Waa Maxay Jiilka Alpha?

Da’da aadamaha waxaa la isugu xidhaa fac-fac, iyada oo intii isku hanaqaad ahiba ay wadaagto dabeecad nololeed, waayo bulsho ama duruufo dhaqaale, horumar, siyaasadeed, dhaqan, iwm. oo u gaar ah.

In kasta oo dalalka iyo bulshooyinku ay ku kala duwanyihiin halbeegga ay ku dooranayaan ama magaca ay isku raacinayaan faca, tusaale ahaan marka aynu Soomaalida eegno la odhan karo, ‘Facii gobannimada, ‘jiilkii halganka’ ama da’dii dagaalladii sokeeye iwm’ haddana waxaa jira magacyada qaarkood caalami noqda. Waxaa ka mid ah jiilka hadda kacay oo loo yaqaanno ‘Jiilkii Alpha’.

Alpha waa xarafka ugu horreeya Alifbaatada afka Giriigga. ‘Faca Alfa’ waxaa loo yaqaannaa da’dii hanaqaad koodu la bilowday qarniga 21-naad, gaar ahaan dhalashadoodu ay tahay 2010 illaa 2025. Waa jiilkala barbaaray horumarkii taariikhda ugu ballaadhnaa ee ay Teknoolajiyaddu samayso.

Waxa lagu tilmaamaa jiilka ugu badan is dhexgalka bulshooyinka dunida ee kala isir iyo dhaqanka ah, sababta ugu badanina waa horumarka isgaadhsiinta teknoolajiyadda iyo korodhka isu socodka iyo isdhexgalka dadka kala duwan ee dalalka adduunka.

Shabakadda Almiidaan oo warbixin ka samaysay Facan ayaa sheegtay in:

1. 81% carruurta ka yar 12 jirka ayaa qasba ama raad ku leh wax iisbiga qoysaska. Dalka Maraykanka oo keliya, sannad kasta 500 oo bilyan oo doolar, ayaa lagu iibsadaa waxyaabo carruurta la xidhiidha, ama ay xiisaynayaan.

2. Marka la gaadho 2025, faca Alfa waxa uu tirada guud ee dadka dunida ka noqon doono 2 Bilyan oo qof.

3. Marka la gaadho 2030, 11% shaqaalaha shaqeeya ama u diyaarsan shaqada waxa ay noqonayaan da’da Alfa.

Jiilka alfa waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin:

1. Jiilka ugu waxbarashada sarreyn doona taariikhda waxbarasho ee dunida soo martay, marka la eego tirada heerka jaamacadeed gaadhay. Isla markaana ah faca ugu aqoonta guud iyo ogaalka badanaya.

2. Waa jiilka ugu saamaynta badnaan doona, uguna dhiirranaan doona jiilashii hore oo dhan; raadinta xuquuqaha siyaasadeed, dhaqaale, aadamenimo, raadinta cadaaladda bulsho, ku lug lahaanshiyaha dhaqdhaqaaqyada bulshada, iyo nolosha dhan kasta,

Waxaana la filayaa in ay horseed u noqon doonaan kacaan isbeddel nololeed ah oo ku yimaadda hab fikirka aadamaha, hannaanka shaqada, hab xidhiidhhka iyo war isgaadhsiinta bulshada, iwm.

3. Waa jiilka ugu aqoonta iyo fahamka badan isticmaalka, ku shaqaynta iyo ka shaqaynta Teknoolajiyada, isla markaana sida ugu badan uga faa’idaysan kara uguna raaxaysan kara waxtarkeeda, marka la eego jiilasha kale ee nool oo la ogyahay in xitaa faa’idooyinka badan ee talefanka gacanta ay in yar ka yaqaannaan.

Laakiin dhinaca kalana jiilka Alfa waa ka ay dhibaatada ugu badani ka soo gaadhi doonto teknoolajiyadda casriga ah, sababo la xidhiidha isku furnaanta dhaqanka iyo guud ahaan nolosha adduunka ee teknoolajiyaddu fududaynayso.

Waxaana la qabaa dareen ah in dhaqannada qaar ay awood u yeelan doonaan inay liqaan dhaqanno kale. Ummado badanna dhaqankeeda iyo qiyamka jiritaankeedu uu sababtaas u tirtirmo.

Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, casho, cashada

10 Cunto Oo Ay Qalad Tahay In Lagu Casheeyo Iyo Sababta Caafimaad Ee Loo Diidayo

Bismillahi, waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *