Wadna Xanuunka (Heart Attack)

Wadnuhu sida aynu wada ogsoonahay  waa (vital organ) ama waa machiinka uu biniaadamku ku noolyahay waa qaybiyaha dhiiga ,wuxuu ku yaalaa wadnuhu badhtanka laabta feedhaha dabadooda dhinaca bidixdana u raacsan ilaa 9cm, wuxuu ka koobanyhay 4 chanber laba midiga iyo laba bidixa, wadnuhu wuxuu  jidhka siiyaa dhamaantii dhiiga oxeygen ta xanbaarsan, wuxuu ka koobanyahay wadnuhu sadex dabaqadood buu ka koobanyhay, ta sare waa (epicardium, ta dhexe (mayocardium,ta hoose waa endocarduim)

Waxaa lagu qiyaasaa misaanka wadna ilaa 250-300 oo gm.

Waxaa hadaba muhiima madaama uu wadnuhu ahamiyadaa leeyahay anigoo aan fasiraad badan gelin in ay ku dhacaan cuduro badan mid kamida hadaynu soo qaadano cudurada wadnaha ku dhaca waa HEART ATTACK ga, ama MYOCARDUIM INFACTION, sidaynu u soo sheegnay horena waa dabaqada dhexe ee wadnaha.

Hadaba waa maxay HEART ATTACK ama (MYOCARDUIM INFACTION )ku :

waxaynu ogsoonaha in oxygen tu muhiim u tahay jidhka biniaadamka ee uu wadnuhuna ka midka yahay hadaba xaaladani waxay dhacdaa ama aynu ku fasirikarnaa si kooban (waa marka uu dhiigu gaadhi waayo qaybka mid wadnaha ee ay halbowlayaasha wadnuhu gaadhsiin kariwaayaan dhiiga gaar ahaan (mayucarduim layer)ka.

Sabatu hadaba maxay noqon kartaa :

sababtu waa xididada wadnaha ay xidhaan xinjir dhiiga ama baruur,taas oo xididkaa ku keenta inuu wada xidhmo ama qayb kamidi xidhanto waxaa markaa dhacaya in ama dhinto qayb ka mid ah wadnuhu marhaduu waayahy oxygenkii uu ku noolaan lahaa. xaladaas ayaa layaahaa haert attack.

Calaamadaha Heart Attack ga lagu garto ama uu leeyahay(wadna xanuunka):

  1. Wadnaha xanuun ama chest pain waa badhtamaha laabta oo qofka aad u xanuunta si goo goosa ama xidhiidhsan,xanuunkaa oo u wareega garabka bidixda hoodtiisa ilaa gacanta bidix,daamanka,caloosha.
  2. Dhidid fara badan
  3. Ladaabyo iyo hunqaaco,
  4. Qufac,wareer am dookhad
  5. Wadnaha oo aad isu garaaca
  6. Naqaska oo qofka ku cidhiidhi noqda
  7. Saabta oo uu qofku ka dareemo culays in maroodi ku fadhiyo oo kale.

Risk factors..ama waxyaalaha loo nisbeeyo inay sababi karaan xanuunkan e khatarta ku ah wadnaha:

  1. Sigaarka waa ka aadka loogu nisbeeyo 36%.
  2. Qofka xanunadan qaba oo u nugul kaadi macaanka ,dhiikarka,kolistaroolka ama baruurta sare.
  3. Dadka buurbuuran ama cayilka siyaadaha ah oo yaguna u nugul.
  4. Jimicsi la,aanta ama fadhiga badan ,,taas oo bulshadeena aad ugu badan.
  5. Stress ka ama cidhiidhigan faraha badan ee nolosha saameeya.
  6. Qaadka in kastoo aan diraasadi jirini hadana aniga ra,yigayga wuu ka qayb qaadankaraa si xooga weliba bulshadeena ,waayo waa geed lagu buufiyey sun,la odhan karo daroogo,kiciya dhiiga sida ay bulshdu u cuntaana ay tahay si xaddhaafa taas oo fadhi badan iyo xarako la,aani ka muuqato shakhsigaa circulationkii dhiiguna yaraanayo.beryahan danbena waxaa ku soo badanayey bulshada wadna xanuun ama wadna istaaga. markaa waad garan kartaa khatarta uu leeyahay qaadku.
  7. Family history, ama xanuunada layska dhaxlo .

Cilaajka ama dawadu : waa laba qaybood waa caafimaadka degdega ah marna waa daawayn dheer iyo cilaaj waana marka baadhistu dhamaystianto ta degdega ah waxaa ugu horeya qofka oo lala gaadho dhakhtar ,si ogxygen loo siiyo. *tab NTG nitroglycerin,aspirin with more care iyo IV ama faleebo. intaa wixii ka danbeeya waa in laga qaadaa qofkaa dhiig, ECG,iyo xididka xidhan oo la ogaado, dawo munaasabana la siiyo.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa cad in xanuunada wadnuhu bulshadeena ku soo kordhayaan asbaabahaa aynu soo sheegnay iyo qaar kaloo badan dartood, waxaana cad inay bulshadeenu ku caantahay in xanuunada ay qarsadaan ama dhiikar ha ahaado ama macaane ama aanayba is ogayn, labadaa cudurna wa kuwa ugu horeeya ee sababa wadna xanuunka fatrad ka bacdi. Ta soo raacdaa waa facility care kii oo aad inoogu yar ama baadhitaan ha ahaato am cilaaje,taasina waa mushkilad taagan .

Waxaa bulshow xusid mudan in bulshada somaliyeed ay noqdeen mujtamacaadka ugu da,da yar caalamka ee ku geeriyooda da,yadoo ta ilaahay jirto hadana mujtamacaad rmaray dhinacyadaa ayno soo sheegnay ama qalab ama dawoba mujtamacaadkoodu way ka cimri dheeraankaraan ku weena ama life style ka oodhanba. maanta waxaynu arkaynaa qof reer miyiya oo qaba macaan iyo dhiig kar oo da,yara.A

akhristow prevention better than cure ,ee sixadaada ilaali (ina labadanika calayka xaq),,life style kan hala bedelo qaadkan hala joojiyo…..

Allaa mahadle………………

abdirashid osman

abdirashidsmn@yahoo.com

 

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *