Sababaha Keena Wahsiga Iyo Shaqo Dib U Dhigashada & Hababka Loola Dagaallamo

Imisa jeer ayaa ay kugu dhacday in buug ama qoraal kale oo aad xiisaysay haddana aad dib u dhigatay akhriskiisa, adiga oo nafta u sheegaya in hadda aanad waqti kugu filan haysan. Wahsiga, shaqo dib u dhigashada iyo maahsanaantu waxa ay ka mid yihiin caadooyinka iyo dhaqannada ay inta badan ee dadka dunidu maanta ka cawdaan.

Caalimka cilminafsiga ee William Knaus ayaa qaba qodobbadan:

  1. Wahsiga iyo shaqo dib u dhigashadu ma keento oo keliya in shaqadu dib u dhacdo ama sidii la rabay u qurux badnaan weydo. Balse waxaa dheer in qofku uu marka dambe haddana is canaanto, taas oo abuurta dareenno taban iyo xaalado nafsadeed oo ay ka mid yihiin, sakati, walbahaar, is canaanasho iyo werwer weyn.

CALAAMADAHA WAHSIGA IYO HAWL DIB U DHIGASHADA

  1. Haddii shaqada kuu taalla aad u aragto in aanay muhiimad weyn lahayn, in aanay mudnaanta koowaad lahayn, ama in cidda shaqada kuugu maamulaysaa aanay muhiimad weyn siinayn.
  2. Marka aad aragto adiga oo waqtigaaga ku luminaya wax aan muhiimad weyn lahayn xilli ay ku taallo shaqo waajibaadkaaga ka mid ahi.
  3. Marka iyada oo shaqo kuu taalla aad aragto adiga oo waqtiga ku luminaya waxyaabo aan waxsoosaarka aad u baahantahay lahayn, sida daalacashada baraha xidhiidhka bulshada, oo aad hadba dhan u socoto si aad sawirrada iyo qoraallada u eegto.

SABABO KEENA WAHSIGA IYO SHAQO DIB U DHIGASHADA

  1. Shaqada oo culus ama qofka ku adag iyo hawlaha xasaasiga ah ee inooga baahan in aynu xariifnimadeenna, aqoonteenna ama kartideenna ku muujinno ayaa ka mid ah sababaha keena in shaqada gudagalkeeda aynu ka warwareegno. Laga yaabaa in sababtu ay tahay kalsoonidarro inaga haysa in hawshaas aynu qaban karno ama fashilaad aynu ka cabsanayno.
  2. Qofka oo arkaya wax kale oo uu xiisaynayo, tusaale ahaan haddii shaqadu ku adagtahay, internet na uu haysto oo uu waxoogaa nafta ku maaweelin karo baraha bulshada ama daawasho filim, markaba naftu xaggaas ayaa ay u jeesanaysaa.
  3. Hawl shaqadeenna maalinlaha ah ka mid ah, dhibaatana aanay qabashadeedu lahayn laakiin muddo dheer qaadanaysa, wax abaal gaara ah oo aynu ka helaynaana aanay jirin, ama aanu muuqan magac iyo xiise degdeg ah oo laga helayo marka ay dhammaato.
  4. cabsi iyo walaac awgood; Hawlaha muhiimka ah ee waaweyn waxaa marar badan ku lammaan cabsi laga qabo fashilaad, taasina waxa ay marar badan sababtaa in aynu ka warwareegno gudagalka hawshaas iyo ku dhiirashadeeda.
  5. Sideedaba aadamuhu hawl kasta oo uu qabanayo waxa uu ka fishaa abaalmarin iyo in lagu bogaadiyo. Abaalmarinahaasi mar kasta ma’aha wax la taaban karo oo ay cid kale siiso. Mararka qaarkood qofku isaga ayaa naftiisa abaalmariya ama maamulkiisa shaqo ayaa ammaan iyo bogaadin ku abaalmariya.
    Sida ay saynisyahannada iyo xeeldheereyaasha cilminafsigu xaqiijiyeen marka uu qofku hawl u taallay si qurux badan u dhammaysto, si kasta oo ay u ahayd hawl fudud haddana waxa uu dareemaa farxad, maskaxduna waxa ay soo deysaa hormoonno farxad iyo dareen raalli ahaanshiyo ku abuuraa, kuna dhiirrigeliyaa in uu hawl kale oo dheeraad ah qabto ama uu sii wado shaqadaas.

In qofku aanu abaalmarinahaas filanaynin ama naftiisu isabaalmarinayn, oo tusaale ahaan aanu u arkayn hawl naftiisa u fiican oo ay ku farxayso. Waxa ay ka mid tahay sababaha dhiirrigeliya wahsiga iyo ka warwareegista shaqada.

TALOOYIN KU CAAWIN KARA!

  1. Marka ay shaqo kuu taallo, iska jir in aad akhrido ama qorto wax aanay shaqada kuu taallaa kugu waajibinayn. Sida oo kale ka dheeroow ku mashquulka talefanka gacanta ama hawl kale uun aad qabato iyada oo ay shaqo kale kuu taallay.
  2. Dhaqan ka dhigo shaqo kasta inta aanad bilaabin in aad naftaada la qaadato waqti ay firaaqo ka tahay wax kasta oo aan ahayn ka fikirka shaqada u taalla, sida ugu habboon ee ay u gudan karto, iyo wanaagga ay leedahay in ay waqtigeeda ku gudataa. Taas lidkeedana waxaa muhiim ah in aad maskaxda ka saarto ka fikirka abaalmarin aad shaqada ku helayso iwm, maadaama oo ay ka mid tahay shaqadaada rasmiga ah.
  3. Shaqada aadka u badan ama hawsheedu adagtahay waxa ay qofka ku beertaa dareen ah in uu ku dhex habaabo, ama in uu ka caajiso intaa aanu bilaabin iyo marka uu ku dhexjiro labadaba. Sababtuna waa in ay qofka ula muuqanayso in ay tahay hawl furan oo aan lahayn waqti lagu soo afjaro, ama shaqo aan dhammaadba yeelanayn, weynideeda awgeed.

Marka ay sidaas tahay waxaa aad u muhiim ah in uu shaqadaas jejebiyo, kana dhigo qaybo mid kastaa leedahay bilow iyo dhammaad. Markaas waxa ay naftu dareemaysaa in hadba hawshan u taallaa ay aad u yartahay, kuna dhiirranayso qabashadeeda. Waxaa ka sii muhiimsan iyaduna in naftaada aad barto in aanay goobta shaqada ka tegin ama Miiska xafiiska ka kicin illaa ay dhammaystirto hawshaas qaybta markaas ay waddo.
Markaas ayaa uu qofku dareemayaa guul in uu gaadhay iyo in uu horusocod yahay. Talada ugu habbooni waa in marka aad hawlqabanayso aad samaysato liiska kala hormaynta hawshaas iyo mid kasta waqtigeeda Bilowga iyo dhammaadka.

  1. Hawl kasta u samee waqti ay bilaabato iyo mid ay dhammaato:
  2. Tallaabadani waxa ay abuuraysaa in qofku uu si waaqici ah u garto in dhammaystirka hawshu ay inta badan u baahantahay wax ka badan hal fadhi oo xidhiidh ah. taas oo macnaheedu yahay in aynu fahamsannahay in fadhi kasta oo hawleed oo aynu gelaynaa uu yeesho xuduud soo xidha halka uu ku dhammaanayo iyo in hawlaha qaarkood ay u baahan yihiin fadhiyo badan oo waqtiyo kala duwan ah.

Hawlaha kale ee qabyada ah dib u dhigo

Dabeecado yaab leh ayaa uu aadamuhu leeyahay, waxaa ka mid ah in wahsiga iyo shaqo qabashadu ku adagtahay iyo haddana in ay dhibsato qaybada oo culays nafsiya ku haya. In hawli qabyo kuu tahay waxa ay abuurtaa walaac iyo dareen ah in xil aanad gudani uu jiro. Taasi waxa ay qofka ka horistaagtaa in uu noloshiisa ku raaxaysto, marar badanna waxa ay isu beddeshaa xaalad nafsiya.
Si aad taas uga badbaaddo waxaa muhiim ah in aanad hawlqabyo kaga tegin, haddii aanay ahayn hawl dhammaystirkeedu maalmo qaadanayo oo maalinteeda ama saacaddeeda la sugayso. Waxyaabaha qabyada keena waxaa ka mid ah qofka oo dhowr shaqo mar wada bilaaba, waxaa laguugula talinayaa in shaqooyinka kuu yaallaa sida ay u kala horreeyaan ama u kala muhiimsanyihiin aad u bilowdo kaddibna aanad mid kale bilaabin iyada oo midda hore qabyo ah, haddii aanay jirin sabab cad oo arrintaas kallifaysaa.

Waxa kale oo qabyada keena in aad waqtigaaga maamuli kari weydo, tusaale ahaan in saacado ama maalmo shaqo kuugu qornaa aad hakiso oo wax kale aad ku mashquusho. Nafta raaxo iyo nasasho ha barin iyada oo aan waajibkeeda qabsan. Haddii ay shaqadeeda ka soo baxdana ha kala bakhaylin waqti iyo maalmo nasasho ay ku raaxaysato.

Cadaadis iyo qoorqabad ha ku shaqayn

Daraasado badan ayaa lagu sameeyey xidhiidhka ka dhexeeya cadhada iyo kacsanaanta qofka iyo hawlgudashada iyo guusha. Natiijada lagu ogaaday waxaa ka mid ah waxa loo yaqaanno ‘Xeerka Yarkes-Dadson’. Qaanuunka Yarkes-Dodson waa tijaabo lagu ogaaday in xidhiidhka ka dhexeeya cadaadiska qofka la saaro iyo hawlgudashadiisa.

Qaanuunkan waxaa asalkiisa sannadkii 1908 dejiyey Robert M. Yerkes iyo John Dillingham Dodson oo ahaa lama caalimo oo cilminafsiga aad looga dambeeyo. Markii dambe waxaa loo bixiyey isku darka labada magac ee labada caalin oo ah ‘Yerkes-Dodson Law’. Waxa uu dhigayaa in hawlgudashada qofku ay la korodho marka uu qofku maskax ahaan ama jidh ahaan baraarugsanyahay ama dareenkiisa qiiro iyo xamaasad hawshan ku aaddani ku jiraan. Laakiin haddana ay leedahay xuduud iyo meel cayiman oo ay ku dhammaato, marka heerka baraarugsanaantu aad kor ugu kacana ay haddana hawlgudashadii hoos u soo dhacayso.

Taas macnaheedu waa in haddii aad shaqada ku gasho qiiro iyo xamaasad aad u sarraysa, in Bilowga ay si fiican meel u gaadhayso hawlgudashadaadu, laakiin mar kasta oo xamaasaddaasi sii korodho in ay haddana bilaabayso hoos u soo dhac. Maadaama oo hawshan xadkeeda la dhaafiyey ay qofka muddo kaddib ku keenayso gaabis iyo tamartii xiisuhu abuurayey oo yaraata shaqadii oo aan dhammaan.
Waxaa la mid ah xamaasadda iyo qiirada gacan ku rimiska ah ee uu qofku ku galo shaqada kaddib marka cadaadis kaga yimaaddo maamulkiisa, taas oo muddo yar kaddib dib u shiikhda ugu dambayntana keenta wahsiga iyo in qofku shaqo kasta ka cagajiido. Taladu waa in qofku uu ku hawlgalo dareen labadaas u dhexeeya, oo aasaaskiisu yahay in qofku aanu qiiro ama qoorqabad midna ku shaqayn ee ku dadaalo in uu isxilqaan iyo masuuliyad-gudasho u arko.

TEKNOOLAJIYAD KU CAAWIN KARTA

Waxaa jira barnaamijyo badna oo uu qofku talefanka gacanta ee casriga ah ama kombiyuutarka ku shuban karo, kuwaas oo awood u leh in ay u jaangooyaan waqtiyadiisa hawleed. Waxaa ka mid ah barnaamij lagu magacaabo ‘Checkli – Make Checklist for everything’ waxa uu awood kuu siinayaa in aad ku kaydiso dhammaan hawlaha ku yaalla, mid kasta oo ka mid ahna aad sixi karto marka ay kaad hammaato. Sida oo kalana aad ku maamuli karto hawl maalmeedka shaqaalahaaga. Barnaamijkan waxa aad ka raaci kartaa ‘linkigan’, kaddibna isaga ayaa ku hagaya https://www.checkli.com/. Waxaa aad ku soo dejisan kartaa talefankaaga gacanta ama kombiyuutarkaaga.

Waxaa iyaguna jira barnaamijyo qofka waqtiga u gooya

Waxaa ka mid ah:

  1. Xeeladda Tamaandhada, barnaamijkan oo magaciisa aftalyaaniga ahi yahay ‘Pomodoro Technique’. Barnaamijkan oo uu nin Talyaani ahi aasaasay dabayaaqadii Siddeetamaadkii waxa loogu talagalay in waqtiga shaqada ama hawlgudashada uu inoo qayb-qaybiyo waqtiyo mid kastaa 25 daqiiqo yahay, oo ay ku dhex jirto nasasho shan daqiiqo ahi. Waxa aanu aaminsanyahay in nasashadaasi ay qofka ku abuurayso firfircooni uu hawshiisa ku sii ambaqaado. Isla markaana ay kor u kacdo dhugmadiisu.

Qaabka uu barnaamijkani u dejisanayaa waa in shaqada aynu u qaybinno lix tallaabo:

  1. Go’aanso shaqada aad qabanaysaa ta ay tahay.
  2. Buuxso saacadda jaangoynta ee uu wato barnaamijka ‘Pomodoro’ oo u xidhxidhan qaybo 25 daqiiqo ah oo nasasho ku dhex jirto. Inta qaybood ee aad dooranaysana adiga ayaa u xor ah, 10 qaybood oo min 25 ah ama ka badan iyo ka yar midda aad doonto.
  3. Bilow shaqada
  4. Jooji shaqada marka la gaadho waqtiga aad xaddidatay ee 25 ka daqiiqo ah oo nasasho 5 illaa 10 daqiiqo ah qaado.
  5. Haddii aad xaddidatay saddex ‘Pomodoros’ dib ugu noqo tallaabada labaad oo ku celceli illaa aad dhammaan qaybaha isha soo wada mariso ama soo hubiso.
  6. Marka aad dhammaysato saddex xidhmo oo middiiba 25 daqiiqo tahay (Saacad iyo Rubuc) qaado hal nasasho oo intii hore ka yara dheer.
    Barnaamijkan waxaa illaa hadda dejistay oo isticmaala dad tiradoodu dhan tahay 2 Milyan. Qaybo badan oo ka mid ahina waxa ay qireen in uu wahsigii ka daweeyey iyo in uu waxsoosaarkoodii shaqo kordhiyey.
    Barnaamijkan waxa aad ka eegi kartaa linkigan:
    https://pomofocus.io

Waxaa kale oo isaguna jira Barnaamijka ‘Productivity Owl’ oo isna loo adeegsado in lagu samaysto jadwalka shaqo si looga hortago wahsiga. Dadka isticmaalay barnaamijkani waxa ay ku naanayseen in uu yahay maamule shaqo oo xafiiska iyo gurigaba kula joogaya, iyaga oo ka eegaya sida uu ugu ad-adagyahay fulinta hadba waxa aad ka dalbato in uu kugu ilaaliyo. Haddii aad ka baydho jidka aad la jeexatay in uu kugu ilaaliyana quudhsi iyo dhaliil ayuu kuugu beddelayaa. Waxaa iyaguna jira Barnaamijyada ‘MindTastik’ iyo ‘Mindly’ oo talefannada iyo Tablets ka lagu soo dejiyo iyaga oo bilaa lacag ah, isla shaqadaasna qabanaya.

Barnaamijyada aynu xusnay iyo kuwo kalaba waxa aad u adeegsan kartaa in ay kaa kaalmeeyaan in waqtiyada shaqada iyo nasashada ay kuu nidaamiyaan. Barnaamijyadani waxa ay ku xidhmaan bogagga internet ka laga galo, gaar ahaan barnaamijkii ‘Pomodoros’ waxa aanay xidhaan barnaamij kasta oo ay u arkaan in aanu isticmaalkoodu ku jirin jadwalka loo sheegay, ama waqtigoodu uu dhaafay waqtigii loo qoondeeyey. Tusaale ahaan waxa uu kaa xakamaynayaa isticmaalka baraha xidhiidhka bulshada sida facebook iyo Twitter iyo shabakadda filimada laga daawado ee Netflix.

KA FAA’IDAYSIGA DADKA SOO MARAY DHIBAARADA WAHSIGA

Dhiirrigeliyaha caanka ah ee Tim Urban ayaa ka mid ah dadka soo maray dhibaatada wahsiga ee markii ay iska dabiibeen iyagu, haddana xiiseeyey in ay dadka la wadaagaan xal u raadinteeda. Waxa uu leeyahay shabakad aad wax badan ka faa’iidaysan karto oo lagu magacaabo, ‘Wait but why’ https://waitbutwhy.com/ boggan waxa uu ku soo bandhigaa talooyin, tusaaleyaal, tababarro iyo waayoaragnimo wax badan kaaga faa’iidaynaysa ka gudbista xaaladda wahsiga.
Sida oo kale waxa uu jeediyey hadallo uu kaga sheekaynayo dhibaatada soo kala martay wahsiga.

Hoos ka daawo muuqaalka mid ka mid ah hadalladaas oo uu kaga sheekaynayo qiso xiise badan oo muujinaysa, sida uu wahsigu u galaaftay qoraalka buuggiisii dhammaystirka jaamacadda.

KITAABKAN AKHRI

Buugga ‘Procrastination: Why You Do It, What to Do About It Now’ ayaa ka mid ah buugaagta sida fiican qofka uga caawin kara ka gudbiso marxaladda ah hawl dib u dhigashada iyo in lagu mashquulo hawl aan ahayn tii runta ahayd ee loo socday. Waxa uu qofka u tababarayaa in uu is weydiiyo ‘Sababta uu hawl u qabanay?’ iyo ‘halka uu hawshaas hadda kaga aaddanyahay’. Waxa uu kaa caawinaya in aad fahamto sida ay ku yimaaddaan wahsiga iyo hawl dib u dhigashadu.

Waxa ka sii xiise badan in uu xambaarsanyahay nidaam dabiib oo uu qofku kaga bogsan karo xaaladdan cagajiidka iyo shaqo ka warwareegista ah ama jiitanka shaqo keenta.

DHAMMAAD.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Faa’idooyinka Ay Leedahay In La Yareeyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Isticmaalka baraha bulshada waxa aynnu ka helnaa aqoon guud iyo xogo marar ka qaarkood waxtar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *