Wax akhrisku qofkii caado ka dhigtaa waxuu noqdaa qof ka aragti dheer dadka aan waxba akhrisan, waayo waxa maskaxdiisa ku jira macluumaad fara badan oo nololo kala duwan soo maray. Mar kasta oo arrin loola yimaado in uu ka talo bixiyo, wuxuu taladiisa u soo bandhigayaa qaab ku habboon wixii loola yimid. Sababta ayaa ah, wuxuu ku samaynayaa rog-rogis fara badan oo dhinac kasta ayuu ka eegayaa.
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ka hadlayey muxaadaro ku saabsan cilmiga ayaa sheegay hadal nuxurkiisu ahaa” laba arrimood ayey bulshooyinku isku dhaafeen. Kow, in maskaxda marka hore macluumaad badan lagu shubo (Wax akhris), ka dibna wixii la soo gudboonaada ay awood u yeelato inay xaliso. Laba, in maskaxda la adeegsado intii suurtogal ah, oo wakhti badan la siiyo inuu qofku kaga baaraandego naftiisa horumarkeeda iyo dib u dhaceeda.” Maanta waxa aynu ku jirnaa wakhti lagu magacaabo “Information Age” wakhti macluumaad, oo ay meel kasta qulqulayaan aqoon iyo macluumaad kala duwan, lana heli karo haddiiba loo baahdo.
Waxa kale oo iyana mihiim ah in aad wakhti fiican siiso wax akhriska, si ay kuugu duxdo aqoontii aad akhriday, xigmad ingiriisi ah ayaa tiraahda” Take time to read, it is the source of knowledge”, oo micnaheedu yahay, wakhti sii inaad wax akhrido, waayo waa ilaha cilmigu ka soo burqanayo.
Wax akhrisku wuxuu qofka u saamaxaa in uu ka fikiro qorshihiisa, hamigiisa dhaw iyo ka fog, sidoo kale wuxuu qofka u horseedaa in uu siyaabo kala duwan ugu baaraandego mushkiladaha soo foodsaara.
Sababta ayaa ah maskaxdii oo balaaratay, ka dibna dhinacyo badan ayey wax ka eegaysaa. Wuxuu sidoo kale dhisaa wax akhrisku luuqada iyo erayda qofku ku hadlayo.
Aqoonyahanad la yiraahdo Angel Carter ayaa tiri” I found the more I read, the better I write”, oo noqnaysa inta badan ee aan akhriyo, waxa ay iga dhigtaa in aan si fiican wax u qoro. Xigmadan soo socota ee ay leeyihiin dadka reer Belgium (Biljim) ayaa markhaati cad inooga dhigaysa hadalkaasi xaga sare ku qoran” Reading increases the level of personal understandings”, oo ay uga jeedaan wax akrhrisku wuxuu kordhiyaa heerka fahanka shakhsiga.
Xigmadaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in akhrisku kobciyo maanka akhristaha.
Markii Nebi Maxamed”SCW” la faray wax akhriska oo lagu soo dejiyey suuradii ugu horaysay ee IQRA, Ilaahay “swc” wuxuu sidoo kale ummaddiisa ugu mano sheeganayaa oo yiri ”Insaanka waxa aanu barnay wax aanu aqoon u lahayn”.
Qoraalkii ugu khayrka badnaa wuxuu ahaa qoraalkii Qur’aanka Kariimka ah, waxaana la qoray wakhtigii Cismaan Binu Caffaan. Sidoo kale wax akhrisku ugu khayrka badani waa Kitaabka Alle.
Culimada islaamka intooda badani waa qaar taariikh weyn ku leh qoraalka iyo wax akhriska. Culimadaasi waxa aan ka xusi karnaa, Ibnu, Xajar Al casqalaani, Ibnu Taymiya, Ibnu Qayim Al jawzi, Imaamu Nawawi, Sh. Albaani iyo Sh. Naasir sacadi. Dhammaantood xaga qoraalka iyo wax akhriska waxa ay ka ahaayeen horumood.
Qalinkii: Cali Cabdi Coomay