Waa Maxay Insulin? Sidee Ayay U Saamaysaa Sonkorowga?

Insulin waa dheecaan laga soo daayo xameetida oo ah qanjir kuyaala caloosha gadaasheeda.

Insulin-tu waxay u ogolaataa jirka inuu sonkorta looyaqaan glucose u isticmaalo tamar ahaan.  glucose-tu  waa nooc kamid ah sonkorta oo laga helo carbohydrates-ka.

Marka aad cuntid cunto habka dheefshiidka ee jirku wuxuu durbadiiba burburiyaa carbohydrates-ka una badalaa glucose.

Marka glucose-tu ay soo gasho dhiiga insulin waxay dhamaan unugyada jirka u ogolaanaysaa inay sonkorta soo gashay jirka u isticmaalaan tamar ahaan.

Insulin-tu waxay kaloo door muhiim ah kaciyaartaa isku dheelitirka cadadka sonkorta(glucose) ee jirka. Hadii xadiga sonkorta ee jirka uu bato insulin-tu waxay jirka ku amartaa inuu sonkorta dheerigaa ku kaydiyo beerka si loo isticmaalo marka sonkorta jirku ay yaraato.

Badanaa sonkorta jirku waxay hoos u dhacdaa xiliada u dhaxeeya cuntooyinka ama xiliyada uu qofku yara buuqsanyahay maskax ahaan (stress) iyo sidoo kale marka qofku u baahdo inuu shaqo dheeriya qabto taasoo tamar badan u baahan.

Sidee insulin-tu u saamaysaa cudurka sonkorowga (diabetes)?

Sonkorowgu wuxuu dhacaa marka jirkaagu uusan si sax ah u isticmaalayn insulin-ta ama marka jirkaagu uusan insulin kugu filan soo saarayn.

Nooca koowaad ee sonkorowga oo loo yaqaan (type 1 diabetes ) waa nooc ka yimaada khalad ka dhasha habka difaaaca jirka (autoimmune disease) kaasoo jirka ka dhigaya mid soo saara xaddi yar oo insulin ah.

Sababtoo ah habka difaaca jirku wuxuu gabi ahaanba burburinayaa unugyada soo saara insulin-ta oo laga helo xameetida (pancreas).

Cudurkaan (type 1 diabetes) wuxuu badaan ku dhacaa dadka yar yar inkastoo uu dadka waawyna ku dhici karo.

Nooca labaad ee sonkorowga oo loo yaqaan (type 2 diabetes) wuu ka yara duwan yahay nooca koowaad.

Noocaan waxaa yaraanaya shaqada ay insulin-tu qabato xiliga sonkorta jirku ay badantahay ama yartahay.

Sidaa daraadeed waxay u badan tahay in jirku uu soo saaro xaddi badan oo insulin ah si uu caddadka sonkorta ee jirka caadi uga dhigo.

Balse taasi khatarteeda ayay leedahay soo saarida badan ee insulin-tu waxay khatar wayn kutahay unugyada soo saara insulin-tu inay gubtaan maadaama caddad kabadan intii awoodooda ahayd ay soo saaarayaan. Taasoo bukaanka  ka dhigaysa mid ku tiirsan in insulin lagu durro.

Qaadashada insulin-tu (insulin injection) way daawayn kartaa labada nooc ee sonkorowga balse bukaanka qaba nooca labaad ee sonkorowga waxay u baahan yihiin inay qaab nololeedkooda wax ka badalaan si ay nolol fiican oo caafimaad qabta ugu noolaadaan ayagoo wali daris la ah sonkorowga.

Noocyada insulin-ta:

Insulin-ta afka lagama qaadan karo waa in la isku duraa.

Farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya noocyada Insulin-ta waa waqtiga fal-galka iyo xawaaraha ay jirka ku galayso.

  1. Nooc degdeg u fal-gala (rapid-acting insulin)

Noocan wuxuu ku fal-galaa qiyaastii 15 daqiiqo kadib marka lagu duro bukaanka. Waxayna jirka kujiri kartaa 3-5 saacadood. Badanaa cunta kahor ayaa la qaataa.

  1. Nooc si gaaban u fal-gala (short-acting insulin)

Sidoo kale cuntada kahor ayaa la qaataa. Waxay ku falgashaa qiyaastii 30-60 daqiiqo. Waxayna jirka kujirtaa 3-8 saacadood.

  1. Nooc waqti dheer ku fal-gala ( long-acting insulin)

Noocan insulin-tu waxay jirka ka shaqa biowdaa qiyaastii hal saac kadib balse waxay jirka kujiri kartaa ugu yaraan 26 saacadood.

  1. Nooc si dhex dhexaad ah ku fall-gala (intermediate-acting insulin)

Noocan waxay jirka la fal-gashaa qiyaastii 1-3 saac  kadib marka lagu durro qofka.  waxayna jirka ku jiri kartaa ugu yaraan 12 saacadood.

Calaamadaha lagu garto marka cadadka insulin-ta ee jirku uu dhacsanyahay:

  • Daal
  • Hamaansi badan
  • Hadalka oo dhib kugu noqda
  • Dhidid
  • Wareer
  • Miyirka oo kaa dhuma
  • Murqaha oo soo koga
  • Maqaarka oo rada ama cadaada

Gaba gabo:

Insulin-tu waxay mar walba ka dhigtaa caddadka dhiiga ee jirkaaga mid jooga meeshii laga rabay waxay kaloo kaa difaacdaa  inuu kugu dhaco cudurka sonkorowga.

Ogoow hadii aad qabtid sonkorow insulin-tu waxay wali kaala dagaalamaysaa khatarta sonkorowga oo ay kamid yihiin.  indha-la aanta   (blindness) iyo luga jarida (Amputation).

Hadaba waa kuu muhiim inaad mar walba la socotid cabirka sonkorta dhiigaaga, sidoo kale waa inaad hab nololeedkaaga wax ka badashid ( sida, hurdada, cuntada, iyo jimicsiga) si aan sonkortu kuugu kicin.

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *