo xaalad murugo oo lala qabsaday taasi oo meel aan caadi ahayn gaartay. Labadaan fal celinno isku mar ayay dhici karaan.

Dagaalan ama duul

Walter Cannon oo kamid ahaa khubarada cilmu nafsiga ayaa sanadii 1932-dii  ku tilmaamay fal celinta “dagaalan ama duul” inay tahay mid wakhti yar lagu jiro, waxayna timaadaa marka uu yimaado shoog iyo marka aan wax khatar u arki karno aan aragno. Maskaxdeenu waxay sii daynaysaa hoormoono taasi oo jismiga u diyaarisa inuu ka duulo  khatarto ama uu la dagaalamo. Waa arin na tamar siinayso mararka qaar, sidoo kale waxay nagu ridi kartaa farxad, walaac labaad iyo wareer.

Falcelinta Dagaalan ama duul ayaan maalin kaste u isticmaalnaa xalinta dhibaatooyinka wakhtiyada badanaa nala soo gudboonaado oo ay kamid yihiin, shaqo badan aan wakhti kooban ku qabano, imtixaanada aan ka cabsano oo marka aan galno kadibna aan xaaladii caadiga ahayd la qabsano, waxaa sidoo kale kamid ah fagaare ka hadalka (Public speaking) iyo is fahanwaaga iyo isku dhaca maalin waliba dadka dhex mara iyo qaar kaloo badan……

Falcelinta labaad: xaalada murugo ee lala qabsaday oo meel aan caadi ahayn gaartay, waa walalkii oo isku badalay walbahaar, ciil iyo caloolyow, taasi oo sabab u ah in qofka uu gaari waayay goolkii uu nolosha lahaa kadib isku dayo iyo dadaalo badan oo uu sameeyay, sidoo kale aanan helin wax garab istaag ah. Falcelintaan ayaa dadka waxa ay ku hogaamisaa inay noqdaan gaangis, daroogo cabayaal iyo inay naftooda dayacaan, darbiyada iyo darjiimaha ay hoy ka dhigtaan, qofka marka uu xaaladaahani uu wax badan uu ku jiro waxaa ay sababi kartaa inuu isdilo.

Walwalku waa xaalad uu qof kaste oo aadami ahi uu wajaho, sida loo abaaro xalinteeda ama looga falceliyaa waa inay had iyo jeeraale ay noqdaan kuwo caqli-hogaanshe ah, si xaalad dhib badan aysan kuugu noqon. Yaab iyo amagaak yasan kula noqon halka uu walaacu ku gaarsiin karo inuu cudurba mararka qaar ka daran yahay. Cilmu nafsigu waxaa uu mar waliba ku hawlanyahay xalka iyo yaraynta murugada ama walaaca.

Calaamadaha walawalka/murugada

Qof kastaa si buu uga jawaab celiyaa walaaca. Si kastaba ha ahaatee, aan wax yar ka taabanno calaamadaha walaaca wakhtiga kooban lagu jiro ee DAGAALAN AMA DUUL

  • Madax xanuun joogta ah.
  • Qaboow ama dhidid gacmaha iyo lugaha ah
  • Wadno gariir joogta ah, calool xanuun, iyo lalabo aadan horay u qabin.
  • Argagaxsanaan iyo kacsanaan
  • Hurdo la’aan ama hurdo badni
  • Fahmadda iyo feejignaanta oo yaraata
  • Qofka oo aanan dabeecadihiisa kantarooli karin
  • Qofka inuu dadka ka dhex baxo iyo inuusan naftiisa/teeda wax daryeel ah siinin
  • Caajis joogta ah
  • Caro/xanaaq aan la kontorooli Karin oo joogta ah
  • Miisaanka qofka oo hoos u dhaca
  • In qofka uu dareemo buuq dhanka maskaxda ah

Cawaaqibka ka dhasha walaaca

Walwalku waxaa uu saameeyaa awoodeena aan wax ku qabsan karno, wuxuu sidoo kale wax u dhimaa sida aan dadka ula shaqayno iyo in dabeecadahaagu dadku karaahsadaan. Arimaasi oo dhan iyo kuwo kale oo badanba waxay waxyeelo u gaystaan shaqadeena iyo xiriirka guud ee kaala dhaxeeya dadka aad isla shaqaysaan, qoyskiina iyo waliba bulshada kale ee aad wada macaamiishaan.

Walaaca wakhtiga dheer qaarta ama walwalka waara, waxay sababaan cudurro halis ah oo ay kamid yihiin stroke, dhiig-kar, difaaca jirka oo daciifa, maskaxda oo isku dhex yaacda, cudurada wadnaha, iyo xididada jirka.

Hadii aad walaacsantahay, waxa ugu dambeeya ee ah inaad ka fikirto waa sida ay kuu dhaawici ogtahay iyo khataraha waawayn ee uu wadato. Hasa yeeshee, waa muhiim inaad si aad ah ugu baraarugsanaato inaad farsamo aad u miisaaman aad adeegsato si aad uga gudubto.

XIGASHO: PSYCHOLOGYTODAY

Check Also

madax xanuunka qubayska

Sababaha Keeno Madax Xanuunka Qubeyska Iyo Qaabka Loo Yarayn Karo

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *